You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Mucjisada geela laga qoray ee buuraha Sucuudiga ku yaalla
Sawirro geel laga qoray dhadhaabo buureed oo ku yaal Sucuudiga ayaa la qabaa in ay yihiin kuwa ugu da'da weyn ee sawirro aadame dhagaxaan ka qoro dunida ah, sida lagu sheegay daraasad soo baxday.
Sawirradaa laga qoray dhadhaabaha buuraha ku yaal ayaa waxa markii ugu horraysay la helay sannadkii 2018, waxaanay cilmi-baadheyaashu ku tilmaameen in la qoray 2000 oo sano ka hor.
Arintan waxa lagu saleeyey sawirro la mid ah oo ku yaal magaalada qadiimka ah ee ku taal Urdu nee la yidhaa Petra.
Laakiin daraasad cusub ayaa ka dhigaysa da'da dhagaxaanta geela laga qoray in ay tahay 7000 ilaa 8000 oo sano.
Inta ay jiraan muuqaalada laga qoro dhadhaabuhu in si sax ah loo ogaadaa way ku adag tahay cilmi-baadheyaasha. Maadaama oo aanay jirin wax lagu cabiri karo cimrigooda oo ay taa kaga duwan yihiin sawirrada loo adeegsaday sibaaqyada dabiiciga ah ee quruumihii hore ku dhigeen dhagaxaanta. Waxa kale oo jirta in sawirada noocaas ahi ay gobolkaa dhif ku yihiin.
Cilmi-baadheyaashan oo daraasadooda lagu baahiyey majallada Journal of Archaeological Science, ayaa waxyaabaha ay adeegsadeen waxa ka mid ahaa heerka nabaad guurka carrada iyo lisanka dhadhaabaha oo hal beeg u ahaa, sidoo kalena waxay baadheen lafaha xawayaanka ee laga helay goobtaa si ay u ogaadaan cimriga muuqaaladan dhadhaabaha laga qoray.
Cimriga dhadhaaban ayaa ka dhigaya in ay xataa ka da' weynihiin goobaha caanka ah sida Stonehenge oo jira 5000 oo sano iyo Ahraamta Giza oo jira 4500 sano. Sidoo kale waxa lagu wadaa in la qoray dhadhaaban intaan aadamuhuba geela carbinin ka hor, waxaanay arintaasi ka dhigan tahay inay horumar dhaqaale u soo jiidayso gobolka.
Waagii dhadhaaban la qoray, Sucuudigu sidan uu haatan yahay wuu ka duwanaa oo wuxuu ahaa bannaano tigaad iyo harooyin badan oo aan ahayn saxaraha uu maanta yahay.
Lama garan karo in muuqaalada geela ah ee dhadhaabaha laga qoray ujeedadii loo sameeyey, laakiin cilmi-baadheyaasha waxay la tahay in ay goobahaasi ahaayeen meelo ay ku kulmaan qabaa'ilka reer guuraaga ahi.
Waxay sidoo kale sheegeen in ay adkayd in aasaartaa dhadhaabaha laga qoro kumanaan sano ka hor, maadaama oo ay buurahaas dhaadheer yihiin oo ay dadkii qoray ku qasbanaayeen in ay u fuulaan sakhaalado lagu gaadho.