Cilmi-baadhis lagu ogaaday faa'iidada mustaqbalka dheer ee talaalka Covid-19

Published

Cilmi-baadhis ay samaysay jaamacadda King's College London ayaa lagu ogaaday in talaalka Covid-19 oo si buuxda loo qaataa aanay yarayn oo keliya halista uu qofku ku qaadi karo, balse sidoo kale ay hoos u dhigto in mustaqbalka dheer xataa hadii qofka uu ku dhaco saamayntiisu ay aad u yartahay.

Waxay cilmi-baadhistu muujisay in dadka tirada yare e iyaga oo qaatay labada irbadood ee tallaalka, hadii ba uu ku dhaco cudurku in suurto galnimada ay astaamaha cudurka ee ba'ani aanay ku sii raagin qofka wax ka badan 40 todobaad oo ay hoos u dhacdo 50%.

Waa marka la barbar dhigo dadka aan talaalka qaadan ee uu cudurku ku dhaco.

Ilaa haatan 78.9% dadka ku nool Ingiriiska ee da'doodu ka weyntahay 16 ayaa qaatay labada irbadood ee talaalka Covid-19.

Dad badan oo uu ku dhaco Covid waxay ku bogsadaan afar toddobaad ee ugu horeeye gudahood laakiin qaarkood waxa ku raaga astaamaha cudurka oo muddo todobaadyo ah qofka ka sii muuqda, waana astaamaha la yidhaa riiqda cudurku ka tago. Waxa kale oo sidoo kale astaamahaasi ay ka sii muuqdaan qofka xataa cudurku aanu soo ridan ee uu sida sahalka ah ugu dhaco.

Cilmi-baadheyaashaas oo daraasadooda lagu daabacay majallada The Lancet Infectious Diseses, ayaa sheegay in ay caddahay in talaalku nolosha badbaadinayo isla markaana uu ka hor tag u yahay in cudurku halis ku noqdo qofka, laakiin saamaynta talaalku uu ku leeyahay dalalka soo koraya ayaan macluumaad badan laga haynin.

Daraasaddan lagu saleeyey cilmi-baadhistan ayaa lagu saleeyey xog laga soo ururiyey dalka Ingiriiska oo gudihiisa oo keliya.

Cilmi-baadheyaashu waxay ogaadeen in dadka qaarkood ay u halis badan yihiin waxa lagu sheego in cudurku ku dhaco marka la talaalo ka dib oo ay dadka intooda kale uga nugul yihiin, ha u badnaadeen dadka da'da ah iyo kuwa ku nool meelaha saboolka ah. Waxaanay u badan yihiin dadkaasi kuwa irbadda keliya qaatay ee talaalka.

Madaxa cilmi-baadheyaashan oo la yidhaa Dr Claire Steves ayaa sheegtay in in ay muhiim tahay in dadka halistaa u nuguli ay talaalka dhamaystirtaan oo labada irbadood ba qaataan.

"marka la eego culayska mustaqbalka dheer ee Covid-19 leeyhay waxa wax lagu farxo ah in cilmi-baadhistayadan lagu ogaaday in qofka oo labada irbadood ee talaalka qaataa ay aad hoos ugu dhigaysao halista uu cudurka ku qaadi karo hadii uu qaadanona uu dhib wayn u geysan karo oo aanay riiqdiisu ku dheeraanayn" ayay intaa ku dartay.

Wasiirka caafimaadka Ingiriiska, Sajid Javid, ayaa sheegay in talaalku uu badbaadiyey 105,000 oo qof noloshooda sidii kalena uu ka hor tagay in 24 milyan oo qof uu ku dhaco England oo keliye.

Wuxuu sheegay "in ay iska caddahay in difaac laga yeesho fayraska ay taha sida ugu haboon ee dadku iskaga ilaalin karaan in cudurku soo rito. Waxaan ku dhiiri gelinayaa qof kasta oo gaadhay da'da loogu talo galay in uu qaato talaalka oo weliba sida ugu dhakhsaha badan u qaato"