Al-As-har Al-Shariif oo xaaraantinimeeyey in jidhka lagu dhigo 'tattoo'

Published

Xafiiska Fatwada ee Al-As-har ayaa xaaraantinimeeyey sawirrada jidhka lagu qore ee loo qayaan 'tatoo' waxaanu ku tilmaamay in arintaasi ka mid tahay 'dembiyada waaweyn'.

Xafiiska Fatwada ayaa se ka soo reebay arintaas laba xaaladood oo keliya hadii uu ku yimid oo kala ah mid looga fursan waayey in qofka lagu daweeyo ama uu yahay sawir maydhmaya sida xinnaha oo kale.

Fatwadaas ka soo baxday Al-As-har ayaa tilmaantay in 'taatoo' ga la sheegayaa yahay sawirrada haatan inta jidhka la dalooliyo midbka aan ka go'ayn jidha lagu sawiro.

Warbixintaas ayaa lagu faahfaahiyey in mawqifka Islaamka ee arintaas ku aadani tahay in falkaasi 'xaaraan yahay' waxana intaa lagu sii daray in 'culimada waaweyn waarkood kuba tilmaameen dembi ka mid ah dembiyada ugu waaweyn' waxaanay fatwadu ku nuuxnuuxsatay in xukunkaasi qabanayo 'rag iyo dumar ba'.

Fatwadu waxa lagu sheegay in " taatoo-gu fidiyo cudurada la kala qaado marka la adeegsanayo qalabka la isku mudo oo kalgu kala qaado cudurada ay ka midka yihiin jooniska beerka ku dhaca ee halista ah iyo AIDS hadii qalabkaas oo aan nadiif ahayn la adeegsado".

Arintan ayaa ku soo beegantay iyada oo beryihii u dambeeyey ay dalalka Carbeed qaarkood ku soo badanayayaan goobaha lagu barto sida taatoo-ga loogu sawiro jidhka oo noqotay xirfad qofka ku shaqaysanayaa ay tahay inuu shahaado ku sito.

Jidhka muqaallada ama calaamada midabka leh ee aan go'in lagu dhigayaa maaha wax ku cusub dadka Carabta oo waxay adeegsan jireen ilaa waayo hore, ilaa haatanna haweenka ku dhulka miyiga ah ee dalka qaarkood iyo weliba qabaa'ilka miyga ah ayaa wajiga muuqaallada noocaas ah ku dhigta oo u adeegsada is qurxin iyo isku daawayn labada.

Waayadan dambe ayaa taatooga wax meelaha gaar looga adeegsadaa daawaynta nafsiga ah gaar ahaan kansarka ku dhaca naasaha oo ay haweenka iyo ragga naasaha laga jaray ba goobta laga jaray sawirro tattoo ah lagaga dhigaa.

Waxa jirta in wadama ay ku badantahay adeegsiga tattoo gu loo haysto in dadkoodu bulsho ahaan qabatimeen oo aanay u arag wax dhibaato ah, laakiin badanaa sidaa maaha.

Daraasad ay samaysay jaamacadda Iowa ee dalka Maraykanka ayaa lagu ogaaday in xataa dalkaa dhexdiisa dadka sawirrada noocaas ahi kaga yaallan gacmaha bulshadu aanay u arag dad fiican.