Pyongyang: Kuuriyada Woqooyi oo mamnuucday lahja Kuuriyada Koonfureed lagaga hadlo

Xigashada Sawirka, AFP VIA GETTY IMAGES
Warbaahinta Kuuriyada Woqooyi ayaa u guubaabisay dhalinyarada dalkaas in aanay adeegsan erayada suuqdiga ah ee laga isticmaalo Kuuriyada Koonfureed, waxaanay ku wargelisay in ay adeegsandaan afka saxda ah ee Kuuriyada Woqooyi.
Waxa sidoo kale soo baxay digniino hor leh oo uu baahiyey wargeyska rasmiga ah ee Kuuriyada Woqooyi oo dadka looga digayo in ay qaataan hab lebiska, timo xiirashada iyo heesaha Kuuriyada Koonfureed.
Waxay arintani qayb ka tahay sharci cusub oo adag oo la doonayo in lagu cidhib tiro nooc kasta oo saamayn shisheeya ah oo lagu mutaysanayo ciqaab adag.
Dadka lagu helo in ay ku xad gudbeen sharciga ayaa mudan doona xabsi ama xitaa dil.
Wargeyska Rodong Sinmun ayaa uga digay dadka dhashay sannadkii 2000 iyo wixii ka dambeeyey khatarta dhaqanka pop-ka ee Kuuriyada Koonfureed.
"Is dhexgalka dhaqan iyo aydhiyoolajiyeed ee boodhadhka bilicda leh ee burjuwaasiyadda waxay ka halis badan tahay xataa cadawga hubka inoo haysta," ayaa maqaalka lagu qoray.
Wuxu ku nuuxnuuxsaday in Af-Kuuriyaanka asalkiisu yahay lahjadda Pyongyan, sidaa awgeedna ay da'yartu tahay in ay si fiican u adeegsadaan.
Saamaynta shisheeyaha ayaa loo arkaa inay khatar ku tahay taliska hanti wadaagga ah ee Kuuriyada Woqooyi iyo hogaamiyihiisa Kim Jong-un ee gacanta birta ah ku hayo awoodda dalkaas.
Dhawaan ayuu ku tilmaamay dhaqanka K-pop "kansar halis ah" oo wiiqaya dhalinyarada Kuuriyada Woqooyi, sida uu ku waramay wargeyska New York Times.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Qofka la qabto isaga oo haysa cajalado ama qoraallo ka yimi Kuuriyada Koonfureed, Marayknka ama Japan waxa haatan lagu xukumayaa dil. Dadka la qabto iyaga oo daawanayana waa xabsi 15 sano ah.
Laakiin iyada oo khatartaasi jirto, ayaa saamaynta shisheeyuhu gaadhaysa Kuuriyada Woooyi waxaana jira shabakado aad u qarsoodi ah oo kootarabaan ku geliya waxbaayaha la mamnuucay oo si toos ah uga shaqaysta.
Dadka Kuuriyada Woqooyi ka soo goostay qaarkood ayaa sheegay in ay daawan jireen musalsallada Kuuriyada Koonfureed oo ay taasina ku dhalisay in ay go'aan ku gaadhaan in ay baxsadaan.
Yang Moo-jin oo ah borefesor wax ka dhigay Jaamacadda daraasaadka Kuuriyada Woqooyi ayaa wargeyska Korea Herald u sheegay in Kim oo wax ku bartay Switzerland "uu aad uga warqabo in dhaqanka K-pop ama dhaqanka reer galbeedku si fudud u dhex geli karo da'yarta taasina saamayn taban ku yeelanayso xukunkiisa hantiwadaaga ah".
"Wuu og yahay in dhaqamadaasi ay culays saari karaan nidaamka. Markaa ka hortagaasi waa isku day Kim doonayo inuu ku horjoogsado dhibaato dheeraad ah oo mustaqbalka ka hortimaad".














