Cilmi-baadhis Koongo laga wado oo dhalisay rajo ah in HIV la dawayn karo

Published

Saynisyahanno ayaa sheegay in ay rajo dawo loogu heli karo HIV ay abuurtay arinta la ogaaday ee ah in dad badan oo jidhkoodu si dabiici ah u xakameeyo fayraska HIV ay jiraan.

Daraasaddan ayaa lagu ogaaday in 4% dadka qaba fayraska HIV ee ku nool Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo, jidhkoodu awood u leeyahay inuu xakameeyo fayraska.

Sida caadiga ah in ka yar 1% dadka qaba fayraska HIV ayaa jidhkoodu sidaa u xakamayn karaa fayraska.

Cilmi-baadheyaasha ayaa sheegay in rintani noqon karto bilowga cilmi-baadhis dheeraad ah oo lagu heli karo talaal ama dawo cusub oo lagu la tacaali karo fayraskan keena Aids-ka.

"Markii ugu horraysay ee aanu aragnay xogta ka soo baxday daraasadda waanu yaabnay laakiin se waanu ku faraxnay" ayay tidhi Mary Rodgers oo horseed u ah saynisyahannada daraasaddan wada oo BBC-da la hadashay.

" Taa macanaheedu waxa weeyi in cudurkani yahay mid la dawayn karo" ayay tidhi.

Cilmi-baadhistan oo lagu baahiyey majallada eBioMedicine oo hoos tagta Lancet ayaa lagu darsay dhiig laga qaaday dad HIV qabay intii u dhacaysay 1987 ilaa 2019.

Kooxda cilmi-baadhista wada waxa ku jira saynisyahanno ka socda shirkadda dawooyinka samaysa ee Abbott, Jaamacadda Protestante au Congo, jaamacadda Johns Hopkins, US National Institute of Allergy and Infectious Diseases, iyo jaamacadda Missouri - Kansas City.

Dr Rogders oo madax ka ah mashruuca Abbott ee daraasaadka fayraska ee dunida, ayaa sheegtay in Koongo tahay dalkii tirada ugu badan ee dadka astaamahan leh laga helo taas oo ah inta u dhaxaysa 2.7% ilaa 4.3%, halka dalka Cameroon na laga helay 1%.

"Run ahaantii arintan oo kale hore looma ogaan, inta badan na dadka qaba HIV ee sidan oo kale jidhkoodu u xakamayn karo fayrasku waxay ahayd in ka yar 1%".

Haatan dadka qaba HIV badankoodu waxay qaataan dawooyinka qofka u sahla in jidhkiisu iska difaaco fayraska.

Ilaa haatan lama oga sida dadkan laga helay Koongo jidhkoodu u xakameeyo fayraska.

Laakiin Dr Rodgers waxay sheegtay in fahamka dadka noocan ahi haatan fududaynayo in ay suurto gal noqon karto in fayraska la xakamayn karo.

Hase yeeshee waxay carrabka ku adkaysay in loo baahan yahay cilmi-baadhis dheraad ah maadaama oo daraasado hore oo la sameeyey lagu ogaaday in dadka awoodda noocan ah jidhkoodu leeyahay ay diciifaan marka ay muddo dheer qabaan cudurka.

HIV wuxuu dunida ka dilaacay sannadihii sideetameeyadii waxaanu ku dhacay 76 milyan oo qof, laakiin waxa haatan qaba fayraskaa 38 milyan oo qof sida ay sheegtay shirkadda Abbott.

Waxa la rumaysan yahay in uu fayrasku qarni ka hor ka soo bilaabmay dalka Koongo, waxaanu haatan aad ugu badan yahay HIV dumarka iyo caruurta dalalka Afrika ee saxaraha ka hooseeya.