Diyaaraddii la af-duubay ee masaafada dheer martay

Published

Saacaddu waxay ahayd 01:30, 31 Oktoobar 1969. Isaga oo dhar uu isku qarinayo ku lebisan ayaa Raffaele Minichiello fuulay diyaaradda waxaanu ganacta ku hayey tigidh uu siistay 15.50 doolar oo ahaa Los Angeles ilaa San Francisco.

Duulimaadka diyaaraddaa oo lambarkiisu ahaa 85 wuxu ahaa kii ugu dambeeyey maalintaa ee diyaaradda oo dhawr saacadood ka hor ka timid Baltimore ka hor intii aanay u kala gooshin magaalooyinka Louis iyo Kansas City. Laakiin af-duubkii wuxu ku geeyey diyaaradda ilaa dalka Talyaaniga.

Ninka dhalin yarada ah ee dharka uu isku qarinayey ku labisnaa wuu cabsanayey laakiin si degan ayuu diyaaradda u fuulay. Boorsada uu garabka ku sitay waxa afka kala soo jeeday alaab ku jirtay boorsada.

Diyaaradda dad badani ma saarrayn. Rakaabku waxay ahaayeen 40 keliya. Waxaana suurto gal ahayd in dadku kuraas kala durugsan gooni gooni u fadhiistaan.

Markii diyaaraddu kacday ayaa shaqaalihii diyaaraddu wada bakhtiiyeen laydhkii dadkiina shib wada yidhaahdeen.

Ninkii rakaabka ahaa ee baqayey dharka uu isku qarinayo na xidhnaa, ayaa u kacay halkii ay shaqaalaha diyaaraddu fadhiyeen.

Wuxu sitay qori M1 ah, Delmonico oo ka tirsan shaqaalaha diyaaradda oo ahayd qof degan oo xirfad leh ayaa si degan ugu tidhi ''lama ogola qoriga".

Jawaabtiisii waxay noqotay inuu u fidiyo rasaas cabbirkeedu yahay 7.62 si uu ugu xaqiijiyo in qorigu cabbaysan yahay, waxaanu faray in ay halka duuliyeyaashu ku jiraan u kaxayso.

Minichiello wuxu u ekaa nin si fiican u tabobaran oo aad u hubaysan isla markaana ay ka go'antahay in uu diyaaradda afduubo.

Markii ay Delmonico qolkii duuliyeyaasha ee ay furtay ka soo baxday ayuu Minichiello ku jeestay duuliyeyaashii oo ku yidhi ''New York u weeciya diyaaradda''.

Kama dambaystii wuxuu u ogolaaday duuliyihii diyaaradda inuu dadka rakaabka ah la hadlo.

''Hadii qorshihiinu ahaa in aad San Francisco tagaan'' ayuu yidhi, ''niyada ka saara. Waayo waxaynu u weecanay xaga New York''.

Minichiello wuxu dalbaday in laydhka madaarka Denver Stapleton la wada bakhtiiyo marka diyaaraddu degto. Waxaanu ballan qaaday inuu sii daynayo dadka rakaabka ah hadii aan isaga dhib lala soo doonan.

Markay rakaabkii diyaaraddii orod kaga soo degeen jawigu wuxu ahaa qabow, ceeryaan badanina way jirtay waa berigiina waxa ka hadhsanaa laba saacadood.

Dadkii la soo daayey ayaa waxa la kulmay oo su'aalo weydiiyey askar ka tirsan FBI oo aan muusoonayn koodhadh waaweyn na xidhan.

Waxa markii dambe la ogaaday sababta uu Minichiello diyaaradda u af-duubay. Markii uu joogay Vietnam oo uu ka mid ahaa askartii Maraykanka, wuxu lacag u diri jiray sanduuqa kaydka ciidamada badda.

Wuxu sanduuqaa ku kaydsaday lacag dhan 800 oo doolar, laakiin markuu ku noqday Maraykanka ee xeradiiisii oo la yidhaa Camp Pendleton oo gobolka California ku taal tagay wuxu ogaaday in ay u taalo lacag 600 oo doolar oo keliya ahi, waxay ahayd lacag aan ku filayn socdaalkii uu maaganaa inuu ku tago Talyaaniga si uu u soo eego aabihii oo sakaraad ahaa.

Maalintaa uu diyaaradda af-duubi doono maalintii ka horraysay waxa la filayey inuu hortago maxkamad milatari oo isla xerada Camp Pendleton ku taal.

Wuxu ka baqay in xabsiga la dhigo markaas ayuu u baxsaday Los Angeles isaga oo sita qori Shiinuhu sameeyo oo markuu ka soo noqday dagaalkii Vietnam u diiwaan gashaday xasuus dagaal inuu isaga u noqdo oo loo fasaxo.

Sannadkii 1999 ayuu Minichiello go'aansaday inuu ku noqday Maraykanka tan iyo markii uu diyaaraddaa af-duubay ka dib.

Wuxu sannadkaa ka war helay in aan wax dacwad ah oo loo haystaa kaga furnayn Maraykanka, laakiin ciqaab la'aani ma dhicin.

Markuu ku noqday dalka, maadaama oo uu askari ciidamada badda ka tirsan ahaa oo ka baxsaday maxkamad milatari, waxa lagu xukumay ''in ciidanka sharaf darro lagaga saaro''.

Haatan Raffaele Minichiello wuxu u dhexeeyaa gobolka Washington ee Maraykanka iyo Talyaaniga. Wuxu marmar ku duulaa diyaarad uu isagu farsameeyey, wuxuu sidoo kale ururiyaa oo Youtube-ka ku baahiyaa muuqallo muusig ah oo la tumayo aaladda Accordion-ka la yidhaa.