You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Sidee loo noqon karaa Madaxweynaha Maraykanka?
Labaatan musharax oo doonayo Madaxtinimada Mareykanka, kana soo jeeda xisbiga Dimuqraadiga ayaa ka qeyb galaya dood ku saabsan loollanka doorashada 2020-ka ka dhici doonta Mareykanka. Arrintan ayaa timid, kadib markii Madaxweyne Donald Trump uu gobolka Florida ka bilaabay olole ku saabsan sidii markale dib loogu soo dooran lahaa.
Way caddahay in ololaha doorashada uu sii xoogeysanayo, balse su'aashu waxay tahay, sidee lagu noqon karaa Madaxweynaha Mareykanka?
Yaa Madaxweyne noqon kara?
Sida uu qabo dastuurka Mareykanka, in qofka uu Madaxweyne ka noqdo dalkaas, waa in da'diisu ay noqotaa 35 jir ku dhashay Mareykanka, kuna noolaa dalkaas ugu yaraan 14 sano.
Dhamaan musharixiinta waa dad kusoo jiray siyaasadda dalkaas, horay na usoo qabtay xilal kala duwan oo ay kamid yihiin Senatar, Gubanatoore, Madaxweyne ku xigeen, xubin katirsan aqalka Kongreska.
Balse sidoo kale waxay ka yimaadaan milateriga iyo maalqabeenada dalkaas, sida Donald Trump oo ahaa nin ganacsade ah. Inta badan waa dad heysta shahaadada koowaad ee jaamacadda. Inta badan Madaxweynayaashii hore ee Mareykanka ayaa waxay ahaayeen kuwa bartay culluunta sharciga.
Ilaa gormee ayaa la ogol yahay inay socdan ololaha doorashada?
Si ka duwan dalalka kale ee caalamka, ololaha doorashada ee Mareykanka ma ahan mid mudeysan sida dalalka Ingiriiska, Fransiiska iyo dalal badan oo caalamka.
Madaxweynaha talada haya ee Mareykanka ayaa go'aansaay in markale uu xilkaas u tartamo, isagoo na ololihiisa hal ku dhig uga dhigay "Make America Great Again" oo micneheedu yahay dalka Mareykanka markale ha noqdo dal quuwad weyn.
In qofka uu Madaxweyne ka noqodo Mareykanka ama uu isku dayo, waa arrin u baahan dhaqaale badan, laga mamarmaan na ay tahay in qofka uu yeesho karti uu dhaqaale kaga soo uruurin karo taageerayaashiisa ama dhaqaale gaar ah uu leeyahay.
Sida ay sheegtay hay'add arrimaha dhaqaalaha qaabilsan oo la yirahdo OpenSecrets.org., doorashadii Mareykanka ee sanadkii 2016-ka, ee u dhaxeysay Trump iyo Hilary Clinton, waxaa ollihii doorashada ku baxay dhaqaale dhan 2.4 bilyan oo doolar, waxaana haatan musharixiinta qaar ay bilaabeen inay uruuriyaan dhaqaale ay ku galaan ololaha doorashada.
Dhinacyada isku haya siyaasadda Mareykanka.
Siyaasadda Mareykanka waa mid u gaar ah labo xisbi oo kaliya- Waa xisbiga Jamhuuriga iyo kan dimuqraadiga. Marka la eego xisbiga dimuqraadiga, 20 musharax ayaa doonaya inay ka qeyb galaan is rebreebka xisbiga dhexdiisa.
Is rebreebkan oo bilaaban doonaa bisha Febraayo ee sanadka cusub ayaa waxay ka dhic doontaa dhamaan gobolada Mareykanka, si ay usoo xulaan qofka xisbiga mateli doonaa.
Dadka ilaa iyo haatan u cadcad xisbiga dimuqraadiga ayaa waxaa kamid ah Joe Biden (Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Mareykanka), Elizabeth Warren oo ah senetarka Massachusetts iyo Bernie Sanders oo isna ah siyaasi Mareykan ah.
Dhanka xisbiga Jamhuuriga, Donald Trump ayaa ka mid ah dadka u hanqal taagaya doorashada, waxaana kula loollamaya Bill Weld oo dadka qaar ay aaminsan yihiin in rajo badan uusan lahayn, hasa yeeshee Trump iyo qofka ay soo xulaan Dimuqraadiga ayaa ku tartami doonaa doorashada madaxatinimada ee Mareykanka.
Sidee loogu guulesyta doorashada Mareykanka?
Sida dunida kale ba lagu arko, doorasha walba waxaa ku guuleysta hadba xisbiga hela codadka ugu badan, balse Mareykanka waa ay ka duwan tahay sidaas oo gobol walba waxaa uu leeyahay ergo ama Electoral college, musharixii ku guuleystana uu noqonayo Madaxweynaha Mareykanka.
Taas waxay gobolada qaar ka dhigeysa kuwa muhiim gaar ah u leh musharixiinta qaar. Way dhici kartaa in musharaxa uu ku guuleysto codadka la tiriyay, balse sida ku dhacday ba Hilary Clinton sanadkii 2016-ka, musharaxa waa in uu ku guuleystaa ergada gobolada.
Gobol walba waxaa uu leeyahay ergo lagu jaangooyo wakiilada gobolkaas, waxaana gobolada ugu weyn ka mid ah California oo leh 55 ergo, Texas 38, New York 29, Florida 29, Illinois 20 iyo Pennsylvania oo leh 20.
Codadka doorashada ayaa waxaa lagu tiriyaa gobolada dalka, waxaana musharaxa guuleysta lagaga go'aan gaaraa halkaas.
Doorashadii dhawaan ka dhacday dalka Mareykanka ayaa waxaa ku guuleystay Madaxweyne Trump, oo qolyaha wax saadaaliya ay shegeen in uusan rajo badan lahayn xiligaas, balse ku guuleysta ergada gobolada.