Maxay tahay sababta loo xidhay koontooyinka xawaaladaha Sweden?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dalka Sweden hay'adda kormeerka maaliyadda ayaa sheegay in xawaalado gaaraya sideed oo ruqsada lacagdirista ka heystay dalkaasi laga xidhay koontooyinkii ay kulahaayeen bangiyada dalkaasi kadib markii loo gudbiyay shirkaddahan warqado cadeynaya in aysan damaanqaadi karin in lacagaha ay xawilayaan lagu maalgalin kooxaha Islamiyiinta.
Labada bangi ee Swedbank iyo Nordea ayaa xidhay koontooyinkii ey ku lahaayeen shirkaddahan lacag dirista.
Talaabadan waxay daba socotay, kadib markii la xiray shakhsiyaad lagu qabtay lacago malaayiin gaaraysa oo la doonayay in laga dhoofiyo garoonka Arlanda ee magaalada Stokholm xayiraada kadib.
Baarlamaanka wadankaasi ayaa dhaqan-galiyay sannadkii 2017-kii in ay bangiyadu cadeeyaan halka ay lacagaha xawaaladuhu tegeyaan iyo cidda loo dirayo.
Yaa loo diraa lacagahan?
Dagaaladii sokeeye ee Soomaaliya kadib wuxuu sababay in dadka soomaaliyeed noolol u doontaan wadamada dibada.
Sweden waxay kamid tahay dalalka martigaliyay Soomaali lagu qiyaaso ku dhawaad boqol kun oo qof. Dadkan ayaa inta badan waxay qabtaan shaqooyin kala duwan si ay u masruufaan eheladooda ku nool Soomaaliya,
Soomaali badan ayaa walaac ka muujiyay isbadalkan iyo sida uu xaalku noqon doono.
''Waxaa na lagu haysataa waa in la xaqiijiyo cida lacagaha loo dirayo aqoonsigooda, way adag tahay waqtigan qof soomaaliya jooga in uu leeyahay teesaro laga aqoonsan yahay Sweden, xalkuna waa in si wadajir ah xawaaladuhu u wajahaan xalka loo baahan yahay'' sidaa waxaa BBC-da u sheegay Maxamud Sheekh Ibrahim oo kamid ah mas'uuliyiinta xawaaladaha Sweden.
Dalka Sweden waxay kamid yahay wadamada safaaradaha ku leh Soomaaliya, balse aan aqoonsanayn dhamaan cadeymaha ka yimaada Soomaaliya.












