Amiir Harry iyo Markle oo mid maamuuseed magacooda lagu ladhay

Xigashada Sawirka, Reuters
Amiir Harry iyo Meghan Markle ayaa xaflad ka dhacday qalcadda Windor la iskugu meheriyey.
Lamaanuhu waxay hore isku dhaafsadeen fargallada meherka, wacadna waxay ku wada mareen Kaniisadda St George's.
Iyadoo gashan toob ay jaan goysay haweenayda nashqadaynta dharka ku caanka ah ee u dhalatay Ingiriiska, Clare Waight Keller, ayaa Markle waxa ay dhex tallaabsatay kaniisadda oo uu dhabbaha u dhexeeya kuraasta safan kaga hor yimid Amiir Charles oo inta uu gacanta qabtay ula dhaqaaqay halka ay ka xigeen Harry iyo baadarigii meherinayey.
Markii uu meherkoodu sida rasmiga ah u dhacayba, waxa isla markiiba is bedelay darajadooda oo waxa haatan magacyadooda lagu ladhi doonaa magac sharafeedka ah Duke, Duchess of Sussex.

Xigashada Sawirka, PA
Marti sharafka ka qayb galay arooska waxa ka mid ah Oprah Winfrey, George Clooney iyo afadiisa Amal Clooney, David Beckham iyo ooridiisa Victoria iyo sidoo kale Sir Elton John.
Kumanaan qof oo farxad u rajaynaya qoyska cusub ayaa Windsor ku sugan, oo boqolaal qof oo ka mid ah dadkaasi habeenimadii halkaa ku dhexeen si ay u helaan meel ay si fiican uga daawan karaan xafladda arooska.







