You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Britain oo dhimeyso dhaqaalaha ay ku bixiso gargaarka Nigeria
Dowlada Britain ayaa lagu wadaa inay dhinto lacagaha ay ku bixiso howlaha gargaarka ee dalka Nigeria sannadaha soo socda. Dowlada Ingiriiska ayaa sheegtay in afarta sanno ee soo socota ay dhimeyso boqolkiiba konton dhaqaalihii ku bixi jiray gargaarka oo lagu qiyaasay lacag dhan laba boqol konton iyo sided milyan oo doolar.
Lacagaha dowlada Britain ay ku bixiso gargaarka ayaa looga gol lahaa sidii dadka ku nool waqooyiga dalka Nigeria ay uga soo kaban lahayeen dhibaatooyinka kooxda Boko Haram ay ka geysatay deegaanadaasi.
Hey'adaha gargaarka ee dalka Nigeria ayaa sheegay in inkabadan hal milyan iyo shan boqol oo kun oo qof oo ku nool waqooyiga dalkaasi ay qarka u saaranyihiin macluul.
Britain ayaa sannadkan kordhisay gargaarka ay siiso Nigeria, si wax loogu qabto dadka rayidka ee ay waxyeelada ka soo gaartay kooxda Boko Haram.
Wasiirka arrimaha horumarinta caalamiga ee Britain Priti Patel oo ka hadashay dhaqaalaha Britain ay ka jareyso howlaha gargaarka ee ay ka waday dalka Nigeria ayaa sheegtay in dowlada dalkaasi looga baahanyahay sidii ay uga adkaan laheyd kooxda Boko Haram, si dadka ay u helaan noolal wanaagsan.
Waxay intaa ku dartay in deeq bixiyeyaasha kale ay kordhiyaan dhaqaalaha ay siiyaan Nigeria.
Waqooyiga bari ee dalka Nigeria ayaa waxaa halakeeyay weerarada Boko Haram ay ka geysanesay deegaanadaasi tan iyo sannadkii 2009-kii, waxaana dadka ku dhintay weeraradaasi lagu qiyaasay inay gaarayaan labaatan kun.