Sacuudiga oo raaligalin ka bixiyay tacsidii weerarka London

Xulka Sacuudiga ayaan ku biiran kan Australia oo daqiiqad aamusnaan ah u istaagay

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Xulka Sacuudiga ayaan ku biiran kan Australia oo daqiiqad aamusnaan ah u istaagay
Published

Masuuliyiinta kubadda cagta ee Sacuudiga ayaa raaligalin bixiyay ka dib markii xulkooda qaranku uu doortay in uusan ka qayb qaadanin daqiiqad aamusnaan ah oo lagu xusayay dadkii ay waxyeeladu ka soo gaartay weerarkii ka dhacay buundada magaalada London.

Ciyaaryahannada Australia ayaa garbaha is qabsaday iyagoo xushmad muujinaya ka hor intii aysan billaabanin Ciyaartii Khamiistii ka dhacday dalka Australia oo ka tirsanayd isreebreebka Koobka Adduunka.

Laakiin ciyaartoyga Sacuudiga ayaa kala istaagay boosaskii ay ka ciyaarilahaayeen ee garoonka.

Dhacdadan ayaa aad looga dhaliilay Australia

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Dhacdadan ayaa aad looga dhaliilay Australia

Xildhibaan Australian ah ayaa dhacdadaas ku tilmaamay wax laga xishoodo.

Xiriirka Kubadda Cagta ee Sacuudi Carabiya ayaa Jimcahan raaligalin bixiyay.