You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Waligaa ma aragtay Jaakad lagu kala iibsanayo in ka badan 60 kun oo doolar?
Jaakad maqaar ka samaysan oo uu lahaa jilaagii reer Mareykan ee geeriyooday Patrick Swayze uuna xirtay markii uu jilayay filimkii Dirty Dancing ayaa lagu iibiyey lacag dhan $62,500 xaraash ka dhacay magaalada Los Angeles.
Boqolaal shey oo kale oo uu lahaa Swayze - ayna ka mid tahay safiitada biyaha dushooda lagula ordo loona adeegsaday filimka Point Break iyo shaar uu u xirtay jiladda filimka Jacaylka ee Ghost ayaa sidoo kale la xaraashay.
Lisa Niemi oo ah Haweenayii uu ka geeriyooday Patrick Swayze ayaa sheegtay "inay dareemayso dareen kala duwan" oo la xiriira iibinbta alaabahan.
Swayze ayaa sanadkii 2009 u geeriyooday sanadkii kansarka xameetida isagoo jiray 57 sano.Jaakada maqaarka ah ayaa waxaa Jimcihii keenay xusuus ururiyaha xarunta filimaanta laguu sameeyo ee Hollywood nin magaciisa ku soo koobay Glenn.