Dhaarintii Trump oo saacado ka dib dhacaysa

Xigashada Sawirka, Reuters
Saacado ka dib ayaa waxa xilka Donald Trump loogu dhaarin doonaa Capitol Hill, halkaas oo nabad gelyadana aad loo adkeeyey.
Boqolaal kun oo taageerayaal iyo muddaharadeyaal iskugu jira ayaa la filayaa in ay ku soo xoomaan Washingto maanta, si ay u daawadaan dhaarinta Donald Trump loo dhaarinayo madaxtinimada Maraykanka.
Kumanaan booliis ah ayaa wadooyinka lagu daadiyey waxaana dariiqyada lagu teeday xayndaabka dadka lagu horjoogsado arrintaasoo qayb ka ah hawl galka nabad gelyo ee ballaadhan.
Trump yaa habeenkii xalay ahaa ka qayb galay xaflad damaashaad ah oo ay buluu laydh ku fantasiyeynayeen taageerayaashiisu.
Hadal kooban oo uu jeediyey isagoo hoos taagan taallada madaxweynihii hore ee Lincoln ayaa Trump wuxu ballan ku qaaday inuu dalka midayn doono isla markaana uu Maraykanka mar kale ka dhigi doono dal lagu soo hirto.
Magaalada New York iyadana waxa isku soo baxay kumanaan qof halkaas oo ay tobaneeyo siyaasiyiin iyo dad caana iskugu jiraa ka sheegeen walaaca ay ka qabaan madaxweynaha la doortay.














