You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Daawo: Ruushka oo soo bandhigay tijaabinta gantaal nuclear-ka qaada oo qaaradaha ka gudbi kara
Wasaaradda Gaashaandhigga ee Ruushka ayaa shaacisay muuqaalka wax ay ku tilmaantay tijaabo guul ku dhammaatay oo lagu sameeyay gantaal awood u leh in uu qaado bambooyinka nuclear-ka.
Gantaalkan cusub oo lagu magacaabo Sarmat ayaa ah nooca riddada dheer ee isaga kala goosha qaaradaha, miisaankiisuna uu aad u culus yahay.
Warka kasoo baxay wasaaradda Difaaca ee Ruushka ayaa sidoo kale lagu sheegay in gantaalkan markii la tijaabinayay laga riday xarun ku taalla dhinaca waqooyiga-galbeed ee gobolka Arkhangelsk, isagoo sidii loogu talogalay ku dhacay dhanka kale ee Ruushka ee xiga bariga-fog, gaar ahaan gacanka Kamchatka.
Wuxuu gantaalku socday fogaan ku dhow 6,000 km (3,700 mayl).
Madaxtooyada Moscow ayaa soo bandhigista tijaabada hantaalkan u adeegsatay dhoolatus ahaan, waxaana ay sidoo kale farriin u direen cid walba oo Ruushka cadow ku ah.
Madaxweynaha dalkaas, Vladimir Putin, ayaa sheegay in hubkan loogu talogalay dadka isku dayaya in ay handadaan Ruushka.
Tallaabadan muruq muujinta ah ayaa timid xilli uu labo bilood sii marayo dagaalka uu Ruushku ku qaaday waddanka deriska la ah ee Ukraine.
Putin ayaa sheegay in arrintan ay sabab u noqonayso in cadowga Ruushka ay joojiyaan waxa ay wadaan kaddibna ka fikiraan sida ay xaaladdu noqon karto.
"Gantaalkan cusub waa mid leh awoodda ugu sarraysa ee dhanka tiknoolojiyadda, waxa uuna awood u leeyahay in uu ka gudbo dhammaan qalabka difaaca gantaallada. Ma jirto meel kale oo laga haysto caalamka, muddo dheerna lama heli doono," ayuu yidhi Putin.
"Hubkan gaarka noo ah wuxuu dhab ahaantii xoojin karaa awoodda dhinaca dagaalka ee ciidankeenna, waxa uuna xaqiijinayaa in Ruushka laga ilaaliyo khatarta uga imaanaysa dhanka dibadda," ayuu sii raaciyay hadalkiisa.
Waxaa telefishinka laga sii daawayay muuqaalka Putin oo ay saraakiisha militerigu u sheegayaan in markii ugu horraysay la tijaabiyay gantaalka Sarmat ee muddada dheer la sugayay.
Muddo dhowr sano ah ayuu socday dadaalka lagu samaynayay laguna hormarinayay gantaalkan uu Ruushku ku faanayo hadda.
Maxay uga dhigan tahay Reer Galbeedka?
Tallaabada uu Ruushku qaaday lama filaan kuma aha waddamada Reer Galbeedka ee Nato iyo Yurub, kuwaasoo dagaalka hadda socda ku taageersan Ukraine.
Hase yeeshee, waxay arrintan timid xilli ay taagan tahay xiisad aad u wayn oo la xiriirta siyaasadda dhulka, taasoo heerkii ugu sarreeyay gaadhay bilihii lasoo dhaafay.
Ruushka ilaa hadda wali ma uusan ku guulaysanin inuu qabsado hal magaalo oo wayn oo ku taalla Ukraine tan iyo markii uu tobannaan kun oo militerigiisa ah ay gudaha u galeen Ukraine 24-kii bishii February.
Wasaaradda Difaaca ee Ukraine wali kama aysan hadlin tijaabada gantaalka Ruushka.
Siddeed isbuuc ka hor markii uu Putin amarka ku bixiyay in la billaabo dagaalka ka danka ah Ukraine waxa uu sheegay in aysan ka labalabayn doonin isticmaalka hubka ugu muhiimsan ee ay haystaan, isagoo digniin culus u diray cid walba oo isku dayda inay hor istaagto howlgalkooda.
"Cid walba oo isku dayda in ay faraha la gasho dagaalka Ruushka uu ku qaaday Ukraine waxay la kulmi doontaa cawaaqib aysan horay ugu arkin taariikhda," ayuu ku hanjabay.
Dhowr maalmood kaddibna, Putin waxa uu amar ku bixiyay in heegan la galiyo gantaallada nuclear-ka ee Ruushka.
In muddo ahba waxaa sii kordhayay walaaca ay dunidu ka qabto in uu billowdo dagaal dhex mara quwadaha waawayn.
Xog hayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, ayaa bishii lasoo dhaafay yidhi: "In uu dhaco dagaal la isu adeegsado nuclear oo mar ahaan jiray wax aan lagu fikiri karin ayaa hadda surtagal ah."
Weerarka Ruushka ee Ukraine: Warar dheeraad ah
- Labo eray oo uu Biden iska yidhi oo khatar cusub u hor seeday Mareykanka iyo Ruushka
- Xayawaankii mar sababi gaaray in nuclear la isticmaalo
- Turkiga oo shaaciyay waxa uu damacsan yahay Putin oo telefoon kula soo hadlay
- Saddex khalad oo ay militeriga Ruushka ka sameeyeen goobaha dagaalka
- Xog ku saabsan hubka nuclear-ka ee uu Ruushka u isticmaali karo Ukriane
- Ukraine oo kashiftay in diyaarado uu Turkiga siiyay ay Ruushka isaga dhicisay
- 'Waxaan kusoo kacay Ninkeyga oo laabta i geliyay balse taas micnaheeda wuxuu ahaa dagaal'
- Hadal heyn cusub oo ku saabsan hubka Turkiga iyo Dagaalka Ukraine