Fahad Yaasiin: Hal arrin oo Maxkamadda ku kalliftay go'aankii lagu diiday dacwadda kursiga Hop86

Qoraalka Codka, Sababtii keentay in Maxkamadda Sare ay diiddo Dacwadda Fahad Yaasiin
Published

Garsooreyaasha Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqay in aysan awood u lahayn go'aan ka gaadhista dacwad uu u gudbiyay la-taliyaha dhanka amniga ee madaxweynaha Soomaaliya, Fahad Yaasiin.

Galinkii dmabe ee maanta ayuu Fahad soo saaray warsaxaafadeed uu ku sheegay in uu aqbalay go'aanka Maxkamadda. Hase yeeshee su'aalo badan ayaa la iska weydiinayay sababta uu ku yimid go'aankaas ay garsooreyaasha ku diideen dacwaddiisa.

Maxaa keenay in Maxkamadda sare oo sharci ahaan ugu sarraysa dalka Soomaaliya ay awood u yeelan wayso go'aan ka gaarista kiiskan?

Su'aashaas waxaa jawaabteeda sharraxaya Zakariye Sheekh Yuusuf, oo ah qareen ka faallooda arrimaha sharciga. Wareysi ay BBC-da la yeelatay ayuu ku sheegay in uu jiro sharci gaar ah oo loo sameeyay doorashada dadban, kaasoo maxkamadda ka hor istaagaya inay go'aan ka gaarto qodob la xiriira doorashada.

line

Weerarka kale ee ku saabsan Fahad Yaasiin

line