You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Caddaan Xagjir ah: Dad rabay inay “afgembiyaan” dowladda Jarmalka oo la qabtay
Booliska Jarmalka ayaa gacanta ku dhigay afar qof oo lagu eedeeyay inay maleegayeen falal abuuri karo "dagaal sokeeye" si ugu dambeyn ay u afgembiyaan dowladda dimuqraadiga ah.
Dacwad oogayaasha ayaa sheegay in kooxdan oo lala xiriiriyay dhaq-dhaqaaq xagjir ah oo diiddan xakameynta cudurka Covid-19, ay qorshaynayeen burburinta xarumaha korontada si uu mugdi u noqdo dalka oo dhan.
Waxay sidoo kale damacsanaayeen inay afduubaan wasiirka caafimaadka ee Jarmalka oo taageeray xakameynta adag ee dalkaas uu kula tacaalay xanuunka Covid-19.
Waxaa weli baxsad ah qof shanaad oo la tuhunsan yahay.
Baarayaasha ayaa ogaaday in 12 qof ay ka mid ahaayeen kooxdan oo u adeegsan jirtay barta Telegram inay ku wada xiriiraan.
Kooxdan xagjirka ah oo isku magacaabay United Patriots ayaa qeyb ka ah dhaq-dhaqaaqa Reichsbürger (muwaadiniinta Reich) oo xubnihiisa aanay aqoonsaneyn sharciyadda dowladda Jarmalka, isla markaan diiddan tallaabooyinka looga hortagayo faafidda Covid-19, sida ay sheegeen dacwad oogayaasha.
Telefishinka Mainz ayaa sheegay in kooxdan ay rabtay inay weerarto xarumaha tareennada iyo korontada si ay u burburiyaan kaabayaasha dalka.
Qoraal ka soo baxay xafiiska dacwad oogayaasha ayaa lagu sheegay in kooxda la qabtay au rabeen in koronto la'aan baahsan oo muddo socota ay ka dhacdo Jarmalka "si ay u sababaan xaaladdo la mid ah kuwa dagaalka sokeeyo, ugu dambeyna ay xukunka kala wareegaan dowladda dimuqraadiga ah ee Jarmalka".
Laamaha ammaanka ayaa sheegay in kooxdan ay rabeen inay afduubtaan dad magac leh.
Laba kamid ah dadka la tuhunsan yahay ayaa la rumaysan yahay inay qorshaynayeen inay weerarraan wasiirka caafimaadka, Karl Lauterbach.
Wasiirka ayaa sheegay in qorshahaas uu muujinayo sida dadka diiddan xayiraadaha Covid-19 ay xagjir u noqdeen, balse aanay saameyn doonin hawsha uu u hayo qaranka.
"Waxaa jira xooggag doonaya inay xasillooni darro ka sameeyaan dalka iyo dimuqraadiyaddeena. Waxa ay adeegsanayaan dibedbaxyada ka dhanka ah xayiraadaha Covid-19. Waa koox yar oo bulshada kamid ah, balse khatartooda leh," ayuu shir jaraa'iid ka sheegay wasiirka caafimaadka, Karl Lauterbach.
Booliska ayaa xubnaha kooxdan ka soo xiray qeybo kala duwan, waxaana hawlgalkaas lagu soo qabtay hub, dahab iyo lacag dhan 21,800 oo dollar.Booliska Jarmalka ayaa gacanta ku dhigay afar qof oo lagu eedeeyay inay maleegayeen falal abuuri karo "dagaal sokeeye" si ugu dambeyn ay u afgembiyaan dowladda dimuqraadiga ah.
Xagjirnimada Jarmalka
Boqolaal booliska Jarmalka ah ayaa todobaadkii hore ka qeyb qaatay hawlgallo ka dhacay inta badan gobollada waddankaas oo lagu soo qabanayay xubnaha kooxaha xagjirka caddanka ah.
Kooxahaas oo taageersan fekerkii Naziga ayaa waxaa kamid ah "Atomwaffen Division" (AWD), "Combat 18" (C18) iyo "Knockout 51" (K51).
Laamaha ammaanka Jarmalka ayaa ka walaacsan in kooxahaas ay ka khatar badan yihiin xagjirka Muslimka ah, ayna tahay in goor hore laga taxadaro.