Haweenaydii sida arxan darrada u beegsatay dadkii ay siyaasadda isku hayeen

Xigashada Sawirka, WIKIMEDIA COMMONS
Waxaa loo yaqaanaa "haweeneyda eeyga", Íngrid Felicitas Olderöck Bernhard waxay ahaan jirtay wakiilkii hore ee Adeegga Sirdoonka Qaranka Salvador (DINA). Adeeg amni oo uu sameeyay Augusto Pinochet kadib afgambigii Salvador ee 1973 kaas oo looga meesha looga saaray Allende.
Laakiin ma ahayn wakiilka kaliya ee mas'uulka ka ah jirdilka iyo ka takhlusidda siyaasiyiintii mucaaradka ku ahaa dawladdii militariga.
Olderöck, waxay ahayd haweeney aad ugu firfircoon marka laga hadlayo sirdoonka qaranka ee loo yaqaanay DINA, mid ka mid ah shaqadeeda waxay ahayd inay tababarto haweenka da'da yar si ay ula tacaalaan cadawgooda dhanka siyaasadeed.
Dhibanayaasha ayaa ku eedayay in ay eeyo u tababartay inay kufsadaan maxaabiista siyaasadeed ee ku jiray xarumaha lagu hayo halkaas oo qaar badan oo ka mid ah lagu waayay.
Gaar ahaan mid ka mid ah meelaha ugu qarsoodiga iyo naxariista daran, oo loo yaqaanay"La Venda Sexy", goobta ayaa ku taalay guri laba dabaq ah oo ku yaal degaanka Macul, ee Santiago, halkaas oo Íngrid Olderöck ay ka shaqeynayey.
Wakiiladu waxay goobtaan u bixiyeen saldhiga sirta ah sababtoo ah jirdilka ugu badan ee lagu sameeyo ayaa ahaa xadgudubyada galmada, sida lagu xusay warbixintii ugu horeysay ee komishanka qaranka ee xabsiyada siyaasadeed iyo jirdilka, oo loo yaqaano warbixinta Valech.
Ku xadgudubka isticmaalka eyga
Kuwa ka badbaaday Kooxda Sexy Band, sida Beatriz Bataszew, ayaa cambaareeyay isticmaalka khaldan ee eeyaha oo ay ku jiraan jir dil, ilmo iska soo ridid qasab ah ama shoog koronto oo lagu qabanayo xubnaha taranka.
"Beast" waa filim gaaban ee ku guuleystay abaalmarinta Oscar kaas oo laga jilay nolosha Olderöck.

Xigashada Sawirka, LA NACIÓN / U. DIEGO PORTALES. MUSEO DE LA MEMORIA
"Guriga Sexy Venda waxaa ku sugnaa Ey lagu magacaabi jiray Volodia oo loo tababaray faraxumeynta haweenka," ayay Beatriz Bataszew ku tiri wareysi ay siisay warbaahinta gudaha.
Haweeney la yirahdo Alejandra Holzapfel oo xaruntaasi lagu xiray iyadoo 19 sano jir ayaa wargeyska The Clinic u sheegtay:
"Waxaa i faraxumeeyay Ey Jarmal ah oo adhijir ah oo wakiillada kalitaliska ah ay ugu yeereen Volodia,"
"Ingrid ayaa hagtay eyga, halka kuwa kale ee jirdilayay ay ku qasbeen maxaabiista inay oggolaadaan xadgudubka. Raggii iyo dumarkii soo maray xabsiga La Venda Sexy waxay ahaayeen dhibanayaal lagu xad-gudbay."
Gudaha Guriga Oldeck
Wareysi uu siiyey BBC Mundo, Guzmán waxa uu sheegay in maalin maalmaha ka mid ah oo ahayd sannadkii 1996-dii uu soo garaacay albaabka guriga Olderöck ah oo ku yaalla Bremen Street, Gobolka Ñuñoa.
"Waxaa soo muuqatay naag cayilan, gacmo waaweyn codkeedana aad u guuxayay, sigaar ayayna gacanta ku haysatay qofkaasi waxa uu ahaa Olderöck ."

Xigashada Sawirka, CORTESÍA PAZ ERRÁZURIZ
"Waxay xirnayd goonno iyo funaanad ubax ku sawiran yahay oo gacanta lagu sameeyey, iyo kabo gaagaaban."
"Kaligeed ayaa ku noolayd guriga," ayuu yiri Guzmán. "Caruur iyo nin toona ma aysan laahyn."
"Waxay ahayd sarkaalka mas'uulka ka ah koox dumar ah oo ku sugan xarunta DINA kuwaas oo loo tababaray jirdilka, iyo dilka kuwa ka soo horjeeda"
"Iyada waxa ay la mid ahayd ciidamada kumaandooska, oo waxa ay ku fiicnayd toogashada, ku boodista fardaha iyo tababarka eeyga."
"Waxay ahayd tababaraha eey la odhan jiray Volodia kaasoo intii lagu jiray xilligii jirdilka mas'uul ka ahaa kufsiga dumarka iyo raggii ku jiray xarunta," ayuu yiri Guzman.
"Waxaa jira maxaabiis hore oo la kulmay jirdilka ama goob joog u ahaa dadkii la jirdilyay dhamaantood waxay xasuusan yihiin in mid ka mid ah gabdhaha yar yar oo la oran jiray Marta Neira ay timid iyada oo ooynaysa, waxay ahayd dhibane uu kufsi u geystay eeygii Íngrid Felicitas Olderöck, maalmo ka dibna Marta waa la waayay."
Naazi baan ahay
Íngrid Olderöck' aabeheed waxa uu ka soo haajiray Jarmalka sannadkii1925-kii isagoo 29 sano jir ah.
Iyada oo ay weheliyaan walaalaheed, Hannelore iyo Karin, waxay ku hoos koreen nidaam qoys oo aad u adag.
Looma ogolayn inay ku hadlaan luuqadda Isbaanish-ka ama inay saaxiibo la noqddaan dadka ree Chile.
Sidan ayay ku koreen iyagoo weliba go'doon ah.

Xigashada Sawirka, BESTER CORTOMETRAJEJE.
"Anigu tan iyo yaraanteydii ayaan Nazi ahaa, weliba tan iyo markii aan bartay in xilligii ugu wacnaa ee Jarmalka ay ahayd markii Naasiyiintu ay xukunka hayeen, markaas oo ay dalka ka jirtay shaqo iyo xasillooni badan oo aysan jirinba tuugo aan xishood lahayn," ayay Olderöck ku tiri buugga Guzmán.
Waxa ay sidoo kale ciyaari jirtay tennis-ka, ciyaarta barafka, fuulista buuraha oo ay sheegtay inay tahay xirfadle aad ugu wanaagsan toogashada.
Sifooyinkaas, ayaa u sahlay inay si dhakhso uga mid noqoto adeegga qarsoodiga ah ee uu hoggaamiyay Colonel Manuel Contreras.
Markii ay soo bandhigtay awoodeeda, Olderöck waxa ay qabsatay jagadii ugu sarreysay kooxda DINA.
Balse sannadkii 1981-dii nolosheedii way is beddeshay.
Iyadoo ka soo baxday gurigeeda, ayaa waxaa soo weeraray laba nin oo aan heybtooda la garan, kuwaasoo ka toogtay madaxa iyo caloosha, balse ma aysan dhiman.
Waxay weerarka ku eedeeyeen xubnahii dhaqdhaqaaqa Kacaanka Bidix ee loo yaqaanay MIR.
Laakin Olderöck ayaa mar walba ku adkeysanaysa in weerarka uu ahaa mid iyaga ka dhan ah oo ay soo maleegeen hey'ado sirdoon.
Weerarka ka dib waxay ka fariistay shaqada, markii ay maxkamadda u yeertay si uu ugu marag furo kiisaska maxaabiista luga waayay xarunta La Venda Sexy, waxay iska dhigtay qof maskaxdeeda aysan joogin oo uu ilowsho ku dhacay.", ayuu yiri Guzmán.
Waxay ahayd qof naxariis daran

Xigashada Sawirka, BESTER CORTOMETRAJEJE.
"Waxay ahayd haweeneey rabshad iyo gardaro badan oo aan naxariis lahayn," ayuu raaciyay.
Mid ka mid ah waraysiyada, waxay ay ku sheegtay in ay waligeed haysan jirtay saddex qori: qoriga boorsada, mid kale oo miiska saaran, iyo mid ku jira jikada.
"Markaa waa ay kacday oo jikada ayay gashay, waxayna soo qaadday qorigii oo miiska ayay saartay anigu afki baa juuqda igabay oo ma aanan garanayn wax aan sameeyo."
"Ilaa markii dambe aan ku iri qaado qoorigan aniga ma jecli hubka, markaas ayay xanaaqday oo ay igu tiri aniga ma jecli dadka adiga oo kale ah, waa ay ku celcelisay.. waan ku necbahay."
Markii ay da'deedu gaaratay 58 jir, Íngrid Olderöck keligeed ayaa iska dhimatay waxaan la sheegay inay dhiig bax dhanka caloosha ah u geeriyootay weliba iyada oo aan wax dambi ah lagu qaadin.










