You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Ninka guur ku khiyaanay 17 dumar ah ee lasoo qabtay
Booliska gobolka Bhubaneshwar ee dalka Hindiya ayaa xiray nin la sheegay in uu khiyaanay 17 haween ah isaga oo iska dhigayay dhakhtar iyo xitaa mararka qaar sarkaal sare oo ka tirsan wasaaradda caafimaadka ee dalkaas.
Ramesh Chandra Swain, oo 66 jir ah, ayaa laga soo qabtay habeenimadii Axada guri ku yaala deegaanka Khandagiri ee Bhubaneswar.
Remesh ayaa lagu eedeeyay inuu si been abuur ah u guursaday 17 haween ah oo ka soo jeeda 8 gobol oo uu ka qaatay lacago baad ah.
Sarkaalka gobolka ee booliska, Bhubaneshwar ayaa BBC u sheegay in ninkan ay suurtageli karto in haween kale uu khiyaanay marka laga reebo 17-ka haween ah.
""Waxaan helnay macluumaadka ku saabsan saddex dumar ah oo ka mid ah 17 ka dib markii la xiray Ramesh, Saddexdaas, waxay ka kala soo jeedaan Odisha, Chhattisgarh iyo Assam oo saddexduba waxay dhameysteen waxbarasho sare, waxaana ogaan doonaa in dumar kale uu dhibaato u geystay"
Saraakiisha waxay sidoo kale inay baarayaan teleefoonka gacanta ee Remesh si loo ogaado xogta ku saabsan dhaqaalihiisa.
Sidee loo soo qabtay Remesh?
Isagoo bixinaya macluumaadka ku saabsan qaabkii loo soo qabtay Ramesh, wuxuu taliyaha sheegay "Ninkan waxaan raadinaynay dhowr maalmood, waxaan qaadnay tallaabo kasta oo lagu soo qabanayo.
"Laakin wuxuu ku noolaa Bhubaneswar , in muddo ah ma suurta galin in la qabto. Ugu danbayn Axadii waxa aan ka war helnay in uu yimid Bhubaneshwar,waxa aanu isla habeenkii ka soo qabanay gurigiisa Khandagiri". Ayuu yiri Umashankar Das , taliyaha gobolka.
Kiiska uu booliiska Bhubaneswar ku baadigoobayay Ramesh ayaa waxaa diiwaan galisay mid ka mid ah 17-ka dumarka ah ee uu khiyaameeyay.
Haweeney wax ka dhigta iskuul ku yaalla Delhi ayaa ahayd dhibbanihii ugu dambeeyay ee Ramesh.
Xilli uu isku sheegayay in uu yahay ku xigeenka wasaaradda caafimaadka, Ramesh wuxuu la xiriiray haweenaydan ka dibna ku guursaday macbadka Arya Samaj ee Kuberpuri sanadkii 2020. Ka dib dhowr maalmood uu joogay joogay Delhi, Ramesh wuxuu u yimid Bhubaneswar isaga iyo xaaskiisa cusub, waxay dageen guri dabaq ah oo ku yaalla Khandagiri.
Haweeneydan ayaa ogaatay in Remesh ay wada joogeen xaas kale, waxay dacwad ka gudbisay Remesh, markii uu ogaaday in booliska ay raadinayeen lamabarkiisii teleefoonka ayuu baddashay, wuuna baxsaday.
Sida laga soo xigtay booliska, xilliggaas waxay ninkan wada joogeen xaaska kale oo u daganeyd deegaanka Guwahati.
Qaabkii uu khiyaameeyay dumarka
Ramesh, oo degan Patkura ee degmada Kendrapara ee Odisha, ayaa markii ugu horreysay aqalgalay 1982, xaaskiisii koowaad waxay u dhashay saddex wiil, Saddexduba waa dhakhaatiir waxayna ku nool yihiin dibadda.
Sanadkii 2002, 20 sano kadib guurgiisii ugu horreeyay, wuxuu shabaqa geliyay haweeney degganeyd Jharkhand oo dhakhat ka aheyd cisbitaal ku yaallay halkaas.
Maalmo ka dib, waxaa gabadh loo wareejiyay Allahabad, Remesh ayaa markii dambe halkaa aaday si uu ula noolaado "Xaaskiisa", wuxuu bilaabay in uu lacago iyo dahab ah ka qaato.
Ninkan wuxuu inta badan beegsan jiray haweenka la furay ama dhalma baxa ah, inta badan wuxuu ku xulan inay dhaqaalo leedahay ama inay shaqeyso.
Waa nin cod kar ah oo haweenka soo jiita, wuxuu inta badan dumarka ku khiyaani jiray in uu yahay dhakhtar iyo sarkaal sare oo ka tirsan wasaaradda caafimaadka isaga sitay aqoonsiyo been abuur ah si dumarka uu uga dhaadhiciyo in uu shaqooyinka qabto. Remesh ma aheyn dhakhtar balse wuxuu heystay shahaadada Diploma ee cilmiga dawooyinka.
Kiisaska kale ee khiyaanada ee loo heysto
Marka laga reebo in uu dumar badan si been abuur ah ku guursaday, Ramesh waxa kale oo uu khiyaanay dad kale oo badan.
Dhallinyaro badan oo dalka u dhalatay ayuu khiyaanay isagoo u ballan qaaday inay geli doonaan kulliyadaha caafimaadka, lacag ayuu ka qaatay dhalinyaradaas,
Waxaana markii xiray ciidanka gaarka ah ee booliska ee Hyderabad, Laakiin ka dib markii uu damiin ku soo baxay, waxa uu haddana bilaabay shaqadiisii khiyaamada.