Wiil xusuustiisii carruurnimo awgeed dib u heley hooyadiis 30 sano kadib

Li Jingwei reunited with his mother

Xigashada Sawirka, Beijing News / Weibo

Qoraalka sawirka, Li Jingwei was reunited with his mother on 1 January after he was sold into a child trafficking ring at four-years-old
Published

Nin u dhashay Shiinaha oo 30 sano kahor la afduubtay ayaa dib ula midoobay hooyadii dhashay kaddib markii uu xusuustiisa dib uga baaray xaafaddii uu yaraantiis ku noolaa.

Li Jingwei wuxuu ahaa afar sano jir markii lagakaxeeyay gurigooda lagana iibiyay shabakad dulllaal ka ah kala iibsashada dadka.

Taarriikhdu markii ay ahayd 24 December ayaa wuxuu barta muuqaalada la iskula wadaago ee Douyin ku soo bandhigay khariidad uu gacantiisa ku sawiray oo muujineysa xaafaddii uu ku noolaa, taas oo booliiska ula muuqatay xaafad yar oo ay ku nooleyd haweeney uu wiil ka maqnaa.

Kaddib baaritaanka hidda-sidaha DNA, ayaa waxay shalay wiilkan iyo hooyadii ku midoobeen gobolka Yunnan.

Muuqaalka laga soo duubay markii ay midoobayeen ayaa wuxuu muujinayaa labadooda oo muddo kaddib kulmaya makrii ugu horreysay iyo Li Jingwei oo si taxadar leh hooyadiis uga bixinaya maaskarada ay xirneyd si uu u arko hooyadiis isagoo kadibna oohin la dhacay.

"Kaddib 33 sano oo sugitaan ah, habeenno badan oo soo jeed ah, ugu dambeyn khariidad gacanta lagu sawiray, tani waa xilliga ugu wanaagsan ee isoo maray kaddib 13 maalmood," ayuu Li ku qoray batiisa Douyin kahor inta uusan la midoobin hooyadiis. "Mahadsanid, qof walba oo iga caawiyay inaan qoyskeyga la midoobo."

Mr Li ayaa laga afduubtay meel u dhow magaalada Zhaotong ee ku taalla koofur-galbeed gobolka Yunnan sanadkii 1989 waxaana laga iibiyay qoys degganaa meel halkaasi u jirta 1,800km.

Haatan wuxuu ku nool yahay Gobolka Guangdong ee koofurta Shiinaha, wuxuuna caawinaad ka waayay qoyskii korsaday iyo xogaha hiddo-sidaha DNA-da si ay ugu raadiyaan halka uu asal ahaan ka soo jeedo. Sidaas darteed ayuu caawinaad ka raadiyay internet-ka.

"Waxaan ahay ilmo raadinaya halka uu ka soo jeedo. Nin bidaar leh ayaa i geeyay Henan qiyaastii sanadkii 1989, aniga oo markaas afar jir ah," ayuu ku yiri muuqaalkiisa uu soo dhigay barta Douyin, oo ay dadku wadaageen kumannaan jeer.

"Tani waa khariidad muujineysa xaafaddeyda oo aan ka sawiray xusuusteyda," ayuu yiri isaga qiyaas yar ka heysta xaafaddiisa, waxaana khariidadda ka mid ahaa dhisme uu aaminsan yahay inuu iskuul ahaa iyo keymo.

The map drawn by Li Jingwei

Xigashada Sawirka, Jimu News / Weibo

Qoraalka sawirka, Li Jingwei ayaa gacantiisa ku sawiray khariidad tilmameysa xaafaddiisa

Afduubyada carruurta lagula kaco ma aha wax ku cusub Shiinaha, oo ah bulsho aad u qiimeysa inay wiilal dhalaan. Arrimahan ayaana ah kuwo sanad walba soo laalaabta.

Shiinaha wuxuu ka mid yahay dalalka uu tarankoodu aad u hooseeyo maaddaama dowladda dalkaas ay oggoshahay in qoysasku aysan carruur badan dhalin. Xilliyadii hore waxaa la oggolaa in keliya hal cunug la dhalo, inkastoo sanadahan dambe ay dowladda Shiinaha isbeddel ku sameysay siyaasaddeeda taranka bulshada.

Carruur badan ayaa la afduubtay iyagoo aad u da' yar, waxaana laga iibiyay qoysas kale oo korsada, iyadoo ay jiraan shabakado dullaal ah. Sanadkii 2015, waxaa lagu qiyaasay in 20,000 oo carruur ah la afduubto sanad kasta, kuwaas oo laga iibiyo qoysas kale.

Sanadkii tegay ee 2021 waxaa la arkayay rag badan oo da' yar oo la midoobaya waaliddiintii dhalay kaddib markii ay muddo kala maqnaayeen.