Weriyihii ka dambeeyay su’aashii qarniga oo geeriyooday

Published

Weriye u dhashay dalka Talyaaniga Riccardo Ehrman oo waligiis lagu xusuusan doono su'aashii saacado gudahood ku badeshay taariikhda adduunka ayaa geeriyooday isaga 92 jir ah.

Riccardo ayaa ka qeybgalayay shir jaraa'id oo aan sidaas u xiiso badneyn oo ay qabanayeen mas'uuliyiintii shuuciga ee Bariga Jarmalka sanadkii 1989-kii, kaas oo ay kaga hadlayeen heshiis laga gaaray isdhexgalka labada Jarmal, kadib ayuu weeydiiyay goorta meesha laga saari doono Darbigii Baarliin.

Afhayeenkii golaha sare ee Bariga Jarmalka Gunter Schabowski ayaa ku jawaabay "Haddaba, isla hadda", hadalkaas oo si toos ah looga daawanayay idaacadaha la iska arko.

Saacad kama aysan soo wareegin markii kumanaan kun qof oo labada dhinac ee Jarmalka ka socda ay ku xoomeen darbigii 40-ka sano kala qeybinayay magaalada, waxayna ku bilaabeen burburin, iyaga oo muddo aad u kooban dhulka ku dhigay.

Roccardo waxa uu xiligaas u shaqaynayay wakaaladda wararka Talyaaniga ee ANSA markii shacabka Bariga Jarmalka ay sameeyeen kacdoon ka dhan ah dowladdii shuuciga.

Todobaadyo ayay dad badan sameynayeen banaanbaxyo ay ku codsanayaan xoriyadda hadalka iyo dhaqdhaqaaqa.

Hoggaamiyihii Bariga Jarmalka Erich Honercker ayaa shaqada isaga tagay bil ka hor marka ay waxani dhacayaan, waxaana ka dhashay in nus malyuun qof ay isugu tagaan bartamaha magaalada, iyaga oo isbadel codsanaya.

Madaxda maamulkani ayaa markii dambe go'aansaday in ay qafiifiyaan xayiraadihii dadka saarnaa, iyaga oo isugu yeeray shirka jaraa'id ee taariikhda noqon doona kadib shir ay yeesheen.

Haseyeeshee Afhayeenka oo aanan si wanaagsan uga warhaynin waxyaabihii lagu go'aamiyay shirkii golaha dhexe , ayuu wariyahan weeydiiyay su'aal ahayd "Sow qalad ma ahan in aad soo rogtaan xayiraado safar maalmo ka hor?.

Gunter Schabowski ayaa cabbaar aamusay, isaga oo eegeegey buug yar oo ay wax ugu qornaayeen, wuxuuna si lama filaan ugu jawaabay "Safarada gaarka ah wixii hadda ka dambeeya waa la ogolyahay xanibaad la'aan".

Weriye Ehrman ayaa sanado kadib sheegay in uu durba fahamsanaa micnaha ay xambaarsanaayeen erayada afhayeen, iyo saamaynta ay yeelan karaan, isaga oo farriin degdeg ah markiiba u diray wakaaladiisa wararka ee Ansa, taasoo ahaydn "Darbigii meesha ayuu ka baxay".

Waardiyeyaashii darbiga ayaa aad ula yaabay tirada dadka, iyaga oo markiiba furey albaabadii kadib markii ay dadkii ka tan bateen.

Xaaskii uu ka geeriyooday weriyahan ayaa wakaaladda wararka ee Ansa u sheegtay in uu ku geeriyooda magaalada Madrid ee dalka Spain, halkaas oo ahayd meeshii ugu dambeysay ee uu wakaaladda uga hawlgalayay ka hor intii uusan hawlgabka noqon.

Qoraal ay wakaaladda Ansa kusoo qortay baraha bulshada ayay ku tiri : Sagootin wacan Riccardo Ehrman, oo ahaa ninkii dumiyay darbigii Baarlamaan.

Wuxuu u dhashay qoowmiyadda Yuruudda ee Poland, wuxuuna ku dhashay magaalada Florence sanadkii 1929-kii.