Osman Kavala: Ninka xuddunta u ah xurgufta ka dhexeysa Erdogan iyo reer galbeedka

Published

Xiisad ayaa ka dhalatay xadhigga Cismaan Kafaala kaddib markii qaar ka mid safiirrada waddamada reer Galbeedka ee dalka Turkiga ku sugani codsadeen in si degdeg ah loo sii daayo.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa isna dhankiisa sheegay inuu amray 10 safiir oo ay ku jiraan kuwa Mareykanka iyo Faransiiska in dalka aan looga baahnayn oo ay ka baxaan.

Mr Erdogan ayaa sheegay in tobankan danjire - oo ay ku jiraan kuwa xulafada NATO ee Mareykanka iyo Faransiiska - lagu dhawaaqi doono in aa dalkan laga rabin, taas oo badanaa ah sida caadiga tallaabada ugu horreysa ee loo maro caydhintainta diblomaasiyiinta.

Waxay imaanaysaa maalmo kadib markii wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkigu u yeedhay tobankaas danjire, taasoo ay ku tilmaantay baaqoodii mid "mas'uuliyad darro ah" xilli ay dalbanayeen in si caddaalad ah oo degdeg ah loo xalliyo kiiska Cismaan Kavala.

Muxuu yahay ninkani?

Cismaan Kavala ayaa dib loo xidhay, kaddib markii hore loo sii daayey markii wax danbi ah lagu waayey.

Maxkamad ayaa amartay in si deg deg ah loo sii daayo horraantii sannadkii hore ka dib markii ay meesha ka saartay dacwadii lagu soo oogay isaga iyo sideed kale oo la xidhiidhay mudaaharaadyo dhacay 2013 -kii.

Wuxuu xabsiga ku jiray tan iyo sanadkii 2017 -kii, waxaana lagu soo oogay dacwad ah inuu maalgeliyay mudaaharaadyo iyo inuu ka qeyb qaatay afgambigii dhicisoobay ee 2016 -kii, inkasta oo uu isagu iska fogeeyey kiisaskaas.

Waa ganacsade Turki ah, u dhaqdhaqaaqe arrimaha bulshada ah, samafale iyo maxbuus siyaasadeed.

Kavala waxa uu taageeraa ururo badan oo bulshada rayidka ah tan iyo horraantii 1990 -meeyadii.

Waa aasaasaha iyo guddoomiyaha guddiga agaasimayaasha Anadolu Kültür, oo ah urur fanka iyo dhaqanka ah oo aan macaash doon ahayn oo fadhigiisu yahay Istanbul.

Sannadka 2019, wuxuu ka helay Abaalmarinta 21aad ee European Archaeological Heritage Prizeee taas oo uu ku kasbaday dadaalkiisa ku aaddan ilaalinta iyo tusaalooyinka muhiimka ah ee dhaxalka iyo dhaqanka ah ee halista ku jira Turkiga gudihiisa.

Sannadkii 2019, wuxuu sidoo kale helay Abaalmarinta Xorriyadda Fikirka iyo Hadalka Ayşenur Zarakolu 17th oo ay bixiso Ururka Xuquuqda Aadanaha laanta Istanbul.

Bishii Sebtember 17, Golaha Yurub wuxuu soo saaray baaq ay ku dalbanayaan sii deynta ganacsadaha 64-jirka ah.

Mr Kavala ayaa beeniyay in uu wax khalad ah sameeyay waxaana dadka dhaliila xukuumadda Erdogan ay sheegayaan in kiiskiisu uu tusaale u yahay cadaadiska baahsan ee lagu hayo mucaaradka.

Horraantii toddobaadkan, Mr Erdogan ayaa difaacay nidaamka garsoorka Turkiga, isagoo yiri: "Waxaan u sheegay wasiirkeenna arrimaha dibadda: inaan kooxda ku sii hayn karin dalkeenna."

Laakiin Turkigu, ilaa hadda, wuxuu diiday inuu qirto xukunkii ay soo saartay Maxkamadda Xuquuqda Aadanaha ee Yurub (ECHR) 10 -kii Diseembar, 2019, kaasoo caddeeyay in Heshiiskii Xuquuqda Aadanaha ee Yurub la jebiyey sidaa darteedna la amray Kavala in si degdeg ah loo sii daayo.

ECHR waxay sheegtay in xadhigga Kavala uu salka ku hayo arrimo siyaasadeed, iyadoo aan la haynin caddaymo macquul ah oo taageeraya eedeymaha. Si kastaba ha ahaatee, saraakiisha Turkiga ayaan fulin go'aanka waxayna sheegeen in xukunka ECHR uusan ahayn mid kama dambeys ah.

Haatanna, dalal dhowr ah ayaa cadaadis ku saaraya Turkiga arrinkaasi.