You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Amitabh Bachchan: Cali Dheere oo lagu diidi jiray dhirirkiisa dartiis xilligii uu doonayay in uu jilaa noqdo
Xiddigga caanka ah ee shirkadda filimada Bollywood-ka, Amitabh Bachchan, oo dhashay 11-kii bishii October ee sanadkii 1942-kii, ayaa maanta u dabaal dagaya sanad guuradiisa 79-aad.
Markii uu dhalanayayna waxaa socday dagaalkii labaad ee Adduunka, oo dhalashadiisa kaddib sii socday saddex sano oo kale.
Xilligii uu atoorahan, oo Soomaalidu ay u yaqaannaan "Cali Dheere" soo galayay filimada, dalka Bangladesh waxa uu ahaa qayb ka mid ah Pakistan, gaar ahaan Bariga Pakistan.
Markii shaleemooyinka laga daawanayay filimkiisii ugu horreeyay, Sat Hindustani, Soomaaliya waxay xor ahayd 9 sano oo kaliya. Filimkaas qudhiisana waxa uu ku saabsanaa qiso laga jilay sidii gobolka Goa ee Hindiya looga xoreynayay gumeystihii Boortaqiiska. Calaamakana waxay ahayd markii ugu horreysay ee dayaxa cagta la saaro.
Haddaba, Amitabh Bachchan si sahlan kuma uusan noqonin atoore, caqabad isaga u gaar ah ayaana heysatay, sidaasoo ku dhacda jilayaasha qaarkood oo midba wax ay hor istaagaan.
Qisadii dhex martay isaga iyo Khawaja Axmed
Filim sameeyihii lagu magacaabi Khawaja Axmed Cabbaas, oo raadinaya jilayaal u qabta filimkiisii 'Sat Hindustani' ayay sheeko dhex martay isaga iyo "Cali Dheere".
Maalin maalmaha ka mid ah Cabbaas waxa uu la kulmay qof haya sawirka nin dheer. Markii uu eegay ayuu yiri, "Ila kulansii qofkan."
Labo maalmood kaddib, abaare lixdii maqribnimo, ninkii dheeraa ayaa soo galay xafiiskiisa. Waxa uu u muuqday nin xoogaa aad u dheer, maadaama uu xirnaa bajaamo iyo jaakad. Inkastoo dhirirkiisu uusan ahayn mid xad dhaaf ah, waxa uu ka dhex muuqanayaa dadka hindida ah oo badankood u dhow cabirka isaga ka gaaban.
Aabihiis ma u oggol yahay inuu atoore noqdo?
Khawaja Axmed Cabbaas waxa uu wada sheekeysigan ku qeexay buuggiisa taariikhda, wadahadalkan ayaana dhex maray isaga iyo "Cali Dheere".
'Soo fariiso, magacaa?'
'Amitabh (kuma uusan darin Bachchan)'
'Waxbarashada xageed ka gaartay?'
'Maamulka ganacsiga ayaan ka bartay jaamacadda Delhi'
'Waligaa horay ma uga soo shaqeysay filimada?'
'Ma jiro qof filimkiisa ii oggolaaday wali'
'Maxaad u maleyneysaa sababta?'
'Dhammaantood waxay ii sheegaan inaan aad u dheerahay, oo atoore aanan u noqon karin.'
Kaddib Khawaja waxa uu u sheegay Amitabh in filimkiisa uusan ku saabsaneyn qof atoore noqda oo diiradda la saarayo, haddii xitaa uu sidaas ahaan lahaana uusan ugu diidi lahayn dhirirkiisa awgiis.
"Ma i siineysaa filimkaaga? middeeda kale imtixaan la'aan miyaad i siineysaa?," ayuu yiri Amitabh.
Markaas ayuu filim soo saarihii ugu jawaabay: "Ugu horreyn waxaan kuu sheegayaa qisada filimka laga jilayo, kaddib doorkaaga ayaan kuu sharraxayaa. Haddii aad ka heshidna waxaan kuu sheegi doonaa lacagta aan ku siin doono."
Markii ay jilitaanka isku fahmeen ayuu kaddib Cabbas sheegay in uu filimka oo dhan ku siin karo lacag dhan Rs 5,000.
Amitabh xoogaa ayuu ka labolabeeyay go'aanka, laakiin Cabbaas ayaa weydiiyay: "Ma intaas ka badan ayaad qaadataa hadda?".
"Haa waxaan lacag dhan Rs 1,600 ka helayay shirkad ku taalla Calcutta," ayuu yiri Amitabh Bachchan. "Waan iska soo casilay shaqadii si aan halkan u imaado," ayuu sii raaciyay.
Cabbaas oo aad ula yaabay arrintaas ayaa yiri: "Ma waxaad ii sheegeysaa inaad kasoo tagtay shaqo aad kun iyo shan boqol ku qaadaneysay bil kasta adigoo rajeynaya inaad hal filim sameyso? Ka warran haddii aan door kaa siin waayo filimka?".
"Waa inaad fursadahaasoo kale ka faa'iideysato marka ay kugu soo maraan nolosha," ayuu yiri ninkii dheeraa.
Cabbaas wuxuu Amitabh siiyay doorkii, wuxuuna u yeeray ku xigeenkiisii si uu qandaraaska ugu keeno.
Kaddib waxa uu weydiiyay magaciisa oo dhammeystiran.
Jawaabtu waxay ahayd;, "Amitabh..." wax yar ayuu aamusay, kaddib ayuu yiri: "Amitabh Bachchan. Wiilka uu dhalay Hari Vansh Rai Bachchan.
"Sug bal," ayuu yiri Cabbaas oo qeylinaya. "Qandaraaskan lama saxiixi karo ilaa aan aabbahaa ka helo fasax," ayuu yiri.
Wuxuu u sheegay in aabbihiis uu yahay nin isaga ka aqoon badan ayna iskala soo shaqeeyeen Soviet Nehru Academy. Wuxuu ku wargeliyay inuu labo maalmood oo kale sii sugo.
Kaddib Khawaja waxa uu telegram u diray Amitabh aabihiis, Hari Vansh Rai Bachchan, isagoo weydiinaya: "ma oggoshahay inaan wiilkaaga atoore ka dhigo?".
Labo maalmood kaddib waxa uu ugu soo jawaabay, "Dhib uma arko." "Waxba kama qabo waad ka dhigi kartaa."
Intaas wixii ka dambeeyay taariikhda ayaa xustay. Amitabh waxa uu noqday mid ka mid ah jilayaasha loogu jecel yahay guud ahaan Hindiya, ilaa maantana waxa uu qof lagu daydo u yahay atooreyaasha Bollywood-ka.
Mid ka mid ah filimadiisii ugu horreeyay ee caanka noqday waxaa lagu magacaabaa Anand, oo soo baxay sanadkii 1971-kii.
Filimkii Seven Indians ma noqonin mid aad loo jecleystay, laakiin Amitabh wuu sii waday dagaalkiisii.
Filim soo saaraha lagu magacaabi jiray Rishikesh Mukherjee ayaa markaas kaddib kusoo daray Amitabh jilayaasha Anand. Markii ugu horreysayna waxa uu hal mar soo wada jiitay dhammaan indhaha dadka reer Hindiya, isagoo bandhig cajiib ah la soo shir tagay.
Xirfadda uu kusoo bandhigay filimkaas waxa ay u horseedday inuu ku guuleysto abaalmarinta atooraha sannadka, wixii intaas ka dambeeyayna wuxuu marba marka ka dambeysa sii noqonayay xiddig kor usii socda.