Dhallinyarada Soomalida: Qaabeynta aabeyaasha Mustaqbalka - Tababarka nolosha iyo aabaha wanaagsan

Qoraalka Codka, Qaabeynta aabeyaasha Mustaqbalka - nolosha iyo aabaha wanaagsan
Published

Gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka waxaa lagu qabtay tababar maalin socday oo ay ka qayb galeen ilaa 100 wilal dhalinyaro ah oo da'a ahaan u dhaxayso 17 ilaa 24 jiro ah.

Waxaa dhalinyaradaas la barayay sidii ay mustaqbalka u noqon lahaayeen aabeyaal wanaagsan oo ilmahooda ku koriya nolol wanaagsan kana hortaga wax walba oo wadada wanaagsan ka leexin kara.

Barnaamijkaan oo uu qabtay urur lagu magacaabo Waalid ayaa Wariye Siyad Saciid Salah waxaa uu ka waraystay Cabdirisaaq Cali Boos oo isagu madax ka aha aururkaas ugu horreyna wuxuu waydiiiyey ujeedada ay ka leeyihiin.