'Labo bilood ayaan lugeynayay ,qaarado ayaan isaga tallaabay si aan Mareykanka u gaaro'

Muhaajiriin ku sugan Del Rio

Xigashada Sawirka, Iván Reyes

Qoraalka sawirka, Muhaajiriin ku sugan Del Rio
Published

"Hooyo, hadda xor ayaan ahay, waan fiicanahay," ayuu yiri tahriibe reer Haiti ah ku leeyahay taleefoonka ka dib markii loo oggolaaday inuu sharci ku galo Mareykanka.

Wuxuu sugayaa in hoy laga siiyo Del Rio, oo ah magaalo yar oo ku taal xadka Mexico taas oo ay buux dhaafiyeen muhaajiriinta Haiti toddobaadyadii la soo dhaafay.

Wiilkan dhalinyarada ah ayaa gacanta bidix ku haysta taleefoonka gacanta si uu ula hadlo hooyadiis.

Wiilkan ayaa waxaa xiray booliiska dib ayaana loo soo celiyay oo imika waa xor.

Waa 8.30 subaxnimo maalin Talaadado ah, 21-ka Sebtember, waxaana goobta yimid Saddex gaari oo ay booliiska wateen.

Sarkaal ka tirsan Ciidanka Ilaalada Xuduudaha ayaa soo baxaya, albaabka ayuu furay waxaana mid mid, u soo baxay muhaajiriin lagu hayay xarumo kala duwan oo magaalada ku yaal oo isugu jira ragga, haweenka iyo carruurta.

"Soo dhowow, fadlan saf gala," ayuu yiri mid ka mid ah mutadawiciinta, qof walbana wuxuu bilaabaa inuu safto albaabka hoyga Xarunta Bani'aadamnimada ee Xuduuda Val Verde.

Waxay dareemaan nasiib, codsigooda magangalyo ee Mareykanka ayaa waxaa bilaaban kara in laga baaraandego, isla markaasna, waxay haystaan oggolaansho ay dalka ku joogaan.

Waxay aad uga nasiib badnaayeen boqollaal qof oo kale oo reer Haiti ah oo la xiray dib-na loo masaafuriyey.

Muhaajiriin iyo booliiska

Xigashada Sawirka, Iván Reyes

Qoraalka sawirka, Muhaajiriin iyo booliiska

Illaa dhowaan, magaalada Del Rio ayaa caan ku ahayd biyo -xireenka La Amistad iyo soo dhaweynta saaxibtimada leh.

Waxay sidoo kale ahayd goobtii filimka walaalaha Coen No Country for Old Men (2007), oo uu jilay Javier Bardem.

Magaalada Del Rio ayaa waxaa sanooyinkii u dambeeyay ay ahayd mid ay ku soo qulqulayaan muhaajiriin badan oo ka yimid dalalka Latin amerika.

Toddobaadkii labaad ee Sebtembar, marka loo eego qiyaasaha rasmiga ah, ilaa 14,000 oo qof ayaa ku hoos xirmay buundada caalamiga ah ee isku xirta Mareykanka iyo Mexico, badankoodna waxay ahaayeen Haiti.

Tani waxay ka dhigan tahay 40% dadka deggan Del Rio, kuwaas oo ay tiradooda ka hooseyso 35,000 marka loo eego Tirakoobka 2020 - 85% iyaga ah Hispanic.

Muhaajiriin saf ku jira oo sugaya qaabilaad

Xigashada Sawirka, Iván Reyes

Qoraalka sawirka, Muhaajiriin saf ku jira oo sugaya qaabilaad

Tirada dadka Haiti ee u tallaabaya Del Rio waxay gaartay heerkii ugu sarreeyey intii u dhaxaysay 16 iyo 18kii Sebtembar, markii in ka badan 12,000 oo qof ay gaareen magaalada.

Xarunta Isbahaysiga Bani'aadamnimada ee ku taalla Xuduuda Val Verde waa hoyga muhaajiriinta halkaasi oo albaabada loo furmi jiray saddex jeer toddobaadkii waxayna u adeegi jireen in ka badan 100 qof bishii inta u dhaxaysa Janaayo iyo Maarso.

Hadda waxay qaabilaysaa xaruntan in ka badan 300 oo muhaajiriin ah maalintii.

Markay ahayd 9.30 barqannimo, ugu yaraan saddex gaari oo dheeraad ah ayaa yimid, iyo xitaa bas ay saaran yihiin in ka badan konton muhaajiriin ah, oo u badan reer Haiti.

Markay yimaadaan, waxaa u suuragashay inay la xiriiraan qaraabadooda markii ugu horreysay tan iyo markii ay cagta soo dhigeen ciidda Mareykanka,way qubeysan karaan oo wax cuni karaan.

Mid ka mid ah waxyaabaha ugu muhiimsan ee maalinta ayaa ah inay awood u yeeshaan inay xirtaan kabaha markii ugu horreysay muddo dheer.

Muhaajiriinta reer Haitia ee ku sugan Del Rio

Xigashada Sawirka, Iván Reyes

Qoraalka sawirka, Muhaajiriinta reer Haitia ee ku sugan Del Rio

Marka tahriibayaasha ay qabtaan Ciidanka Ilaalada Xudduudda, waxaa la siiyaa saddex amar: inay iska siibaan dharkooda, inay ka siibaan kabaha ay xiran yihiin iyo inay iska dhigaan taleefannadooda gacanta.

"Waxaad haysan kartaa oo kaliya dukumentiyadaada iyo cinwaanka xubnaha qoyskaaga," mid ka mid ah saraakiishii ayaa ku qeylinaya erayadaas isaga oo ku hadlaya afka Isbaanish-ka.

Kaddib markii ay dhowr maalmood ku jiraan xabsi oo ay mas'uuliyiintu wareystaan, muhaajiriinta waxay bilaabi karaan codsigooda magangalyo.

Kadibna waxaa loo diraa hoyga Val Verde waxayna bilaabaan inay qaadaan talaabooyinka ugu horreeya noloshooda cusub.

Xaaladoodu waxay ka duwan tahay kuwa toos loo soo celiyey iyo kuwa ay xireen ilaalada xadka .

Khamiistii, ka dib markii uu soo shaac baxay muuqaal naxdin leh oo muujinaya mid ka mid ah askartailaalada xuduudaha oo six un ula dhaqmaya muhaajiriinta, ergeygii gaarka ahaa ee Joe Biden ee Haiti ayaa is casilay, isaga oo dhaleeceeyay waxa uu u arko in si ka baxsan bani'aadannimada dadkaasi loola dhaqmay.

Ka dib markay yimaadaan hoyga, muhaajiriintu waxay u baahan yihiin inay la xiriiraan qaraabadooda ku nool Mareykanka oo ay ka codsadaan inay iibsadaan tigidhada lagama maarmaanka u ah si ay u gaaraan meeshii ay u socdeen.

Fafane Bien Aime

Xigashada Sawirka, Iván Reyes

Qoraalka sawirka, Fafane Bien Aime

Noolasha buundada hoosteeda

Fafane Bien Aime waa 24 jir, oo ka soo jeeda dalka Haiti. Waxay xiran tahay shaar cad oo waxaana muuqata oo soo dheer caloosha taas oo muujinaysa inay uur leedahay.

Fafane ayaa wejigeeda qarinaysa marka qof uu isku dayo inuu sawir ka qaado, iyada oo leh ma jecla in la i arko aniga oo timaheyga aysan shanlaysnayn. Fafane waxay u socotay ku dhawaad 2 bilood laga soo bilaabo Chile ilaa xadka Mareykanka.

Markii ay timid Rio Grande - xadka u dhexeeya Mexico iyo Mareykanka - halkii ay ku farxi lahayd, waxay ogaatay inay jiraan kumanaan qof oo iyada la mid ah oo ku xayiran wabiga iyo xayndaabka tilmaamaya barta laga soo galo Mareykaka.

Waxay timid xadka 16-kii Sebtembar waxayna ku hoos jirtay Buundada Caalamiga ah ee Acuña-Del Rio Texas muddo shan maalmood ah.

Waxaa la siidaayay Talaadadii 22 -kii Sebtember waxaana halkaa ka kaxeeyay booliiska iyada oo la geeyay goobta xerada ay ku taallo.

"Waxay ahayd wax aad u adag oo aan raaxo lahayn inaan ku noolaado buundada hoosteeda, ," ayuu Fafane u sheegay BBC.

Muhaajiriin ku sugan buundada xadka Mareykanka iyo Mexico 16 September

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Muhaajiriin ku sugan buundada xadka Mareykanka iyo Mexico 16 September

Sida badi dadka Haiti ee imanaya Maraykanka, waxay ku noolayd oo ay soo martay dhowr dal.

Meeshii ugu horreysay oo ay tagto waxay ahayd Chile, sannadkii 2019. Waxay go'aansatay inay halkaas tagto si ay ula midowdo hooyadeed, laakiin laba sano ka dib, waxay go'aansatay inay u jihaysato xagga woqooyi.

"Waxaan u tagay Chile sababtoo ah ma aanan arkin hooyaday sanado badan, laakiin xaqiiqda waa dhib marka aad ka tagto dalkaaga oo aad mid kale aado adiga oo raadinaya nolol wanaagsan," ayay tiri.

"Laakiin markaad timaaddo waddankan oo aadan helin waxaad raadineysay, markaa waa inaad horay u sii socotaa., ilaa aad si dhab ah u hesho waxaad rabtay," ayya tiri Fafane xilli ay sugaysay baska San Antonio.

Marka ay halkan ka tagto waxay qorsheyneysaa inay ku biirto xubnaha qoyska ee California.

Muhaajiriinta reer Haitia ee ku sugan Del Rio

Xigashada Sawirka, Iván Reyes

Qoraalka sawirka, Muhaajiriinta reer Haitia ee ku sugan Del Rio

Ka talaabidda qaarad

safarka ay soo galaan muhaajiriinta reer Haiti waa mid dhab ahaantii adag islamarkana qaata waqti dheer.

Inta badan dadka waxay safarkooda ka soo bilaabaan dalka Chile, iyada oo ay ku qaadato in ay Mareykanka soo gaaraan 3 bilood .

Marka ay Chile ka soo baxaan waxay soo maraan Peru, Ecuador iyo Colombia ka hor inta aysan soo gaarin bartamaha Amerika, iyaga oo soo gudba keynta Darien Gap ee u dhaxeysa Colombia iyo Panama.

"Meesha ugu halisan waa s Panama," ayuu yiri Frantz Schiber Luberisse, oo 28 jir ah mar wax laga waydiiyay waddada uu soo maray oo ku qaadatay bil iyo bar.

"Dalka Panama, saraakiisha waa kuwa aan naxariis lahayn, burcadda ayaa sidoo kale ku waxyeeleyn karta islamarkana askarta waxba kuuma qabanayaan, waxaan indhaheyga ku arkay sida ay dumarka iyo gabdhaha, meel walba ayay kaa baarayaan iyaga oo lacag kaa raadinaya ," ayuu yiri Luberisse .

"Waxaan ka tagay Chile, oo waxaan maray Peru, Ecuador, Colombia, Panama... iyo dalal kale oo badan ."

Frantz Schiber Luberisse

Xigashada Sawirka, Iván Reyes

Qoraalka sawirka, Frantz Schiber Luberisse

Luberisse ayaa sidoo kale maalmo adag ku hoos jiray buundada, taas oo astaan ​​u noqotay dhibaatada muhaajiriinta ee hadda jirta.

Ma uusan ogeyn inuu u socdaali doono Mareykanka iyo in dib loo soo masaafurin doono. Saddexdii maalmood ee uu halkaas joogay, isaga iyo xaaskiisa oo siddeed bilood uur lahayd ayaa rooti oo kaliya cunay.

Wideline Saint Fleur oo 35 jir ah ayaa qosleysa marka ay isku daydo inay ku hadasho luuqadda Spanishka,.

Wideline waxay xiran tahay koofiyad kooxda kubadda cagta ee Mexico ee Club America iyo funaanad dheer. Waxay leedahay uur toddoba bilood ah waxayna ka tagtay Chile iyada iyo ninkeeda laba bilood ka hor.

Wideline Saint Fleur

Xigashada Sawirka, Iván Reyes

Qoraalka sawirka, Wideline Saint Fleur

Waxay xusuusataa maalmihii ay ku hoos jirtay buundada xadka. "Maalin waxaan cunay maraq oo kaliya. Maalintii kale waxba ma cunin.," ayya tiri.

Kaliya Wideline iyo seygeeda ayaa loo oggolaaday inay galaan Mareykanka. Laba xubnood oo kale oo qoyska ah oo la socday ayaa loo masaafuriyey Haiti.

Wideline weli ma oga waxa ay uurka ku sido uu yahay wiil ama gabadh, laakiin waxay rajaynaysaa in ilmuhu caafimaadkiisu wanaagsan yahay.

"Markii aan ka soo tagay Chile waan fiicnaa, hadda safarka ka dib ma aqaan," ayay tiri.