Jean-Pierre Adams: Ciyaartooy hore oo u dhashay Faransiiska oo suuxsanaa 39 sano oo geeriyooday

Published

Jean-Pierre Adams, oo ah ciyaartooy hore oo u dhashay Faransiiska oo 39 sano miyir la'aa ayaa ku geeriyooday da'da 73.

Ciyaartooygan waxaa la seexiyay cisbitaal sanadkii 1982 kadib markii la doonayay in qalliin looga sameeyo jilibka.

Waxaana dhacay qaladaad markii la siinayay dawada dadka lagu suuxiyo ka hor qalliinka.

Jean-Pierre Adams, wuxuu ku dhashay dalka Senegal, wuxuu daafaca uga dheeli jiray kooxda Nice oo uu uga soo muuqday in ka badan 140 ciyaarood, sidoo kale wuxuu usoo dheelay kooxda ka dhisan Faransiiska ee Paris St-Germain.

Bayaan kasoo baxay kooxda PSG ayaa lagu sheegay in Adams uu ahaa 'Ciyaartooy khibrad leh oo karti leh'

Kooxda Nice ayaa tacsi u dirtay qoyska Adam-kaas oo ku guuleystay 22 koob gudaha Faransiiska intii u dhexeeysay 1972 ilaa 1976.

Adams wuxuu kasoo muuqday 84 ciyaarood oo u dheelay kooxda Nimes oo sheegtay in "tacsi ay u dirayaan qoyska iyo ehelada ciyaartooyga"

Maalintii la doonayay in Adams qalliinka looga sameeyo jilibkiisa-shaqaalihii cisbitaalka Lyon waxay maalintaas ku maqnaayeen shaqo gadood.

Adams wuxuu dhaawaca dhanka jilibka ah soo gaaray xilli uu ka qeybgalayay tababar ka socday dalkaas.

Siddeed bukaan ah iyo Adams ayaa maalintaa qallin lagu sameeyay, Adams waxaa dawadii lagu suuxinayay ka hor qalliinka kormeeyay dhakhtar tababar qaadanayay kaas oo markii dambe sheegay, "Awood uma laheyn shaqadii la ii dhiibay maalintaas"

Dhakhaatiirta iyo kuwii tababarka qaadanayay, waxaa ka dhex dhacay qaladaad horseeday in Adams uu wadnaha istaago iyo in waxyeello ay soo gaarto maskaxdiisa.

Dabayaaqadii sanadkii 1990s, waxaa tallaabo la qaaday dhakhtarka iyo midkii qaadanayay tababarka- waxaana shaqaada laga joojiyay muddo bil ah iyo ganaax dhan 750 lacagta Euro ah.

Adams ayaa cisbitaalka laga soo saaray 15 bilood oo uu cisbitaalka yaallay, tan iyo intii uu ka geeriyoonayay waxaa gurigiisa ku yaalla Nimes ku daryeeleysay xaaskiisa Bernadette.