You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Jilaa caan ah oo lagu heysto hadal uu Muslimiinta ka sheegay
Mid ka mid ah muuqaallada, ayaa Shah wuxuu cambaareyn ugu soo jeediyay "Muslimiinta" u dabaal degayay guusha Taliban. Wuxuu sheegay in tani ay direys farriin xun.
Wuxuu is barbar dhigay "Islaamka Hindiya" iyo dhaqamada Islaamka ee qeybaha kale ee caalamka. Muslimiin badan ayaa ka careysan hadalkiisa waxayna ku eedeynayaan Shah inuu sameeyay is barbar dhig khaldan.
Isla mar ahaantaas, qaar ka mid ah taageerayaasha xisbiga talada haya ee BJP ayaa ammaanay Shah. Falcelinno kala duwan ayaa ka timid hadalka jilaa Naseeruddin Shah ee ku saabsanaa Taliban. Dad badan ayaa ku taageerayay hadalkaas, halka qaarna ay cambaareynayeen.
"Islaamka casriga ah iyo kii hore'
Isagoo ku hadlayay afka Urdu-ga, ayaa 71 jirkan wuxuu sheegay in dadka u dabaal degaya guusha Taliban ay tahay inay is weydiiyaan, "Ma waxay doonayaan isbeddel, ma waxay doonayaan Islaamka casriga ah amaba waxay doonayaan inay la noolaadaan wuxuushnimadii tobnaankii sano ee la soo dhaafay? "
Taliban ayaa xoojisay shareecada Islaamka, iyagoo xukumayay Afghanistan intii u dhaxeysay 1996 iyo 2001. Muddadaas waxay fuliyeen dilal iyagoo haweenkana ka mamnuucay inay iskuullada aadaan ayna wax bartaan.
Shah ayaa sheegay in "Hindustani" ama Islaamka Hindiya ay mar walba ka duwan yihiin Islaamka dunida kale.
Wuxuu yiri, "Waxaan ahay Muslim Hindi ah... sida uu Mirza Ghalib beri hore sheegayna - xirirka aan Allah la leeyahayna waa mid aysan ku dheehneyn dano. Uma baahni diin siyaasadeed."
Maxay dadka baraha bulshada ka yiraahdeen?
Weriye Saba Naqvi ayaa hadalka Shah ku tilmaamay "dabin" sababi kara in Taliban ay diidaan Muslimiinta Hindiya.
"Maxaa Muslimiin badan oo Hindi ah loogu amrayaa inay cambaareeyaan? Ma iyagaa doortay amaba casuumay Taliban?"
Weriye Aditya Menon ayaa isna yiri "Hadalka Shah waa mid aan loo baahneyn" oo "fidno abuuraya".
Wuxuu yiri, "Mar Muslimiinta Hindiya ay wajahayaan qaadacaad dhanka dhaqaalaha ah, qalalaase burcadeed, tacaddiyada booliiska, waxa ugu dambeeya ee ay doonayaan waa in cod dheer loogu sheego in fekerka Taliban in fekerka Taliban uu ka tan badin karo bulshada. Ma jirto khatar noocaas ah"
Dadka arrimahan ka hadla ayaa dhowr jeer walaac ka muujiyay xaaladda 200 oo milyan oo Muslimiinta Hindiya ah. Waxay sheegeen in tan iyo sanadkii 2014, xilligii dowladda Ra'iisul Wasaare Narendra Modi, ay xaaladda Muslimiinta dalkaasi ka sii dartay.
Si kastaba, filim sameeye Vivek Agnihotri, oo taageere u ah dowladda BJP, ayaa Shah ku ammaanay inuu ka hadlay "Taliban-ka arxanka daran".
"Waxaan rajeynayaa in Muslimiin badan oo wax bartay oo hal abuur leh, gaar ahaan kuwa Bollywood, ay ka hadli doonaan cadowgaas," ayuu yiri.
Sanadkii 2001, militariga Mareykanka ayaa Taliban ka saaray Afghanistan, balse kaddib heshiis la gaaray sanadkan dhexdiisa, ayaa Mareykanka iyo ciidamada shisheeye waxay ku go'aansadeen inay isaga baxaan Afghanistan.
Wixii intaas ka dambeeyay, 15-kii August, ayay Taliban mar kale la wareegeen talada Afghanistan.