Dhaalibaan : Ciidankeena ma garanayaan sida dumarka loola hadlo

Published

Haweenka shaqeeya ee ku nool Afghanistan ayaa lagu amray inay guryaha joogaan ilaa laga sameynayo qorshe lagu hubinayo ammaankooda, sida uu weriyeyaasha u sheegay afhayeen u hadlay Taliban.

"Waa hannaan ku meel gaar ah," ayuu yiri Zabihullah Mujahid.

Taliban, oo soo rogtay shuruuc adag markii hore ee ay heysay talada Afghanistan kahor 2001, ayaa sagaal maalmood kahor gacan buuxda ku dhigay dalkaas.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay jiraan warar "la isku halleyn karo" oo tibaaxaya tacaddiyo ay Taliban geysteen, sida xayiraado ay ku soo rogeen haweenka.

Madaxa Xuquuqda Aadanaha ee QM Michelle Bachelet ayaa shalay sheegtay in xuquuqda haweenka ay tahya "qad cas oo aan la dhaafi karin".

Shir jaraa'id oo uu shalay ku qabtay Kabul, ayaa afhayeenka Taliban wuxuu sidoo kale kaga hadlay daad-gureynta uu Mareykanku horkacayo ee ka socota caasimadda, Kabul.

Ciidamada Mareykanka ayaa gacanta ku haya garoonka Kabul halkaas oo ilaa iyo haatan laga daad-gureeyay 58,700 qof. Mujahid ayaa ku adkeystay go'aanka Taliban ee waqtiga kama dambeysta ah ee 31 August.

Mar uu ka hadlayay xaaladda haweenka Afghanistan, ayaa wuxuu sheegay in xayiraaduhu ay yihiin kuwo muddo gaaban jiraya.

"Ciidamadeenna ammaanka uma tababarna sida loola dhaqmo haweenka - sida loola hadlo qaar ka mid ah haweenka," ayuu yir Mujahid. "Ilaa aan qorshe ammaan oo buuxa ka sameyneyno... waxaan haweenka ka codsaneynaa inay guryaha joogaan."

Iyadoo walaac ka muujineysay xuquuqda haweenka, ayaa Bachelet waxay sidoo kale sheegtay inay heshay warar ku saabsan in carruur laga dhigayo askar iyo dilal ay geysteen Taliban.

Waxay ka hadleysay shir deg deg ah oo Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay ay ku yeesheen magaalada Geneva. Golaha ayaa soo jeediyay cahdi xaqiijinaya sida ay uga go'an tahay xuquuqda haweenka iyo gabdhaha.

Balse cahdigan kuma xusna waxa ay kooxo badan oo xuquuqda aadanaha ah soo jeediyeen oo ah in baare Qaramada Midoobay ka socda oo madax bannaan loo magacaabo Afghanistan.

Tan iyo intii ay talada dalkaasi ku soo laabteen, kooxda ayaa isku dayeysay inay weji kale la soo baxdo, iyadoo ballan qaadday in haweenka la siin doono xuquuqdooda iyo xoogaa xorriyatul qol ah.

Kumannaan qof oo ay ku jiraan muwaadiniin Britain u dhashay, ajaanib kale iyo kuwa ka soo jeeda Afghanistan ee loo oggol yahay in dib u dejin loo sameeyo ayaa weli sugaya in la qaado.

Khalid, oo u dhashay Afghanistan isla markaana turjumaan u ahaa ciidamada Britain, ayaa BBC-da uga warramay dareenka isku dhafan ee uu ka qabo ka bixitaanka dalkaas. Isaga iyo qoyskiisu waxay haatan ku sugan yihiin waqooyiga England.

"Marka aad ka tagto dalkaaga, dadkaaga, gaar ahaan walaalahaaga, hooyadaa, qof walba oo kale… waan murugoodaa, balse hadda waan ku farax sanahay inan joogo UK," ayuu yiri.

Xitaa kahor inta aysan Taliban xukunka la wareegin, in ka badan 550,000 oo qof ayaa lagu qasbay inay guryahooda ka qaxaan sanadkan dhexdiisa sababo la xiriira dagaalka, sida ay sheegtay hay'adda arrimaha qaxootiga QM ee UNHCR.