You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Shacabka Kenya oo dhibaato ku qaba ceebeynta dadka deenta laga qaato
Wariyaha u dhashay dalka Kenya Waihiga Mwaura ayaa eegaya sida dadka deenta uruuriya ay sabab ugu noqdeen xanaaqa dad badan oo ay cabsigelin ku hayaan, si ay u soo ceshadaan deenta lagu siiyay barnaamijyada amaahda dhijitaalka ah.
Baadari maamula mid ka mid ah kaniisadaha Kenya ayaa inoogu yimid qeybta warqabadka ee xafiiskeena Nairobi isaga oo cabasho qaba.
Muddo toddobaad ah, taleefankiisa waxaa si joogto ah u soo wacayay mid ka mid ah shirkadaha bixiya deemaha oo ku andacoonaya in qof ka tirsan asxaabtiisa ku xiran kaniisadiisa ay dammaanad ahaan u qabsatay isaga markii ay deenta ay qaadanaysay.
Baadarigan wuxuu markii hore u qaatay in ay tahay kaftan laakiin wicitaanka joogtada ah ayuu ka xanaaqay isgaa oo la yaabay sida shirkadaha noocan oo kale ee deemaha ku bixiya online-ka ama mobile-ka ay dadka u ceebeystaan.
Markii hore dadka soo wacayay waxay ahaayeen kuwo si degan u hadlayay waxayna si dabacsan uga codsadeen inuu la hadlo qofkan jameecadiisa ka midka ah si ay u bixiyo lacagtii ay bilo ka hore amaahatay.
Laakiin wax yar ka dib dadkii soo wacayay waxay isu badaleen kuwo si kulul u hadlayay, iyagoo ku tilmaamay wadaad been abuur sameeya oo diiday inuu si run ah ugu sheego jameecadiisa bixinta deymaha, waxayna ugu hanjabeen inay si aan kala joogsi lahayn u soo wicidoonaan telefoonkiisa.
Waxaa taa ka sii daran in xaaskiisa oo isku dayday in ay la hadasho kuwii soo wacayay xitaa ay aflagaadeeyeen.
Dhowr maalmood wadaadku ma isticmaali karin taleefankiisa sababtoo ah wuxuu diiday inuu u hoggaansamo dalabaadka dadkii soo wacayay.
Ka dib markii sheekadan ay gashay warbaahinta iyo baraha bulshada oo laga bilaabay hashtag lgu magacaabo #Debtofshame, dad badan oo Kenya u dhashay waxay ka sheekeeyeen khibradda ay u leeyihiin arrintan ee ku aadan iska horimaadka dhexmaray iyaga iyo dadka dabagalka ku sameeya bixinta deemaha.
Mid ka mid ah dadka adeegsada Twitter-ka ayaa sheegay in looga digay "haddii uusan bixinin deenta lagu leeyahay in ay u imaan doonaan oo ay kala bixi doonaan keliyaha".
Mid kale ayaa sheegtay inay mar amaahatay Ksh2,000 oo shilinka Kenya ah ($ 18 doollar), iyo 10 maalmood ka dib "nafta ayay ii keeneen, Ma seexan karin mana fekeri karin."
Deymaha lagu qaato mobilada ayaa ah kuwa badan
Shaki kuma jiro in dadka reer Kenya ay aqbaleen qaadashada amaahda iyagoo adeegsanaya barnaamijyada amaahda online-ka ama internet-ka ah.
Deemaha noocan lagu qaato waa kuwo fudud oo isla markiiba lacagta laga helo umana baahna dammaanad.
Laakiin waxaa ku jira jahwareerka kuwa deenta bixiya oo adeegsada qaabab ceebeyn ah marka ay lacgtooda raadsanayaan. Waxay dadka ku sameeyaan sumacd dil, maadaama aysan qof ahaan ula kulmin shaqsiyaadka ay wax amaahiyeen.
Runtii, arrintan ma dhacdeen haddii qaaradda Afrika aysan ahayn hormuudka lacagta mobilada lagu ammaahdo.
Shirkadaha taleefoonada waxay hormuud u noqdeen adeegyada lacagaha taleefoonada lagu diro ee Afrika, tobankii sano ee la soo dhaafay.
Waxay ka faa'iideystaan farqiga u dhexeeya qaybta amaahda oo dadka dakhligoodu hooseeyo aysan heli karin deenta dowladda ama bangiyada, sababtoo ah ma haystaan fursado shaqo, ama dammaanad.
Laakiin shirkadaha online-ka ama mobile-ka ku bixiya deymaha in ay soo galaan suuqa Afrika waxaa ka dhashay muran ku saabsan in ay yihiin kuwo aan inta badan sharci lahayn, iyo waliba hab-dhaqankooda dhanka anshax iyo sida ay ganacsiyadooda u sameeyaan.
Waxay shirkadahan dhanka internet-ka ammaahda ku bixiya, soo jiiteen dhalinyarada, waxayna sidoo kale sababeen walwal maadaama ay ceebeeyaan marka ay dib u bixin waayaan deemaha ay qaateen.
In kasta oo dadka Kenya ay markii hore aad u amaaneen qaadashada deemaha noocan ah, hadana qaar ka mid ah waxay ku tilmaameen dulsaarkooda mid xad dhaaf ah.
In kasta oo dulsaarka deynta bangiyada ay celcelis ahaan u dhexeeyo 12% ilaa 14%, sannad kasta, haddana amaahda moobile-ka waxay noqon kartaa inta u dhaxeysa 75% iyo 395% sannadkiiba.
Intaa waxaa dheer, in qaar ka mid ah shirkadaha ku lugta leh arrintan lagu eedeeyay dhaqammo amaah ah oo la mid ah habka deen-bixinta shirkadaha, taasi oo ah in dadka looga baahan yahay in muddo 30 maalmood ah ay dib ugu bixiyaan, halka ay ahayd in 60 maalmood gudahood ay dib ugu bixiyaan.
Balse gudoomiyaha ururka shirkadda qaabka Digital-ka ammaahda ku bixiya, Kevin Mutiso, ayaa difaacay in shirkadahan ay qofka ceebeeyaan, si ay ugu cadaadiyaan qofka inuu bixin deenta uu qaatay. Ujeedadooda ugu wayn waa in ay muujiyaan in ay tahay calaamad xun oo aan wanaagsaneyn in qofka deenta uu bixin waayo.
Waxaa uu dhanka kale sheegay in deemahan ay si degdega ah dadka ku helaan ay caawiyaan ganacstada yaryar.
Wuxuu rumeysan yahay in haddii aysan ahayn lacagaha ammaahda ee qaabka digital-ka lagu bixiyo, in aysan badbaadi lahayn Dadka danyarta ah ee Kenya, gaar ahaan xilligan xiyaaradaha cudurka covid-19.