You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Haweenay soddon jir ah oo lagu sheegay xinniinyo rag oo u qarsoon
Noloshooda caadi ayay ahayd, waxayna lammaanahaan isku dayeen waddo kasto oo ay ilmo ku heli kareen. Dhowr bilood ka hor, haweeneyda ayaa aadday dhakhtar iyadoo ka cabaneysay xanuun dhanka caloosha ah.
Hase yeeshee waxa uu dhakhtarka ogaaday baaritaanka ka dib ayaa badalay guud ahaan nolosheeda.
Waxaa la ogaaday in haweeneyda ay nin ahayd oo aanay ahayn haweeney dhaleysa, waxay lahayd xaniinyo aanan bannaanka laga arkaynin inkastoo sidoo kale lagu sheegay xanuunka kansarka.
Dhakhaatiirta ayaa sababta ku sheegay inay qabtay dhibaato la xiriirta hoormoonkeeda kaas oo loo yaqaano Androgen Insensitivity Syndrome (AIS). Dhibaatadan ayaa 22,000 oo qofba hal qof ayaa la kulma.
Xaalad is khilaafsan
Dhowr bilood ka hor, Netaji Subhash Chandra Bose, oo ah haweeney ka soo jeeda degmada Birbhum, ayaa soo gaartay Isbitaalka Bose Cancer Hospital ee Kolkata iyada oo ka cabanayasa xanuun dhanka caloosha ah.
Sida lagu sheegay warbixin ay qortay wakaaladda wararka ee PTI, dhakhtar ku takhasusay umulinta oo la yiraahdo Dr. Anupam Dutta iyo dhakhtarka qalliinka Soumen Das ay baaritaan ka dib, waxay ogaadeen jinsiyadda dhabta ah ee bukaanka inuu yahay rag maadama uu leeyahay xanniinyo qarsoon.
Sida laga soo xigtay Dr. Dutta, "Waxay u egtahay qof dumar ah, codkeeda, naasaha iyo xubnaha taranka waa sida haween caadi ah.
Si kastaba ha ahaatee, iyadu ma leh ilmo -galeen ama ugxan. Intaas oo keliya maahee, weligeed caadado ma helin ".
Intii baaritaanka lagu jiray, waxaa la ogaaday in ay la il daran tahay seminoma (kansarka xiniinyaha).
Haweeneydan ayaa lagu arkay koromosoom XY halkii laga rabay inay lahaato koromosoom 46 XX oo ah kan dumarka caadiyan lagu garto.
Haddii haweeneydu ay lahaan la ahayd qeybta dhalmada, dhibaatadan waxaa lagu sixi kari lahaa qalliin.
Muxuu yahay xanuunka AIS?
Xanuunkan xasaasiga ah ee androgen -ka ayaa sababa in xubniha taranka ee ilmaha ay fashilmaan.
Jidhku uma jawaabo sida hormoonnada labka ah ee androgen -ka sidaa darteed waxay leeyihiin astaamo la mid ah kan dumarka.
Xaaladdan waxaa caadi ahaan loo yaqaan 'androgen insensitivity syndrome' (CAIS).
Waxaa la ogaadaa marka uusan dhiigga caadada ka imaanin gabadha iyadoo qaangaadhay, marka timaha xubinta taranka ama kilkilaha hoostooda aysan u soo bixin.
Markuu ilmuhu weynaado, wuxuu u baahan yahay talo badan.
Xaaladaha qaarkood, daaweynta hoormoonka iyo daaweynta kale ayaa wax ka beddeli kara koritaanka xubinta taranka.
Waalidiintu waxay go'aan ka gaari karaan xaaladdaan iyagoo u maraya talo caafimaad iyo daaweynta bilaabaneysa iyadoo ku saleysan jinsiga (lab ama dheddig) ee ugu habboon.
Muddadan, ilmuhu wuxuu u baahan yahay la -talin maskaxeed.
Markii dhakhaatiirtu baaritaan ku sameeyeen gabadha walaasheed oo 28 jir ahayd, waxay kaloo ogaadeen inay iyaduna leedahay AIS.
Intaa waxaa dheer, laba eeddayaasheed ah ayaa iyagana laga helay AIS. Maya hadda waxay ku jirtaa kiimoterabi oo xaaladeedu waa caadi.
Sida uu sheegay Dr. Dutta, "Waxay soo kortay iyadoo haween ah. Waxay guursatay nin ku dhawaad toban sano is qabeen. Markaa waxaan kula talinaynaa bukaan ahaan iyo ninkeeda. Waxaan kula talinay inay ku noolaato nolol caadi ah maadaama ay tan ku noloshaan ku nooleyd waqti dheer".
Wuxuu yiri, "Xiniinyaha jirkeeda ku jira ma aysan korin, taas oo sababtay inuu soo saaro testosterone. "Testosterone waa hormoon go'aamiya ragganimda, waxay sidoo kale sameeyaan unugyada taranka. "
Dhaqaatiirta ayaa sheegay in haddii labada gabdhood ee walaalaha ah iyo eeddadooodba ay qabaan xanuunka AIS, waxaa suuragal ah in cudurka laga dhaxlo.
Badanaa hooyada ayaa u gudbisa ilmaha. Dadka leh cilladda noocan ah inta badan ma awoodaan inay dhalaan, laakiin waxay ku noolaan karaan nolol caadi ah inta ay ku nool yihiin.