"Maxay dadka iiga shakiyaan markaan iraahdo anigaa dhalay gabadhan"?

Published

Markii Ena Miller, ay ilmo dhashay sannadkii hore, uma aysan diyaar garoobin faallooyinka joogtada ah ee ku saabsan muuqaalka gabadheeda. Waxay ka sheekeyneysaa caqabadaha ay la kulantay.

Laga bilaabo maalintii ilmahaygu dhashay waxaa laga hadlayay midabka maqaarkeeda.

Kaddib markii aan habeen iyo maalin ku jiray qeybta daryeelka degdega ah, gabadheyda yartahay Bonnie ayaa la ii keenay si aan u nujiyoi. Dhowr saacadood ka dib haweeney ayaa albaabka madaxa ka soo dhiibatay si ay ii weydiiso waxaan jeclaan lahaa inaan ku quraacdo.

Ka hor inta aanan u jawaabin, waxay i weydiisay, "ilmahan ma adigaa dhalay?" Markii aan u jawaabay ka dib, waxaan filayay inay ii hambalyeyso balse nasiib darro, isla su'aashii ayay ku celisay oo waxay tiri. "Dhab ahaantii ma adigaa tan dhalay?"

Hadalkeeda adag ee uu shakiga ku dheehan yahay ayaa iga yaabiyay. Isticmaalkeeda erayga "Ma dhab baa" ayaa aad ii saameeyay."

"Waxay u egtahay mid aad u cad. Bal eeg timaheeda, waa ay jilicsan yihiin. Aad bay u caddahay," ayay sii raacisay.

Waa markii ugu horreysay ee ay bilwodeen hadallada ka dhanka gabadheyda yar ee shakiga ay ka gelinaya inaan aniga dhalaya gabdhan cad. Ogow waxay arrintan billaabatay ka hor inta aan isbitaalkaba ka bixin.

Markii aanu ka soo baxnay isbitaalka, waxaan sawirrada Bonnie u diray dadka aan jeclahay balse dad yar ayaa waxay uga soo jawaabeen hal jumalad oo oraneyso: "Xaqiiqdii aad ayay u caddahay"

Aniga iyo Bonnie waxaan isbitaalka ku jirnay muddo shan maalmood ah. Waxay ahayd xilligii mowjaddii kobaad ee fayraska corona oo ma aysan jirin cid isbitaalka nagu soo boqotay, oo xitaa saygeyga ima soo boqan karin, waxaan kawada xiriiraynay muqaal dhanka aaladda Watsapp-ka ah. Sidaa darteed waxaan waqti u helay inaan is weydiiyo su'aalahaan.

Dadka markasta maxay ugu haystaan inaan ahayn Bonnie hooyadeed?

Markasta Bonnie miyay u baahan doontaa inay sharraxdo inaan hoyaadeed ahay?

Shan toddobaad ka dib markii aan ka baxnay isbitaalka, socod aad u qurux badanaa ayaa isu rogay mid aan fiicnayn. Nin baa soo muuqday, oo si xoog leh ugu qaylinaya, "Muxuu ilmahaagu aad ugu cad yahay?"

"Waa maxay sababta ay u caddaan badan tahay? Ma waxaad heshay nin caddaan ah? Taasi waa waxa dhaca marka aad la kulanto nin caddaan ah! Bal eeg, bal eeg."

Waan ka naxay, aad ayaana uga baqay. Waxaan fahmi kari waayay sababta uu ninkan oo aan isku midab nahay uga xumaaday midabka ilmahayga yar.

Qoomamadayda ugu weyn ayaa ah inaanan difaaci kari waayay qoyskayga oo aan ka aamusay su'aalahaas.

Wendy Lopez waa 60 jir, waxay ku nooshahay Koonfurta London, siddeed iyo labaatan sano ka hor waxay dhashay Olivia. Saaxiibkeed ayaa wacay qeybta dhalmada ee Guyana ee Koonfurta Ameerika si uu u hubiyo in ilmaheedu caddaan yahay ama madow yahay.

Dhakhtar ayaa weydiiyay Wendy in qof "caddaan ah uu qoyskeeda ku jira ", waxayna u shegtay in aabbaha Olivia uu caddaan yahay. Laakiin wuxuu yiri: "Maya, maya, maya, qof ayaad ku leedahay qoyskaaga waana sababta ay Olivia cadaan badan tahay."

Hal dhacdo ayay si gaar ah uga xumaatay. Waa markii ay Wendy oo ku sugan dukaan ku yaalla Deptford, koonfurta London, oo ay ka dukaameysanaysay iyada oo ay Olivia la socoto, waxay waddada ku sii martay saddex nin oo madow ah oo taagan bannaanka baarka.

"Mid ka mid ah ayaa ii yimid, ka dib markii uu arkay Olivia, waxa uuna i weydiiyay, ma adiga dhalay ilmahan?

"Waxaan ku iri 'maya.'

"Waan iska inkiray ilmahayga, laakiin arrintaas mar kale ayaan samayn doonaa."

"Wax qoomamo ah kama qabo. Waxaan dareemay hanjabaad. Waan baqay," ayay tiri Wendy.

"Waxaan tagay isbitaalka si aan u qaato tallaalka Covid-19 dhowr bilood ka hor kalkaalisada waxay i weydiisay inaan ahay waalidka Olivia, markii aan idhi waxaan ahay hooyadeed, waxay i weydiisay inaan dhab ahaantii dhalay," ayay tiri Wendy.

Waxay tiri waa muhiim maxaa yeelay hadallada noocan oo kale ah waxay weerar ku yihiin cidda Olivia ay tahay.

Fariba waa 41 jir, badhna waa Iiraan, badhna waa Ingiriis. Saygeeda waa Nigerian, waxayna leeyihiin saddex gabdhood oo kala jira 10, sideed iyo lix.

"Runtii aad baan uga argagaxay hadalladaasi, anigoo haysta saddex gabdhood oo dhammaantood leh midabyo kala duwan," ayay tiri Fariba. "Waxaan durbaba arki karaa aragtiyada kala duwan ee ay carruurtaydu yeelan doonaan kuwaas oo ku saleysan sida looga dhex arko bulshada dhexdeeda."

Hal dhacdo sanadkii hore dhacday runtii aad bay uga xanaajisay. Fariba waxay gabadheeda oo toddoba jir ah ka soo qaadanaysay fasal ku yaal Waqooyiga London.

Mid ka mid ah carruurta ayaa yiri, '' Taasi ma gabadhaada baa?

"Waxaan ku idhi," Haa ". Waxayna tidhi, weli ma jeceshahay iyada inkastoo ay midabkaas leedahay?

"Gabadhayduway maqashay hadalkaa," ayay tiri Farriba, iyada oo isku dayaysa inay iska joojiso oohinta.

"Waxaa jira hadallo badan oo aan inta badan la kulano markaan fasaxa ku jirno, gaar ahaan gabadha ugu weyn, oo ah tan ugu madow," ayay tiri Fariba.