Doorashada Soomaaliya: "Dadkii tartamayay mid walba wuxuu sameeyay Quraac, Qado iyo Casho"

Published

Waxaa maanta magaalada Kismaayo lagu soo doortay afar xubnood oo maamulka Jubbaland ku matali doona Aqalka Sare ee dowladda Federaalka Soomaaliya, halka afar kalena ay doorashadooda wali harsan tahay.

Waa afartii xubnood ee ugu hoorreeyey ee ilaa hadda la soo xulo tan iyo markii laga heshiiyey hannaanka doorshada ee Soomaaliya.

Siyaasiyiinta codeyntii maanta ku soo baxay Ilyaas Baddal Gabboose, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, Cabdirisaaq Maxamed Cusmaan iyo Iftiin Xasan Iimaan Baasto.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Jubbaland, Siyaad Maxamed Mursal, ayaa BBC-da uga warramay sida ay waqti gaaban ugu suurtagaliyeen doorashada iyo in murashaxiinta uu ku filnaa xilliga la siiyay.

"Xilliga uu soo baxay hab-raaca ay doorashada ku qabsoomayso iyo guddiyadii la yiri is doorta, xeer hoosaadkii iyo qeybsashadii shaqada ayaa waqti badan qaadatay, wixii intaa ka dambeeyayna waqti yar oo noo soo haray ayaan ku boobsiinnay qorshihii doorashada," ayuu yidhi.

Mar uu ka hadlayay sida uu waqtiga ololaha ugu filnaa dadka tartamayay, ayuu yiri: "Horta doorashadan way ka duwanayd tii aqalka hoose, waxaa dooranayay koox la yaqaanno oo baarlamaanka ah, baarlamaankuna hal magaalo ayuu daggan yahay. Waxaan siinnay 24 saacadood, wayna ku filnayd, qof walba quraac, qado iyo casho ayuu qaaday intii tartamaysay, marka waqtiga wuu ku filnaa, waliba wuu ka badnaa."

Dhanka kale, guddoomiyaha ayaa meesha ka saaray inay jiri karto wax cabasho ah oo ku aaddan hufnaanta doorashada.

"Cabasho ma jiri karto"

"Cabasho ma jirin, sababtoo ah doorashadu waxay ahayd mid toos loo daawanayay, caalamka oo dhan baa laga daawanayay, waxaa kale oo meesha fadhiyay golaha wasiirrada Jubbaland, xildhibaannadii codeynayay, salaadiin, guddoomiyihii federaalka u qaabilsanaa doorashooyinka, guddiga xallinta khilaafaadka iyo sidoo kale booliska AMISOM, marka cabasho ma jiri karto," ayuu yiri.

Hal gabar oo ka mid ahayd 8-dii murashax ee doorashada ka qayb galay ayaa heshay 12 cod oo kaliya.

Shariif Cusmaan oo falanqeeya siyaasadda Soomaaliya ayaa BBC-da u sheegay in horumar fiican laga sameeyay qoondada dumarka "laakiin haweenka aysan waxba heli karin ilaa inta laga gudbayo nidaamka beelaha".

"Haddii 4.5 wax lagu qaybsanayo waa qayb horay usoo dhacday markii horeba. Anigu waxay ila tahay in sidaas hadda loo jeedo ay noqon doonto kuwa kalena ilaa laga baxo habka qaybsiga 4.5," ayuu yiri.

"Sanadkan waa kii ugu horreeyay ee aad mooddo in xil weyn la iska saaray qoondada gabdhaha, waa markii ugu horreysay ee Ra'iisul Wasaaraha uu guddi gooni ah oo haween ka kooban u xil saaro in arrintaas la xaqiijiyo, haddana billowgii ugu horreeyay haddii ay sidaas ku billaabatay waxaan isleeyahay sidaas iyo si u dhow ayay noqon doontaa."