You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Magaalada 'in la neefsadaa' ay qaaliga noqotay
"Ogsajiin, ogasajiin, fadlan ogsajiin ma iigu deeqi kartaa"
Sida uu soo werinayo weriye BBC-da ka tirsan oo Hinida ku sugani, waxaa saaka xilli hore toosiyey taleefan ka yimi mid ka macallimiinta dugsiyada ee dalkaas, taaas oo u sheegaysay in odaygeedii xaalad adag oo ogsajiin la'aan ah uu ku jiro, oo ay u baahan tahay meel ay ogsajiin ka heli karto.
Taas oo ka dhigan, in qof kastaa gaarkii xaaladda ula daalaadhacayo. Waana maalin kale oo caddaynaysa sida Magaalada Delhi, ay neefsashadu qaaliga u noqotay, kuwa badanna ay ugu adag tahay in ay helaan.
Hindiya ayaa diiwaan gelisay rikoodh cusub oo adduunka ah oo ku saabsan cudurrada maalinlaha ah ee coronavirus maalintii afraad oo xidhiidh ah, taas oo culeys dheeraad ah saareysa isbitaallada ay dhibaatooyinka darani ka jiraan.Waxay diiwaan gelisay 349,691 kiis oo kale Axadii, taasoo wadarta ka dhigeysa ku dhowaad 17 milyan tan iyo markii uu cudurku bilaabmay.
Waxaana si guud xaaladda maraysaa in dad badan oo Hindi ahi ay kula doodayaan dawladdooda iyo dhkhaatiirtooda, haddii aadan badbaadi karin kuwo aannu jecelnahay fadlan na sii meydadkooda aannu si sharfan u aasannee.
Waxaa suuqyada madaw qiime sare lagu kala iibsanayaa ogsajiinta, waxaanad moodda in dalku xaalad dagaal oo adag ku jiro.
Isbitaalada cidhiidhiga ah ayaa la daala dhacaya helidda ogsijiin ku filan, taasoo keeneysa in mararkaa dib loo celiyo bukaanno gargaar u baahnaa.
Delhi waxay ka mid tahay magaalooyinka leh xarumaha daryeelka caafimaad ee ugu wanaagsan Hindiya, laakiin waa laga adkaaday oo in ka badan 99% dhammaan sariiraheeda daryeelka degdegga ah ayaa buuxa
Sabtidii Mareykanku wuxuu sheegay inuu aad uga walaacsan yahay kororka karoonaha ee Hindiya.
Xoghayaha arrimaha dibadda Antony Blinken wuxuu sheegay in Mareykanku uu si dhow ula shaqeynayo dowladda Hindiya si uu u ula gaadho taageero iyo agab dheeraad ah.
Dowladda India ayaa isticmaalaysa tareenno iyo ciidamada cirka si ay saad ugu daabulaan goobaha ay dhibaatada ka jirto.
'xasuusin murugo leh'
Meesha se xaalkeedu daran yahay waa caasimadda Delhi, halkaas oo dadku ugu dhinteen cisbitaalada sababo la xiriira oksijiin la'aan.
Hay'adda Caafimaadka Adduunka (WHO) waxay sheegtay in xaaladda Hindiya ay tahay "xusuusin ba'an" oo ku aaddan si karoonuhu inoo halligi karo.
Tirada dhimashada guud ahaan Hindiya waxay sare u kacday 2,767 afar iyo labaatan saac gudahood ilaa Axada maanta - waana tiradii ugu badneyd ee maalinle ah illaa iyo hadda.Horaantii sanadkaan, dowlada India ayaa rumeysneyd inay ka adkaatay viruska. Kiisaska cusub ee la helaa waxay u dhaadhaceen 11,000 badhtamihii Febraayo, talaallada ayaana loo dhoofinaayay dalalka, bishii Maarso wasiirka caafimaadka wuxuu sheegay in Hindiya ay "ku jirto dhamaadka" safmarkan.
Si kastaba ha noqotee, tan iyo markaas, korodhkan cusub ayaa cirka isku shareeray, kaas oo ay keeneen soo ifbaxa noocyo cusub, iyo sidoo kale isu imaatinno balladhan, sida xafladda Kumbh Mela, oo soo jiidatay malaayiin xujey ah horraantii bishan.
Isbitaalada Delhi ayaa ka digay inay ku sugan yihiin heer burbur ah. Cisbitaalka Holy Family , qeybaha daryeelka degdega ah ayaa buuxsamay mana jirto cid kale oo uu sariiro dheeraad ah u heli karaa. Waana mid ka mid ah cisbitaalladaa magaaladaa ugu caansanmeel sariiro dheeraad ah loo heli karo.
"Ku dhowaad cosbitaal kastaa waa uu buux dhaafay. Haddii oksijiinku dhammaado, ma laha leex-leexad bukaanno badan, dhimasho ayaa hurran" ayay Dr Sumit Ray u sheegtay BBC.
'Daqiiqado gudahood, way dhiman doonaan. Waxaad arki kartaa bukaanadan: waxay saaran yihiin hawo-qaadeyaasha, waxay u baahan yihiin oksijiin qulqul badan leh, haddii oksijiintu joogsato, badankood waa u dhimasho'