Ukraine oo ka jawaabtay warbixinta Iiraan diyaaraddii la soo riday

A victim's relative mourns during a commemorative ceremony on the first anniversary of the shooting down of Ukraine International Airlines flight PS752, in Kyiv, Ukraine (8 January 2021)

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Sagaal shaqaale Ukraine u dhashay ayaa ku dhintay diyaaradda, iyo 167 rakaab oo kale
Published

Ukraine ayaa ka soo horjeesatay warbixintii ugu dambeysay ee Ururka Duullimaadyada Rayidka ee Iiraan ee ku saabsaneyd soo rididdii diyaaradda dalkaas, iyadoo ku sheegtay inay tahay arrin lagu daboolayo runta.

Diyaaradda Ukraine ee PS752 ayaa waxaa lagu dhufaty labo gantaal kaddib markii ay ka duushay Tehran 8-dii January 2020. Dhammaan 176 ee saarnaa diyaaradda ayaa ku dhintay.

Warbixinta CAOI ayaa lagu sheegay in cillad ka timid waaxda difaaca cirka ay sababtay musiibadaas.

Waxay sheegtay in qof ka tirsan waaxdaas uu ka shakiyay diyaaradda isla markaana uu ku riday gantaallo isaga oo aan amar ka heysan taliyaha.

Muuqaal la soo dhigay Facebook kaddib markii warbixinta la soo daabacay, ayaa Wasiirka Gaashaandhigga Ukraine Dmytro Kuleba wuxuu baaritaanka Iiraan ku tilmaamay mid "dhinac u janjeera".

Ukraine iyo afar dal oo kale oo muwaaddiniintooda ay ku dhinteen diyaaradda - Canada, UK, Afghanistan iyo Sweden - ayaa ka dalbaday Iiraan inay bixiso sharraxaad dhammeystiran oo ku saabsan waxa dhacay.

Saddex maalmood kaddib markii diyaaradda PS752 ay burburtay, xoogagga hubeysan ee Iiraan ayaa dafiray inay wax mas'uuliyad ah ku leeyihiin arrintaas sidoo kalena CAOI ayaa soo jeedisay inay jirtay cillad farsamo. Dowladda ayaa lagu eedeeyay in sidoo kale ay oggolaatay in la tago goobta ay diyaaradda ku burburtay oo xatooyo lagula kaco haraadiga kaddibna cagafcagaf ayay marisay.

Balse markii ay caddeyntu soo ifbaxday, Xoogagga Difaaca Cirka ee Ilaalada Kacaanka ayaa sheegay in waaxda difaaca ay diyaaradda u maleeyeen gantaal ka yimid Mareykanka.

Map showing Iran plane crash
Short presentational transparent line

Waaxaha difaaca cirka ee Iiraan ayaa heegan adag ku jiray xilligaas sababtoo ah dalkaasi wuxuu markaas gantaal ku tuuray labo saldhig milatari oo Ciraaq ku yaalla kuwaas oo ay ku jireen xoogagga Mareykanka, iyadoo Iiraan ay uga aargoosaneysay dilkii duqeymo cirka ah oo uu Mareykanku fuliyay loogu geystay ganaraal sare oo Iiraan u dhashay laguna magacaabo Qasem Soleimani duqeyntaas oo ka dhacday Baghdad.

Iranian emergency services personnel inspect the wreckage of Ukraine International Airlines flight PS752 near Tehran (8 January 2020)

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Xoogagga hubeysan ee Iiraan ayaa markii hore beeniyay inay mas'uul ka yihiin musiibadaas

Sagaal shaqaale oo Ukraine u dhashay ayaa ku dhintay diyaaradda, sidoo kale waxaa diyaaradda saarnaa oo dhintay 167 qof oo rakaab ahaa.

Sida ay sheegeen saraakiisha Iiraan, dhibbanayaasha waxaa ku jiray 146 qof oo haystay baasaboorka Iiraan.

Canada ayaa sheegtay in 55 qof oo ka mid ah bukaannada ay u dhasheen Canada isla markaana 30 kale ay ahaayeen dad haystay degganaasho rasmi ah, halka 53 kalena ay u socdeen Canada.

A view of the flight recorder from the Iranian missile-downed Ukraine International Airlines (UIA) Flight PS752 Boeing 737 jet, in France, 20 July 2020

Xigashada Sawirka, Reuters

Bishii December, Wasiirka Arrimaha Dibadda Canada François-Philippe Champagne ayaa sheegay inuusan rumeysneyn in soo rididda diyaaraddahe did not believe the downing of flight PS752 could be blamed on human errorloo aaneyn karo khalad ka dhacay aadmiga.