Tanzania: Hadal heyn ka dhalatay wasiir xanuunsanaa oo shir jaraa'id qabtay

Published
Waqtiga akhriska: 2 daqiiqo

Muuqaal naxdin leh oo ku saabsanaa wasiir xanuunsan oo ka tirsan dowladda Tanzania ayaa horseeday in meesha laga saaro warar been ah oo sheegayay in uu geeriyooday arrintaas oo si weyn loo dhaleeceeyay halka qaar ay ku tilmaameen arrin fool xun oo aan loo baahneyn.

Toddobaadkii lasoo dhaafay madaxweynaha Tanzania John Magufuli wuxuu waxbo kama jiraan ku tilmaamay hadalkaas oo uu sheegay in wasiir Philip Mpango uu nool yahay isla markanaa xaaladdiisa caafimaad ay wanaagsan tahay.

Talaadadii wasiirka maaliyadda Tanzania Philip Mpango ayaa waxaa garbaha waday labo kamid ah shaqaalaha caafimaadka oo uusan afka iyo sanka u daboolneyn, wuxuu warbaahinta kula hadlay cisbitaalka Benjamin Mkapa ee ku yaalla magaalada caasimadda ah ee Dodoma.

Wasiirka ayaa la arkayay isaga oo qufacayo oo uu neefsiga dhibayay xilli uu akhrinayay bayaanka.

Ma kala cadda cudurka hayo wasiirka balse wuxuu sheegay in 'dhibaato dhanka neefsiga ah uu qabay' uuna u baahnaa Oxygen.

Wuxuu intaas ku daray in uu caafimaaday.

Hoggaamiyaha mucaaradka TanzaniaTundi Lissu ayaa dhaleeceeyay saraakiisha dalkaas oo wasiirka u ogolaaday in shir jaraa'd jeediyo isaga oo xanuunsan.

"Yaa u ogolaaday qof xanuunsan uu ka hadlo shir jaraa'id, wuu qufacayay, afka iyo sanka uma aysan daboolneyn, waxay aheyd in uu iska nasto oo uu qaato dawo" ayuu yiri Tundu Lisu.

Wasiirka maaliyadda Tanzania Dr Mpango ayaa raalli gelin ka bixinayay xilliggaas sababta uu uga qeybgeli waayay aaskii loo sameeyay madaxweyne ku xigeenkii Zanzibar Seif Shariif Hamad oo ku magac dheeraa Macalin Seif oo kaas oo dhawaan u geeriyooday cudurka Covid-19 iyo geeri ku timid saraakiil kale oo ka tirsan dowladda Tanzania.

Axaddii ayay aheyd markii Madaxweynaha Tanzania John Magufuli laga soo xigtay hadalo loo fasirtay in ay isbadeshay siyaasaddii dowladiisa ee cudurka Karoonaha.

Isaga goob kaniisad ah oo ku taala Daarasalaam kula hadlayay boqolaal dad ah ayuu u sheegay in ay dadka taxadaraan, dowladiisana aysan dadka marnaba ka hor istaagin in ay xirtaan gafuur-xidhka.

Waxase uu soo jeediyay in ay isticmaalaan gafuur-xidhka lagu sameeyay gudaha Tanzania, isaga oo ku dooday in kuwa dalka dibadiisa laga keenay aysan ahayn kuwa badqaba.

Waxa uu dhanka kale ku dhiirogaliyay dadka in ay sii wadaan dawo dhaqameedka, sida uumiga iyo qaaca la isku ulayo si looga hortago fayriska.

Hadalka madaxweynaha ayaa kusoo hagaagay xilli ay cudurka u dhinteen shaqsiyaad caan ah oo ay ku jiraan dad madaxwenaha saaxiibadiisa u dhow ah.

Sanadkii hore, madaxweyne Magufuli ayaa ku baaqay in saddex maalmood oo duco qaran ah loo qabto dalka, maalmo kadibna wuxuuba shaaciyay in Karoonaha uu ka dhamaaday Tanzaniya.

Dhanka kale Ha'yadda Caafimaadka Adduunka ayaa dhawaan ka codsatay dowladda Tanzania inay diiwaangeliso kiisaska cudurka Karoona isla markaana ay la wadaagto macluumaadka ku saabsan cudurka.