Sacado yar ka hor inta uusan xafiiska banayn Trump, wuxuu xayiraad ku soo rogay saraakil reer Tanzania

Published

Mareykanka ayaa xayiraad dhanka safarka aha ku soo rogay saraakiil reer Tanzaniya ah oo aan magacyadooda la shaacin, kuwaasi oo la sheegay in ay ku lug lahaayeen minja-xaabinta doorashadii gud ee dalkaasi ak dhacday October.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykan ee xilak ka sii dagaya Mike Pompeo ayaa sheegay in saraakiishan ay minja-xaabiyeen geedi socodkii doorashada islamarkana ay majara- habaabiyeen dimuqradiyada Tanzaniya.

Ma jiro ilaa iyo imika wax war ah oo ka soo baxay dowladda dalka Tanzaniya.

Warsaxaafadeed uu soo saaray Pompeo ayuu sheegay in hagardaamaynta Siyaasiyiinta mucaaridka,saxafiyiinta iyo carqaladeynta internat-ka ee Ciidamada amaanka ay ka dhigeen doorashooyinka Tanzaniya mid aan xor iyo xalaal toona ahayn.

Waxaa kale oo u cadeeyey in mucaaridku , korjoogayaasha iyo ururada bulshadu inay sheegaan xilligii dorashada iyo ka dib-ba ay dhaceen xadgudbyo iyo ficilo ka dhan Xuquuqda aadanaha.

Waxaa Pompeo intaa raaciyay in mucaaridka iyo urarada bulshada rayidkaa ay dareemayeen baqdin isagoo ugu baaqay dawlada Tanzaniya in ay wax ka badasho sida ay imika wax u waddo.

Balse guddiga doorashada ee Tanzaniya ayaa sheegay dhankooda in doorashada Madaxweyne Megafuli ku helay 80% ay ahayd mid u dhacday si xor iyo xalaal ah.

Baaqan Pompeo ayaa ku soo beegmaya xilli ay saacado kooban ka harsan yihiin muddo xileedka madaxwayne Trump oo isagu diiday in uu aqbalo natiijadii ka so baxday dorashada.