You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Imaaraatka oo dhalasho siinaya 'xirfadleyaasha' ajaaniibta ah
Imaaraadka ayaa sheegay in markii ugu horreysay uu muwaadiniinta ajaaniibta ah siin doono dhalashada dalkaasa, waxayna kordhinayaan muhiimadda dalalka khaliijka.
Madaxweyne ku xigeenka dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, ahna hoggaamiyaha magaalada Dubai, Sheekh Maxamed bin Rashid al Maktuum, ayaa sheegay in kuwa u qalma ay ka mid noqon doonaan maalgashadayaal, xirfadlayaal takhasus gaar ah leh, dhakhaatiir, Injineero iyo farshaxamiistayaal.
"Iyaga iyo qoysaskooda waxay awoodi doonaan in loo ogolaado haysashada labo jinsiyadood," ayuu yiri.
Ma u muuqato in shaqaale uu dakhligoodu hooseeyo ay buuxinayaan shuruudahaas adag.
Sheekh Maxamed ayaa sheegay in ujeedka uu yahay in la soo jiito kuwa ''wax ka geysan kara tiigsigeena hormarineed''.
"Ma jiro nidaam wax lagu dalbado, taa beddelkeedana shaqsiyaad ay Imaaraadka ama saraakiisha u magacaabi doonaan muwaadinnimo," ayuu yiri. "Golaha wasiirada ee Imaaraadka, ayaa markaa go'aansan doona in ay ansixiyaan iyo in kale".
Tallaabadan ayaa timid, iyadoo uu jiro cudurka faafa ee coronavirus iyo xilli uu hooseeyo qiimaha saliidda, taas oo keentay in tobonnaan kun oo ajaanib ah ay ka baxaan dalka.
Nidaamkan cusub, ayaa oggolaanaya in khubaro taqasus gaar ah leh iyo maal-gashadayaal shisheeye ay saldhigyo qoto dheer ka sameystaan dalka, sida laga soo xigtay wargeyska The National ee saldhigiisu yahay Abu Dhabi.
Sare u kaca dhanka dhaqaalaha ee dowladaha Khaliijka iyo xarunta dalxiiska ayaa ku tiirsaneyd qurbajoogta, sidaasi waxaa yiri tifaftiraha BBC-da ee arimaha Carabta Sebastian Usher. Waxay ka kooban yihiin inta badan dadka deggan dalka iyo in ka badan 90% shaqaalaha.
Shaqaalaha ajaanibta ah waxay badankood haystaan fiisooyin dib loo cusbooneysiin karo oo shaqeynaya dhowr sano, iyagoona ku xiran in qofka uu shaqaale yahay.
Shaqaalaha uu dakhligoodu hooseeyo, ayaa sidoo kale door muhiim ah ka ciyaaray koboca dhaqaalaha.
Qaar badan oo ka mid ah ayaa sanado ku noolaa waddanka, balse ma heystaan waddo rasmi ah oo ay u maraan in ay muwaadin noqdaan ama ay helaan degganaanshaha dalka, iyagoona aan helin marino ay ka helaan faa'idooyinka ay bulshadu helaan.
Sannadkii 2019, Sheekh Maxamed, ayaa bilaabay nidaam fiiso oo loo garanayay "golden card", kaas oo la siiyay xirfadlayaal kala duwan oo helay degenaasho 10-sano ah, kuwaasi oo ay ku jiraan dhaqaatiir iyo seynisyahanno, iyo weliba sidoo kale ardayda dugsiyada sare dhigta iyo qoysaskooda.
Si loo tixgeliyo qorshaha cusub ee muwaadinnimda, waa in maalgashadayaashu ay lahaadaan hanti ma guurto ah oo ay ku leeyihiin Isutagga Imaaraadka Carabta.
Dhaqaatiirta waxay u baahan doonaan in ay taqasusaadkooda geeyaan goobaha ay u arkan in ay baahiyaha daran ka jirto. Maalgashayaashana waxay u baahan doonaan in lahaansho shati ay u ansixiso dowladda Imaaraadka.
Sidoo kale dadka hal abuurka lehna waxay u baahan doonaan in ay hormuud ka noqdaan howshooda, sidaasi waxaa laga soo xigtay diiwaanka lagu daabacay jaraa'idka Wam.
Si dhaqso looma caddeyn karo in dadka wata baasaboorrada cusub ay u qalmi doonaan nidaamka daryeelka Bulshada ee dalkaas.
Sharciga wadaninnimada lama siin jirin ajaaniibta ku sugan waddamada Khaliijka. Inta badan waxaa la siin jiray oo keliya xaasaska ay qabaan ragga Imaaraadka u dhashay iyo carruurta ay dhaleen ragga reer Imaaraad.
Carruurta ay dhaleen hooyooyinka Imaaraatka u dhashay ee u dhaxa ragga ajaaniibta ah, ma aysan helin karin shuruud la'aan, balse taa beddelkeeda waxaa ku qasab ahayd in ay dalbadaan sharciga, iyadoona laga yaabo in ay sanado qaadato inta ay sugayaan.