You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Iran oo magdhaw siineyso dad ku dhintay diyaarad ay soo ridday
Iran ayaa la sheegay qoysaski ay 176-kii qof ee ku dhimatay diyaaraddi rakaabka ee ay ciidamadeeda soo rideen qofkiiba iney siiso magdhaw gaaraya $150,000 oo doolar.
Ukraine ayaa ku baaqday inuu dhaco wadahadal ku aaddan magdhawga dhibbanayaasha la siinaya iyo xubnihi weerarkaasi ka dambeeyey sidi caddaaladda loo marin lahaa.
Diyaarad rakaab ah uu nooceedu ahaa Boing 737-800 oo ay lahayd shirkadda diyaaradaha caalamiga ee Ukraine ayaa laba gantaal lagu dhuftay waxyar un kaddib marki ay ka soo duushay magaalada Tehran.
Iran oo marki hore diidday iney qirato mas'uuliyadda diyaaradda gantaalka lagu dhuftay, ayaa ugu dambeynti oggolaatay waxayna sheegtay diyaaradda rakaabka ee ay lahayd shirkadda diyaaradaha caalamiga ee Ukraine 'si aan ula kac ahayn' in loo soo riday.
Tehran waxay dhacdadaasi ku tilmaamtay "Qalad masiibo uu ka dhashay".
Dadka diyaaradda ay Iran soo ridday saarna ayaa isugu jiray 82 muwaaddiniin oo u dhashay Iran, 63 Canada u dhashay, 11 Ukraine u dhashay oo ay shaqaalaha diyaaradda ka mid ahaayeen, 4 Afghanistan u dhashay, 4 u dhashay Britons iyo 3 Jarmalka u dhashay.
Ciidamada ilaalada hawada ee dalka Iran ayaa xilligaasi heegan ku jiray. Saacada ka hor xilliga ay diyaaraddu soo dhaceysay Iran waxay gantaallada balastika ku garacday laba saldhig oo ku yaallay gudaha dalka Ciraaq iyada oo duqeymahaasi u geystay si ay ugu soo aarto General Qaasim Suleymaani oo u dhashay Iran oo ay diyaaradaha Mareykanka ku dileen magaalada Baqdaad.
Iran sidey u maareysay baaritaanka shilkan?
Warmurtiyeed ka soo baxay dowladda Iran ayaa lagu sheegay "sida ugu dhaqsiyaha badan" iney magdhaw u bixineyso.
Arbacadina waxay Tehran sheegtay warbixintii ugu dambeysay ee baritaanka shilkaasi iney u dirtay waddamada Ukraine, Mareykanka, Faransiiska, Canada, Sweden, Ingiriiska iyo Jarmalka.
Balse wasaaradda arrimaha dibadda Ukraine waxay sheegtay lacagta magdhawga ee ay Iran bixineyso in wadahadal laga yeelanayo iyada oo la raacayo dhaqanka caamiga ee arrintan la xiriira, iyada oo dalbatay shaqsiyadki falkaasi ka dambeeyey iney maxkamad wajahaan.
"Dhinaca Ukraine waxay Iran ka sugayaan warbixin farsamo oo ku saabsan xaaladda ay ku sugneyd diyaaradda soo dhacday," ayuu yiri afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Oleh Nikolenko.
"Xaaladaha noocan ah ma aha kuwa marnaba la aqbali karo, mar haddii aan ka hadleyno masiirka dad aan waxba galabsanin, Ukraine waxay sii wadi doontaa dadaallada ay ku xaqiijineyso dadki falkaasi ka dambeeyey sidi caddaaladda loo horkeeni lahaa," ayuu yiri.
Horraantii bishanna warbixin madax bannaan oo ka soo baxday dalka Canada ayaa su'aal gelisay baaritaanka ay Iran shilkaasi diyaaradeed ku sameysay.
Arrima muhiim ah oo jawaabo u baahan oo ay ka mid yihiin magacda dadka qaadayo mas'uuliyaddaa shilkaasi, sababaha ay ciidamada ilaalada hawada Iran u shaqeynayeen habeenkii 8-dii January iwm inaan warbixinta ka soo baxday baaritaanka Iran ay sameysay aan lagu xusin ayaa la sheegay.
"Cidda falkaasi ka dambeysay baaritaanka xaalka lagu sameyey iyo sida weyn ee sirta looga dhigay, waxay abureysaa kalsooni darro iyo aaminaad la'aan".
Iran sida oo kale waxay dib u dhigtay iney fasaxdo "Sanduuqa Madow" oo codka duuba oo macluumaadka diyaradda laga hela muddo 6 bilood ah marki ay haysay ugu dambeynti bishii July u dirtay dalka Faransiiska si baaritaan loogu sameeyo.
Maxaa ku dhacay diyaaradda PS752?
Warbaahinta Mareyknka ayaa tabisay 8-ddii January 2020 in dowladda Iiraan ay si kama' ah u soo ridday diyaarad rakaab ahayd oo laga lahaa Ukraine, taasoo ku dhacday meel u dhow magaalada Tehran, islamarkaasna ay ku dhinteen dhammaan 176-dii qof ee la socotay.
Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in diyaaradda Ukrainian International Airlines, oo nooceedu ahaa Boeing 737-800, uu ku dhacay gantaal, sida ay tabisay warbaahinta CBS.
Dowladda Ukraine waxay iyaduna sheegtay inay baaritaan ku heyso sababtii ay u dhacday diyaaradda, iyo in uu soo riday gantaal.
Hase ahaatee Iiraan ayaa meesha ka saartay suurtagalnimada in gantaal uu ku dhacay diyaaraddaas, inkasta oo ay marki dambe qiratay.
Burburka diyaaradda rakaabka ah ayaa yimid saacado yar ka dib markii ay Iiraan fulisay weerar gantaallo loo adeegsaday oo lagu qaaday saldhigyada ciidamada Mareykanka ee ku yaalla Ciraaq.
Warbaahinta CBS oo soo xiganeysa saraakiil ka tirsan sirdoonka Mareykanka ayaa sheegay in qalabka satellite ee hawada uu qabtay caddeymo muujinaya in diyaaradda uu gantaal ku dhacay.
Dhinaca kale, barnaamijka Newsweek oo ayaa soo xigtay saraakiil ka tirsan gaashaandhigga iyo sirdoonka Mareykanka iyo sidoo kale saraakiil ka tirsan sirdoonka Ciraaq oo sheegaya in diyaaradda Ukraine uu haleelay gantaal lagu farsameeyay dalka Ruushka.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Khamiistii sheegay "inuu shaki ka qabay" sababta ay diyaaraddaas usoo dhacday, wuxuuna yiri: "Qof ayaa laga yaabaa inuu khalad sameeyay".
Xilli ay sii xoogeysteen xiisadaha u dhaxeeya Iiraan iyo Mareykanka, oo ka dhashay dilkii janaraal Qasem Soleimani loogu geystay dalka Ciraaq 3-dii bishan January, Iiraan waxay sheegtay inaysan Mareykanka ku wareejin doonin sanduuqa madow ee duuba xogta diyaaradda.
Mas'uuliyiinta xukuumadda Tehraah ayaa sheegay in xitaa shirkadda Boeing ee diyaaraddaas farsameysay aysan sanduuqa ku wareejin doonin.
Maxay tabisay warbaahinta Mareykanku?
Warar kala duwan ayey telefishinka CBS News iyo warbaahinta Newsweek ku sheegeen in saraakiisha sirdoonka ee Mareykanka iyo Ciraaq hayaan caddeymo muujinaya in diyaaradda Ukraine lagu soo riday gantaal ay leedahay Iiraan.
CBS ayaa warbixin kooban ku daabacday bogga ay ku leeyahay Twitter-ka, iyadoo sheegeysa in saraakiishu ay hubaan in diyaaraddaas lagu dhuftay gantaal, isla saacadihii la weerarayay saldhigyada ku yaalla Ciraaq.
Waxay intaas ku dartay in xogtan ay kasoo xigteen sirdoonka Mareykanka.
Dhanka kale, Newsweek oo soo xiganeysa saraakiisha Mareykanka iyo Ciraaq sheegtay in lagu kalsoonyahay xogta ku saabsan in diyaaraddaas uu ku dhacay gantaal lagu magacaabo Tor M-1, oo lagu farsameeyay Ruushka.