Siddeed su`aalood oo ku saabsan nooca cusub ee fayraska laga helay UK

Xigashada Sawirka, Getty Images
Faafitaanka xowliga ku socda ee nooca cusub ee coronavirus ayaa loo aaneeyay tallaabooyinka adag ee lagu soo rogay malaayiin qof oo ku nool England, Scotland iyo Wales, dalal kale ayaa iyaguna xayiraad safarka ah ku soo rogay UK.
Sidaas darteed sidee ayuu uga soo gudbay mid aan jirin oo uu u noqday nooca fayras ee ugu badan ee ka jira England muddo bilooyin gudahood?
La taliyeyaasha dowladda ee caabuqyada cusub ayaa kalsooni "dhexdhexaad" ah ku qaba in fayraskan uu ka faafitaan og yahay noocyada kale.
Marxalad hore ayaa lagu jiraa waxaa jira hubanti la`aan iyo su`aalo badan oo aan laga jawaabin.
Muxuu noocan cusub u abuurayaa walaac?
Saddex shey oo is biirsaday ayaa sababay in noocan cusub ee fayraska ah uu soo jiito indhaha dunida:
- Wuxuu si degdeg ah u beddelayaa noocyada kale ee fayraska
- Wuxuu sababaa isbeddello saameeya fayraska
- Isbeddelladaas qaarkood waxaa lagu arkay sheybaarka inuu kordhiyo awoodda uu fayrasku ku saameyn karo unugyada
Si kastaba ma jirto xog buuxda. Waxaa jiri kara walaac laga qabo xayiraadaha cusub, balse waxaa la sheegay inay qeyb ka yihiin yareynta faafitaanka fayraska..
"Tijaabada sheybaarka waa loo baahan yahay, balse ma dooneysaa inaad sugto toddobaadyo ama bilooyin [si aad u ogaato natiijada aadna u qaaddo tallaabooyin lagu xaddidayo faafitaanka]? Dabcan maya marka xaaladahan la eego," Prof Nick Loman, oo ka tirsan guddiga Covid-19 ee UK Consortium, ayaa sidaas yiri.
Waa sidee xaddiga faafitaanka?
Waxaa markii hore la ogaaday bishii September. Bishii November dhowr kiis oo London laga helay waxay ahaayeen nooca cusub. Kiisaskan ayaa kordhay bartamihii bishan.
Waad arki kartaa sida uu noocan cusub ee fayraska u qabsaday natiijada baaritaanka xarumaha qaar sida Sheybaarka Milton Keynes Lighthouse.
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan, 1

Khubarrada xisaabta ayaa ku howlan nambarrada faafitaanka noocyo cusub oo kala duwan si ay u ogaadaan heerka khatartan noocan cusub ee fayraska ah.
Tirada uu Ra`iisul Wasaare Boris Johnson sheegay waxay ahayd in nooca cusub uu 70% ka faafid badan yahay coronavirus. Wuxuu sheegay inay tani kordhin karto nambarka R - oo muujinaya haddii uu faafitaanku korayo ama uu yaraanayo - qiyaastii 0.4.
Nambarka 70% waxay ku jirtay hadal uu Jimcihii jeediyay Dr Erik Volz oo ka tirsan Kuleejka Imperial ee London.
Intii uu hadlayay wuxuu yiri: "Runtii waa xilli hore in la sheego… balse marka la eego waxaan aragnay ilaa iyo hadda si aad ah ayuu u kobcayaa, wuxuu ka korid og yahay [noocii hore] balse waa muhiim in isha lagu hayo.
Ma jirto xog cad oo laga hayo xaddiga faafitaanka xanuunka. Saynisyahannada aan weli la shaacin baaritaankooda ayaa sheegay in tirada ay ka yar tahay 70%.
Balse waxaa jirta su`aal ku saabsan haddii noocan cusub uu ka faafid badan kuwa kale.
Heer intee la ek ayuu faafay?
Waxaa loo maleynayaa in nooca cusub lagu arkay bukaan ku sugan UK ama uu ka yimid dal ay aad u hooseyso la socoshada isbeddellada coronavirus.
Nooca cusub waxaa laga heli karaa gudaha UK, marka laga reebo Waqooyiga Ireland, balse wuxuu aad uga jiraa London, Koofur Bari iyo bariga England. Kiisaska qeybaha kale ee dalka weli lama ogaan.
Xogta laga hayo Nextstrain, oo la socotay faafitaanka fayraska ayaa sheegtay in kiisaska laga helay Denmark iyo Australia ay ka yimaadeen UK. Netherlands ayaa sidoo kale laga soo sheegay kiisas nooca cusub ah.
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan, 2

Nooc kan la mid ah oo laga soo sheegay Koofur Afrika ayaa waxay wadaagaan isbeddello isku mid ah, balse waxay u muuqataa inuusan la xiriirin nooca cusub ee laga helay Ingiriiska.
Hore arrintan ma u dhacday?
Haa.
Fayraska markii hore laga helay Wuhan, Shiinaha, lama mid aha kan aad ku arki doonto inta badan qeybaha kale ee dunida.
Isbeddelka D614G ayaa lagu arkay Yurub bishii Febraayo wuxuuna noqday nooca fayras ee guud ahaan dunida qabsaday.
Isbeddel kale oo lagu magacaabo A222V, ayaa ku faafay Yurub waxaana lala xiriiriyay fasaxa xagaaga ay dadka ugu aadeen Spain.
Maxaan ka ognahay isbeddellada cusub?
Daraasad goor hore lagu sameeyay nooca cusub ayaa la soo bandhigay waxayna muujineysaa 17 isbeddello ah oo muhiim ah.
Wuxuu isbeddel ku dhacay furaha uu fayrasku u adeegsado inuu ku furo albaabka unugyada jirkeenna. Isbeddel lagu magacaabp N501Y ayaa qeyb ka ah.
Isbeddelka kale - baabi`inta H69/V70, oo qeyb ka mid ah isbeddelka fayraska meesha looga saarayo ayaa isagana la arkay dhowr jeer.
Daraasad kale oo la sameeyay ayaa sheegeysa in baabi`inta ay waxyaabaha difaaca ee ku jira dhiigga kuwa ka badbaaday fayraska ay ka dhigeyso kuwo aan wax ka tareynin inay iska caabbiyaan fayraska.
Halkee ayuu ka yimid?
Nooca cusub waa mid si aan caadi ahayn u wata isbeddel weyn.
Sharraxaadda ugu fiican ee laga bixin karo waa in fayraska lagu arkay bukaan uu hab difaaca jirkiisa yahay daciif kaas oo aan awoodin iska caabbinta fayraska.
Taas beddelkeed jirkoodu wuxuu noqday meel uu fayrasku ku tarmo oo isbeddello uu ku sameeyo.
Khatar sare oo dhimasho ah miyuu sababaa?
Wax caddeymo ah looma hayo arrintaas, inkastoo ay u baahnaan doonto in lala socdo.
Si kastaba, kororka isu gudbinta ayaa dhibaato ugu filan isbitaallada.
Haddii nooca cusub uu ka dhigan yahay in dad badan si degdeg ah uu ugu dhacayo, taasi waxay keeni doontaa in dad badan ay u baahdaan isbitaal.
Tallaalku wax maka tari doonaa nooca cusub?
Hadda la joogo haa ayaa la dhihi karaa.
Dhammaan saddexda tallaal ee ugu horreeya waxaa ku jira maaddooyin iska caabbin kara fayraska haatan jira.
Tallaalku wuxuu hab difaaca jirka u tababarayaa inuu weeraro qeybo kala duwan oo fayraska ah, xitaa haddii qeyb ka mid ah fayraska uu isbeddel ku yimid, weli tallaalku wuu shaqeynayaa.
Balse khubarradu waxay sheegeen inay tahay mid walaaceeda leh haddii isbeddello badan ay ku yimaadaan fayraska.
Tallaalku wuxuusan waxba tareynin marka fayrasku uu isbeddelo oo uu saameyn buuxda ku yeesho tallaalka isla markaana uu sii wato saameynta dadka.
Tani waxay la mid noqoneysaa hargabka, oo tallaalladu ay u baahan yihiin in mar walba wax laga beddelo. Nasiib wanaag, tallaallada jira aad ayay u fududday in wax laga beddelo.















