Abhishek Bachchan: Atooraha Bollywood-ka ee jecel lagdinta kabaddi

Published

In ka badan lix bilood oo ka mid ah sanadkii 2019-kii, filim sameeyaha abaarmarinnada bada ku guuleystay ee Britain, Alex Gale, wuxuu la joogay koox ciyaarta lagdinta kabaddi, oo ah ciyaar dhaqameed ay dheelaan malaayiin reer Hindiya ah.

Gale wuxuu filim ka sameynayay kooxda lagu magacaabo Jaipur Pink Panthers, oo si rasmi ah uga qeyb gasha tartamada kabaddi-ga, uuna leeyahay jilaaga bollywood-ka ee caanka ah, Abhishek Bachchan, kaasoo Soomaalida qaarkeed ay u taqaanno "Wiilka Cali Dheere".

Kooxdiisa waxay kaalin mug leh ka qaateen sidii ciyaar dhaqameedkaas ay u noqon lahayd tartan weyn oo aad loogu xifaaltamo.

"Waxaan isku dayeynaa inaan muujinno nooc cusub oo lagu soo daray ciyaaraha adduunka, laakiin waxaan sidoo kale u dabaal dageynaa dadkii ugu horreeyay ee ciyaar dhaqameedkan soo hindisay. Waxaan runtii isku daynay inaan filim ka sameyno waxyaabaha ay ciyaarta kabaddi gaarka la tahay ee soo jiita dadka ku nool hindiya bannaankeeda," ayuu yidhi Gale oo u warramay BBC-da.

Ciyaartan waxay durba iyadoo 6 sano kaliya jirta noqotay tan loogu daawashada badan yahay waddanka Hindiya, iyadoo ku xigta ciyaarta ugu caansan dalkaas ee cricket-ka.

Sanadkii 2014-kii ayaa la qabtay tartankii ugu horreeyay ee koobka kabaddi-ga. Siddeed kooxood ayaa tartanka ka qeyb gala, halkii ciyaarna waxay socotaa 40 daqiiqo.

In ka badan 400 oo milyan oo ruux ayaa telefishinnada ka daawatay tartankii ugu horreeyay ee ciyaartaas loo qabtay.

"Ciyaar dhaqameed xaafadaha lagu qabsan jiray ayaa loo baddalay tartan caalami ah oo telefishinnada laga daawado," ayuu yidhi Joy Bhattacharjya, oo ah soo saare ka shaqeeya muuqaallada isboortiga.

Maxay tahay kabaddi?

  • Kabaddi waa ciyaar koox koox loo safto oo asal ahaan laga soo hindisay waddanka Hindiya
  • Labo kooxood ayaa halkii marba ciyaara, mid ka mid ah ayaa hal ciyaartoy u dira kooxda kale
  • Ciyaartoyga kooxda kale loo diray waa inuu soo taabto dhammaan afarta ciyaartooy ee kooxda kasoo horjeedda, kaddibna isagoo aan la lagdin 30 ilbiriqsi gudahood dib ugu laabto qeybta ay garoonka ku leedahay kooxdiisa, sidaasna uu ugu guuleysto weerarkaas
  • Haddii uu ciyaartoygaas sidaas sameyn waayo kooxda kale ayaa lagdeysa oo ku guuleysaneysa weerarkiisa
  • Ujeeddada waa in dhibco badan lagu kala guuleysto inta ay ciyaarta socoto

"Kooxdeyda waxay ii macaaneeyaan nolosha," ayuu yidhi Bachchan oo ka hadlayay filimka laga duubay kooxdiisa iyo isagaba. Jaipur Pink Panthers hadda waxay ka mid yihiin kooxaha ugu caansan ee kabaddiga.

Kaamirada Gale waxay atooraha iyo kooxdiisaba u raaceysaa meel kasta, sida hoteellada, goobaha dalxiiska iyo tababarrada. Waxaa muuqaalka ku wada jira Abhishek Bachchan, aabihiis Amitabh Bachchan iyo xaaska Abhishek, Aishwarya Rai Bachchan.

Gale wuxuu sheegay in filimkan musalsalka ah uu qudhiisa wax badan uga baranayay mucjisooyinka ciyaartaas iyo sida ay asal ahaan kusoo billaabatay.

Ciyaar dhaqameedka kabaddi waxay Hindiya kasoo billaabatay waqti dheer ka hor, waxayna door muhiim ah kasoo qaadatay dadaalkii uu waddankaas u galay xornimo doonka.

Halyeeygii xornimo doonka Hindiya ee lagu magacaabi jiray Mahatma Gandhi ayaa taageeri jiray wuxuuna ka qoray buugaag badan oo uu uga hadlayay faa'iidooyinkii uu ka dhaxlay.