You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Argagax ka dhashay 'Hooyo labo canug oo ay dhashay ku tuurtay webi'
Warbaahinta Ciraaq iyo dadka adeegsada baraha bulshada carabta ayaa ka argagaxay warka ku saabsan haweeney labo canug oo ay dhashay ku tuurtay webiga Dajlah ee dhexmara caasimadda Baqdaad.
Muuqaal si weyn loogu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayaa, haweeneyda oo carruurta ku tuureysay webiga xilli ay taagneyd dusha sare ee meel buunddo ah.
Waxaan la sheegay in carruurta ay la tageen biyaha.
Dadweynaha Ciraaq ayaa ka carooday dhacdadan, saraakiisha amniga ayaa markii dambe soo xiray haweeneyda kaddib ay qiratay dhacdada.
Dadaallada lagu baadi goobayo meydadka carruurta ayaa weli ka socda webiga, sida uu BBC-da u sheegay afahayeen u hadlay booliska.
Wuxuu intaas ku daray "In helo meydadka ay qaadan karto muddo 48 saacadood ah"
Dadka u ololeeyo xuquuqda aadanaha waxay sheegeeyaan in sababta ay haweeneydaas carruurteeda ugu tuurtay webiga ay tahay "Kaddib dhibaatada dhaqaale iyo midda bulsho ee ka jirta dalka"
Sidoo kale, warbaahinta waxay soo hadal qaaday in aabaha iyo hooyada dhashay carruurta uu ka dhex taagnaa khilaaf maadama ay horraan kala tageen isla markaana uu kaga guuleystay in carruurta uu isaga qaato.
Dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqul insaanka waxay baahiyeen muuqaallo ay ku sheegeen in uu kasoo dhex muuqaday aabaha dhalay carruurta oo ooynaya xilli uu ku sugnaa agagaarka webiga.
Dadka qaar ee baraha bulshada isticmaala waxay dhacdada ku tilmaameen falal gurucan halka qaarkoodna ay soo jeediyeen in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaado haweeneyda.
Sidoo kale dadka qaar waxay sheegayaan in loo baahan yahay in wax laga baddalo sharciga ilaalinta carruurta ee dalkaas, halka qaarkoodna ay soo jeedinayaan in la baaro caafimaadka hooyada.