Fayraska Corona: Waa tuma haweeneyda dhexda u xiratay helidda daawada Covid-19?

.

Xigashada Sawirka, University of Oxford, John Cairns

Qoraalka sawirka, Barafasoor Gilbert
Published

"Waa in aan aad u shaqeynaa, walibana si dhakhsi ah," ayay tiri barafasoor Sarah Gilbert oo la hadleysay BBC.

Haweeneydan seynisyahanka ah ee katirsan jaamacadda Oxford waxay dareensan tahay in ay aad u boobsiineyso, si ay hesho dawada fayraska Corona loogana hortago faafidiisa. Cudurkan ayaa saameeyay dad ka badan 16 milyan oo qof, waxaana u dhimatay 630 kun oo qof.

Sarah iyo 300 oo qof oo isku shaqo ay yihiin waxay ka soo gudbeen wado dheer oo ay tahay in loo maro sameynta dawada corona, taas oo caadiyanba qaadata shan sano.

"Waxaan hadda shaqadaas ku soo qabanay muddo afar bilood ah", ayay tiri.

Balse hadda, guulaha ay gaareen waxay u muuqdaan kuwa miradhal ah. Helitaanka dawada Coronaviru ayaa ah middaxilligan loogu baahida badan yahay caalamka.

Inkastoo dedaalka ay wadaan aysan ka dhigneyn in dawadaas la isticmali doonaa kahor dhammaadka sannadkan, haddana waxay ku rajo weyn yihiin in tallaalka xanuunkan la heli doona kahor wakhtiga loo asteeyay.

Dunida oo weli tijaabineysa dhowr dawo oo la sheegay inay waxtar leeyihiin, ayaa haddana kooxda Oxford waxay wajahayaan tijaabo adag.

Waa tuma Sarah Gilbert?

Sarah Gilbert

Xigashada Sawirka, University of Oxford, John Cairns

Sarah Gilbert waxay hogaamineysaa dedaallada lagu raadinayo tallaalka fayraska Corona.

Kooxda ay ka tirsan tahay oo kaashanaya khubaro dhanka caafimmaadka ah oo ka soo jeeda dalka Sweden ayaa muddooyinkii dambe Tijaabada ku sameeyay dad ka badan kun qof.

Markii uu soo baxay warka sheegaya in guul yar ay gaareen kooxda Sarah, waxay caan ka noqotay dalka Britain iyo caalamka, maadaama xoogaa rajo ah laga dareemay dedaalka ay hormuudka u tahay.

Inkastoo ay noqoneyso wax lagu degdegay haddii la dhaho way guuleysteen, haddana waxyaabha ay ka guul gaareen illaa iyo hhadda waxay muujinayaan in ay gaari karaan hadafka ugu dambeeya.

Magaca barafasoor Gilbert oo ka mid ah aqoonyahannada cilmiga durugsan u leh cudurada faafa wuxuu ku baahay dhammaan warbaahinta, waxaana aad loo daneeyay wareysi lala yeesho.

Muddo 20 sano ah ayaa la sheegay in ay ka shaqeneysay sheybaarada, halkaas oo ay ku sameyn jirtay tallaalka iyo hirgelinta mashaariic badan oo la xiriira dhanka daweynta cudurada.

Seynisyahanka da'da yar

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Sarah waxay sheegtay in marwalba ay jecleyd in ay ka shaqeyso cilmi baarista la xiriirta caafimmaadka, balse markii ay da'deedu ahayd 17 sano, ma asyan garaneynin halka ay wax ka billaabi karto.

Wixii ugu horeeyay ee ay sameysay waxay ahayd in ay hesho shahaadada koobaad ee jaamacadda ee ah midda Biology-ga. Intaa ka dib waxay cilmi baaris ku sameysay cudurada bakteeriyada ah, kadibna waxay baratay sameynta dawooyiinka.

Sannadkii 1994, Sarah waxay shaqo ka heshay jaamacada Oxford oo ka mid ah jaamacadaha ugu tayada wanaagsan caalamka, halkaas oo ay ka qabatay shaqooyin kala duwan oo ay ka mid tahay xal u helida cuduro ay ka mid yihiin malaariyada.

Cilmibaaristii ay sameysay ugu dambeyn waxay horseeday in ay ka shaqeyso tallaalka.

Hooyo haddana shaqeysa

.

Xigashada Sawirka, Reuters

Prof Gilbert waxay dhashay saddex cunug oo mataano ah sannadkii 1998, sannad ka dib na waxay macalin ka noqotay jaamacad.

"Way adagtahay in la isu dheelitiro shaqada iyo nolosha gaarka ah," ayay tiri iyadoo ku sii dartay: "waxay u muuqataa mid aan suuragal ahayn markaad taageero haysan."

Waxaan haystaa saddex cunug, lacagta iskuulka lagu xanaaneeyo waxay ka badan tahay mushaarkeyda ."

Seygeeda wuxuu go'aansaday in uu xirfadii uu ku shaqaysabnayay joojiyo si uu u daryeelo caruurta, balse waxay sheegtay in taasi ay adkeyd markii hore.

"Waxaan qaatay 18 toddobaad oo fasaxa dhalmada ah".

Waxaan sii haystay saddex cunug oo ay tahay in aan daryeelo, waxayna ahayd mid wareer badan ", ayay tiri Prof Gilbert oo ah khabiir dhanka seyniska ah.

Prof Gilbert ayaa sidoo kale sheegtay in shaqada seyniska, waxyaabaha ay ku wanaagsan tahay ay ka mid tahay in aan lagaaga baahnayn in aad shaqeyso saacado badan inkastoo mararka qaar xaaladuhu ay adkaaneyso.

Sannadkii 2004, waxay ahayd arday dhigata jaamacad, seddax sano ka dib ayayna bilowday in ay ka shaqeyso mashruuca tallaalka hargabka oo ay fulinaysay hay'ad cilmi baaris oo fadhigeedu yahay London oo dhaqaalo ku kaalmayn jirtay cilmibaarida ay kooxdeeda wadeen.

Caawinta ay ka heli jirtay qoyskeeda

.

Xigashada Sawirka, Science Photo Library

Markii ay caruurta mataanaha ah ay koreen xaaladda way sahlanaatay.

"Inkastoo aan aniga ahayd madaxa sheybaarka, hadana waxaan xaaladda u eegaa si kale oo ka duwan," ayay sheegtay.

Caruurta Prof Gilbert ayaa hadda ah 21 sano jirro.

Waxay dhamaantood sida hooyadood oo kale bartaan cilmiga Chemistry. Arrinta xiisaha leh waxay tahay in dadaalka ay ku baadigoobayso talaalka fayraska Covid-19, ay saddexdeeda cunug go'aansadeen in ay qeyb ka noqdaan dadka si tabaruc ah logu tijaabinayo.

"Waa in aan tallaalnaa dadka caafimaadka qaba ee ay da'doodu u dhaxeyso 18 illaa 55 sano jir," waxay sidaas BBC u sheegtay Prof Gilbert.

Waxay rajeynaysaa wanaagga "dadka mutadawaciinta ah", waxayna ku faraxsan tahay in caawin dheeraad ah ay ka hesho qoyskeeda.

Waxay sidoo kale sheegtay in aysan ka walaacsaneyn: "Marar badan ayaan isticmaalnay tijaabada tallaalada noocan ah, mana filayno wax la yaab leh."

Imika arrinta muhiimka ah waxay tahay sida ay sheegtay: "Waxaan hadda xoogga saareynaa baaritaanada dhanka seyniska iyo dardar galinta soo saaridda sida ugu dhaqsiyaha badan si loo joojiyo faafidda cudurkan safmarka ah.