Caro ka dhalatay wiil Falastiini ah oo ay toogteen booliska Israa'iil

Palestinians carry the coffin of Iyad Halaq, an autistic man who was shot dead by Israeli police (31 May 2020)

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Iyad Halaq ayaa la toogtay xilli uu ku sii jeeday dugsiga gaarka ah uu waxbarasha gaarka ah ka helo
Published

Boqollaal qof ayaa ka soo qaybgalay aaska nin Falastiiniya oo xaalada Austismka qabay oo ay toogteen booliska Israa'iil xilli uu u socday goob uu ka helo waxbarasho gaar ah.

Iyad Halaq, 32 jira ayaa sabtidii lagu dilay daanta bari ee qudus ee ay Israa'iil haysato isagoo ku socday iskuul dadka baahiyaha gaarka ahi ay tagaan

Booliska Israa'iil ayaa sheegay inay ka shakiyeen in Halaq uu hub sitay isla markaana uu diiday amarkii la siiyey ee ahaa inuu istaago, kadibna la ogaaday inaanu hubaysnayn.

Wasiiraka gaashaandhiga ee Israel Benny Gantz ayaa muujiyey sida uu uga xunyahay dilkani.

"Waanu ka xunnahay shilkaasi lagu toogtay Iyad Halaq, waxaanu la wadaagaynaa muragada qoyskiisa, waxaan hubaa in degdeg loo baadhi doono go'aamana laga soo saari doono " sidaasi ayuu u sheegay golaha wasiirrada Israa'iil Axadii.

Waxaanu intaasi ku daray Mr Gantz , in ciidamada ammaanka Israa'iil " ay xoog isticmaalaan si ay u yareeyaan in mashaqo dhacdo intii karaankooda ah".

Halaq hooyadii oo muujineyso sawir laga qaaday 30-ka May 2020

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Iyad Halaq hooyadii waxay sheegtay inuusan hadli karin

Toddobaadyadan xaalada ayaa kacsanyeed kadib markii Raiisal wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu sheegay inuu fulin doono go'aankiisa ah iney Israa'iil ku darsato qaybo kamida dhulka daanta galbeed ee Falastiin oo ay haysato.

Maamulka Falstiniiyiinta ayaa kaga jawaabay inaany u hogaansami doonin heshiisyadii ay Israa'iil iyo Mareykanka kula jireen . Maryakanka ayaa taagersan in Israa'iil haysto qayb kamida daanta galbeed oo ay ku jiraan kuwa xaga aminga khuseeya

Iyad Halaq ayaa malin walba waxaa uu ku lugeyn jiray inta u dhexeysa gurigooda oo ku yaalla degaanka Wadi al-joz xaafda qadiimka ah ee Elwyn El Quds halkaas oo ay ku taalo xaruun adeegyo gaar ah ay ka helaan caruurta naafada ah.

Dr Hatem Awiwi oo Halaq ay ilma abti yihiin ayaa sheegay in walaalkii la ildarnaa cudurka Autismka saas awgeedna ay adkeed in uu xiriir ama dadka hadal ahaan ula macaamilo.

Booliska Israa'iil waxay sheegeen Mr Halaq iney uga shakiyeen inuu hub sitay

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Booliska Israa'iil waxay sheegeen Mr Halaq iney uga shakiyeen inuu hub sitay

Warbixin booliska Isra'iil ay soo saaren ayaa lagu sheegay in ciidamada roondada sameynayey ay ''qof uga shakiyeen in uu sitay bastoolad''.

"Waxayna ugu baaqeen inuu istaago kaddibna lug ayay ku daba galeen. Xilligii ay qofka bacsanayeenna, booliska rasaas ayey ku fureen qofka ay ka shakisanaayeenna waa la dilay'', warbixiintu waxay intaasi ku dartay in ''wax hub ah aan halkaasi laga helin kadib markii la baaray''.

Baadhitaan la sameeyay Axadii ayaa lagu ogaaday in Mr Halaq laba jeer laabta laga toogtay.

"Waxyaabaha ka soo baxay baaritaanka waxay sii kordhinayaan tuhunka ah in bilaysku ay galeen dambiyo, waxaanna fileynaa kuwa mas'uulka ka ah baaritaanka inay horay u sii wadaan oo ay booliska horkeenaan maxkamad''. Waxaa sidaasi yiri garyaqaanka qoyska Halaq, Jad Qadmani.

.

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, .

Xoghayaha guud ee Ururka Xoreynta Falastiin (PLO), Saab Erekat, ayaa yiri "waa dambi ciqaab weyn lagala kulmi doono haddii adduunyadu joojin wayso sida ay Israa'iil u dhaqanto soo ah sida waddan sharciga ka sareeya".

Wuxuuna isbarbar dhig ku sameeyay dilkii George Floyd ee Mareykanka, kaas oo dhaliyay mudaaharaadyo.

Falastiiniyiinta iyo rer Israa'iil ayaa ka dibedbaxay dilka Mr Halaq ee ka dhacay Qudus, Tel Aviv iyo Jaffa Sabtidii iyo Axadii. Qaarkood waxay qaateen boorar ay ku qoran yihiin "Iyad waa in uu Caddaaladd helo " iyo "noolosha falastiniyiinta waa muhiim".