You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Coronavirus: Maxaa shacabka Belgium looga codsanayaa inay cunaan baradho badan?
Dadka u dhashay waddanka Belgium ayaa lagu yaqaannaa inay jecel yihiin barashada la shiilay. Laakiin beeraleyda ka ganacsada baradhada iyo bataatiga ayaa hadda doonaya inay shacabka labanlaabaan xaddiga ay cunaan isbuucii.
Romain Cools, oo ka tirsan beeraleyda baradhada ayaa sheegay in arrintaas ay ku badbaadinayaan sii jiritaankooda, maadaama uu xilligan ka xiran yahay suuqii dibadda ee ay wax soo saarkooda u dhoofin jireen, sababo la xiriira dhibaatada xanuunka coronavirus.
Qiyaastii 750,000 oo tan oo bataati ah hadda ku rasteysan bakhaarrada Belgium, maadaama ay dhaqdhaqaaqii ganacsigaas sidoo kale saameeyeen amarrada lagu xakameeyay dhaqdhaqaaqa dadweynaha.
"Aan labo jeer baradho cunno isbuucii, halkii aan hal mar ka cuni jirnay," ayuu yiri Mr Cools, oo dadweynaha ka dalbaday inay codsigaas tixgaliyaan.
Tan iyo bartamihii bishii March, waxaa xiran makhaayadaha dalka Belgium iyo dhammaan suuqyadii kale ee lagu iibin jiray barashada. Waxaa dhibaatada ay wajahayaan ganacsatadaas uga sii daray dowladda oo baajisay munaasabado dhowr ah oo la qaban jiray xilliyada kala duwan ee sanadka.
Taas waxaa sii dheer in ganacsigii guud ee bataatiga adduunka uu khasaare galay. Belgium waa mid ka mid ah dalalka caalamka u dhoofiya baradhada ugu badan, oo ay ku jirto midda la barafeeyay.
Wuxuu waddankan sanadkiiba diraa barasho lagu qiyaasay 1.5 milyan oo tan, taasoo uu u kala diro 100 waddan oo kale.
Wax yar oo lagu farxo waxaa ah in ururka ay ku bahoobeen ganacsatada baradhada ee Belgium, oo loo yaqaanno Belgapom, uu hadda soo saari doono 25 tan oo bataati ah isbuuciiba, kaasoo loo kala qeybin doono suuqyada raashinka ee gobolka Flanders, sida ay soo tabiyeen warbaahinta dalkaas.
"Habkan waxaa lagu isticmaali doonaa qeyb yar oo ka mid ah bataatiga, waana uga hortagi karnaa in raashinka aan jecel nahay, oo beeraleydeennuna ay shaqada badan galiyaan uu iska khasaaro," ayuu yiri wasiirka beeraha ee Flemish, Hilde Crevits oo la hadlayay wargeyska Brussels Times.
- Tixraaca wararka Covid-19 ee Afrika
- Maxaa ka jira in filimkan uu sii saadaaliyay caabuqa Corona?
- Sida wararka beenta ee corona u faafaan
- Masaajidda Maka iyo Madiina oo laga mamnuucay Saladaaha jamaacada
- Wiil Soomaali ah oo laga helay cudurka coronavirus oo ka walwalsan Soomaalida kale ee aan isbaarayn
- Sidee bedqab loogu soomi karaa inta lagu jiro Coronavirus
- Sababta dalalka ay dumarka hoggaamiyaan ay jawaab fiican uga bixiyeen fayraska Corona?
- "Walaashey oo bil ka hor la ii sheegay inay Corona u geeriyootay ayaa i soo wacday"
- Vietnam weli kiis dhimasho ah lagama soo sheegin, Maxay sameeyeen oo mudan in la raaco?
Dhibaatada baradhada iyo bataatiga ayaa sidoo kale saameysay gobolka Hauts-de-France, oo ka tirsan dalka dariska la ah Belgium ee Faransiiska.
Waxaa jira ku dhawaad 500,000 oo gobolkaas aan wali looga helin wax macaamiil ah. Waxay u badan tahay in dhammaantood ay khasaaraan.
Mid ka mid ah beeraleyda Belgium, oo ay soo xigatay warbaahinta RTBF, oo lagu magacaabo John Van Merhaeghe, ayaa shaki ka muujiyay inuu adeeg dambe ka heli doono warshadaha lagu diyaariyo baradhada la shiilo.
"Haddii la dadaalo, oo wax kale la iga iibsado, halkii tan wuxuu qiimihiisa noqon doonaa €15 (£13; $16) - qiimahaasoo toban jibbaar ka yar kii markii hore suuqa looga gadan jiray. 15 euro waa qiimaha ay warshadaha ku bixiyaan qolofka baradhada ee xoolaha la siiyo!"
Beeraley kale oo diiday in magaciisa la xuso ayaa dowladda federaalka Belgium ugu baaqay inay garab siiso, isagoo sheegay in waddanka Netherlands halkii tan oo bataati ah ay dowladdu beeraleyda uga iibsaneyso €50. "Annaguna wali wax sidaasoo kale ah ma aannaan helin," ayuu yiri.