Digniin Coronavirus ah: xaalad gaar ah oo carruurta lagu arkay

Published

Dhakhaatiirta NHS-ta ayaa loogu digay inay ka fiirsadaan falcelin naadir ah laakiin khatar ku ah carruurta oo lagu arkay, isla mar ahaantaana lala xidhiidhin karo coronavirus.

Digniintan degdegga ah, oo uu soo gudbiyey GPs ayaa sheegaysa in waaxyaha daryeelka degdegga ah ee London iyo qaybaha kale ee UK ay ku daaweynayeen carruur aad u jirran oo leh astaamo aan caadi ahayn.

Waxaana ka mid ah: "caabuq iyo barar badan" oo ah astaamo si ugu eg hargabka.

Qaarkood, ma aha dhammaantoode, waxaa laga helay 'coronavirus' oo u raaca.

Ma cadda tirada carruurta ee laga arkay xaaladdan, in kasta oo tirooyinka ay yaraanayaan.

Agaasimaha caafimaadka NHS England, Stephen Powis ayaa sheegay inay ogaadeen warbixinnadan dhifta ah, ee ku saabsan cudurradan daran ee carruurta lagu arkay. "Kaliya waa maalmihii ugu dambeeyay ee aan aragnay warbixinadaas. Waxaanu wayddiisannay khubaradeenna inay arintan ka fiirsadaan si deg deg ah."

Digniinta, oo ay soo saartay NHS England, ayaa lagu sheegay inay jirto "walaac sii kordhaya" oo ah in cudur 'coronavirus-ka la xidhiidha' uu ku soo baxayo carruurta ku nool Boqortooyada Midowday ama ay jiri karaan cudur kale, oo aan wali la aqoonsan, oo keenay xanuunkan.

Waxa uu leeyahay astaamo xanuun daran ah, hunqaaco ama matag, shuban oo kale, xummad daram, dhiigga uu hooseeya, iyo mararka qaar neefsashada oo ku adag.

Khubaradu waxay yiraahdaan kuwanu waa calaamadaha aad arki karto marka uu soo ifbaxo xanunkani maadaama jidhku isku deyayo inuu la dagaallamo fayraska soo weeraray.

Digniinta la soo saaray ayaa ku talinaysa kiisaskaas waxay u baahan yihiin daaweyn degdeg ah.

Sida oo kale khubaradu waxay sheegayaan, in carruurto qaarkood yihiin kuwo aad ula xanuunsan Coronacirus, waxaana caddaymaha dunidu muujinayaan in carruurtu yihiin bulshada ugu yar ee uu saameeyey fayraskani.

NHS England ayaa sheegtay inay ogtahay wax ka yar 20 kiis oo noocaas ah oo dalka gudihiisa ah oo ay soo diwaangeliyeen ururro ay leeyihiin dhakhaatiirta. Baadhitaannada ayaa sii socon doona, laakiin wali xidhiidh lalama samayn weli, ayuu yidhi afhayeen u hadlay.

Kulliyadda Royal ee Caafimaadka Caruurta iyo xanuunnadooda (RCPCH) ayaa sheegtay in waalidiinta ay tahay in ay arrintan la socdaan, oo haddii ay ka walaacsan yihiin caafimaadka carruurtooda sabab kasta ha noqotee, waa inay caawimaad ka raadsadaan xirfadle caafimaad.

Professor Simon Kenny, oo ah agaasime caafimaad oo ka tirsan NHS ee carruurta iyo dhalinyarada, ayaa yiri: "Talada waalidiinta waxay sii ahaaneysaa isku mid: haddii aad ka walwalsan tahay cunugaaga sabab kasta ha noqotee, la dhiidh NHS 111 ama dhaqtarkaaga qoyska si aad u hesho talo deg deg ah, ama 999 xaalad deg-deg ah, oo haddii xirfad-yaqaanku kuu sheego inaad isbitaal tagtid, fadlan tag isbitaalka. "