Coronavirus: 'Ninkii aan lix bilood ka hor is guursannay dhakhtarka ayuu aaday mana uusan soo noqonin'

Sandra Wyness
Published

Maalin uun ka dib markii ay ka soo laabatay aaska seygeeda, haweeneydan waxay dadka kula talisay inay si adag ugu hoggaansamaan amarka bandowga oo aysan guryahooda ka bixin.

Andy Wyness, oo 53 sano jir ahaa, ayaa u geeriyooday Covid-19, 6 bilood uun kadib markii uu la aqal galay xaaskiisa oo 25 sano ay wada socdeen, waxayna makaas ka soo laabteen dalxiis ay u aadeen Wales.

Xaskiisa Sandra ayaa dadka ka codsaneysa in aysan jabinin sharciga kala fogaanshaha. Waxay sheegtay in feyraska uu ''albaabada guryaha taagan yahay''.

Sandra Wyness, oo 58 jir ah, ayaa sheegtay in seygeeda uu caafimad qabay markii lagu arkayay calaamadaha xanuunka Coronavirus.

Waxay sido kale sheegtay inay ku kaftamisay in mar walbo oo dalxiis yar ay aadaan uu ku dhaco qabow ama burukiito.

'Markii ugu dambeysay'

Calamadihii xanuunka ee uu qabay ayaa ka daray, qanadhadii ayaa sare u kacday, qufaciina wuu ku sii xoogeystay, wuxuuna go'aansaday in uu isbitaalka aado oo u dhaqtar la kulmo.

Mrs Wyness waxay tiri: "isaga ayaa gaariga kaxeystay, kadibna waxaa na soo wacday kalkaaliso oo noo sheegtay in ay neefta dhibeyso oo xaaladdisa ay liidato, sidaasi darteedna ambulance la saari doono oo isbitaal kale la geyn doono".

"Waan ogaa in xaaladiisa ay culustahay."

Markii uu guriga ka baxay si uu dhaqtar ula kulmo ayaa Sandra ugu dambeysay araggiisa.

Order of service
Qoraalka sawirka, Andy waxaa la aasay Khamiistii

Andy waxa la geeyay isbitaalka dadweynaha ee Wishaw ee ku yaalla waqooyiga Lanarkshire ee dalka Ingriska. Maalintii xigtayna waxaa lagu sheegay xanuunka Covid-19.

Shan beri kadib waxaa la geliyay qeybta xaaladda halista ah ee loo yaqaanno ICU-da, waxaa lagu xiray qalabka neefsashada ka caawiya dadka, balse feyraska ayaa la wareegay jirkiisa oo dhan.

Wax kale ma jirin

Mrs Wyness waxay tiri: "Waan wacayay labo ilaa saddex jeer maalintii balse iima suurta gelin inaan arko. Waxay nala soo xiriireen Khamistii, dhakhtar ayaana noo sheegay inaan isku diyaarino xaalad adag.

''Maalintii Isniinta wuu yara roonaa balse wali wuxuu u baahnaa qalab ka caawiya neefsashada. Waxay ila soo xiriireen 6-dii galabnimo, waxayna ii sheegeen in ay xaaladdiisa la tacaaleen oo qandhadiisa la dejin waayay, oxygen-na ay ku xireen oo ay caawin waysay. Waxay i weydiyeen in uu qof ila joogo, labo daqiiqo kaddibna waxay ii sheegeen in uu geeriyoday isagoo ay ag fadhiyaan labo kalkaaliyayaal."

Andy and Sandra were married in October

Xigashada Sawirka, Sandra Wyness

Qoraalka sawirka, Andy and Sandra were married in October

Mrs Wyness waxa la siiyay fursad ah in ay seygeeda la joogto balse ay ka fogaato 2 mitir ayna xirato qalabka la'iskaga difaaco cudurka. Sidoo kale markay ka baxdo isbitalka la karantiili doono ugu yaraan labo toddobaad.

Waxay dooratay inaysan aadin, iyadoo sheegtay inay tahay wax uusan ku qanci lahayn isaga.

"Ma usan qabin cudurrada dadka qaba ay halista ugu jiraan u dhimashada coronavirus. Laakiin dhiig kar yar ayuu qabay. Wax kale ma usan qabin.

10 qof kaliya

Andy wuxuu ahaa nin dad badan oo wuxuu u shaqeyn jiray dowladda hoose ee North Lanarkshire, wuxuuna ahaa aabe iyo awoow la jecelyahay.

Balse waxaa loo oggoladay 10 ka mid ah qoyskiisa oo kali ah inay ka qeyb galaan aaskiisa.

"Waxaan ahayn 10 ruux oo kali ah, dadkana inay isoo hor istaagaan way ku adkeyd oo ay igala hadlan arrimaha tacsida," ayey tiri Mrs Wayness.

Andy and Sandra Wyness

Xigashada Sawirka, Sandra Wyness

Qoraalka sawirka, Lammaanahan waxay si wadajir ah u aadi jireen dalxiis joogto ah

Waxay rajeyneysaa mustaqbalka in ay xaflad u qabato boqolaalka qof ee saygeeda taqaannay si ay dhammaantood u xusaan. Waxay sidoo kale rajeyneysaa in dadka haddii ay akhristaan sheekada qoyskeeda ay si wanaagsan uga fikiri doonaan inta aysan jabinin talooyinka khubarada caafimaadka iyo amarrada dowladahana.

Waxay tiri: "Waxaan filaayay in Andy uu albaabka u soo gali doono sidii uu markii horeba uga baxay.

Arooska riyada

Waxay intaasi ku dartay in ''dadka aysan ogeyn halka uu feyraska ka jiro oo xita qofka ku ag fadhiyo laga yaabo in uu qabo, sidaas awgeedna kali ahaanshada iyo kala fogaanshaha ay muhim tahay."

Haweeneydan ayaa sheegtay inay ka qoomameyneyso sababta ay dhaqso isku guursan waayeen walow uu arooskooda dhacay bishii October iyagoo isla noolaa muddo 25 sano ah. Waxay ogaadeen in noolasha ay qiimo leedahay.

Waxay tiri: "Waxaan jelaan lahaa inaan aragno mar hore, si aan dhaqso u aqal galno''.

"Tan iyo intaan is guursannay wuxuu maalin walba igu dhihi jiray, maalintii arooskeenna waxay ii ahayd maalintii iigu farxadda badneyd dunida."

bb
bb