Maxay dadka weli ugu soo ururaan goobaha lagu cibaadeysto?

Published

Kooxaha aaminsan diimaha kala duwan ee ku sugan dunida ayaa iska dhega tiraya talooyinka ay jeediyeen seynisyahanada oo ah in aysan isugu uruurin goobaha cibaadada si looga hortaggo faafitaanka cudurka coronavirus.

U qaabilsanaha Qaramada Midoobey arrimaha diinta Dr Axmed Shahiid ayaa ugu baaqay dowlahada ay dhaqan geliyaan tallaabooyin qaar ah oo xayiraado lagu saarayo dhaqdhaqaaqyada diimaha marka ay timaaddo halis caafimaad oo laga baqaya, waxaa uu sheegay in arritani ay waafaqsan tahay xeerarka caalimga ah.

Isaga oo wareysi gaar ah siinayay BBC-da, Dr Axmed Shaheed wuxuu rumeysan yahay in hogaamiyeyaasha diimaha ay ka qeyb qaadan karaan in dadka ay ku dhiirogeliyaan inay kala fogaadaan oo aysan tegin goobaha isu imaatinka.

Wuxuu sheegay "in hogaamiyeyaasha diimaha ay mas'uuliyad ka saaran tahay inay ku dadaalan sidii ay ku dareyeeli lahaayeen bulshada.

Isu imaatinka xilli uu taagan yahay Covid-19

Inkasta oo dhawaan dadka aaminsan diinta Kiristaanka ay u dabaaldegeen ciidda Easter iyadoo aysan jirin goobo lagu kulmay, balse baadari ku sugan gobolka Louisiana ee dalka Mareykanka oo lagu magacaabo pastor Tony wuxuu ku anddacooday in kun qof ay ka qeyb galeen kaniisad uu isaga maamulo oo ku taalla halkaas inkasta oo barasaabka gobolkaas uu mamnuucay in dadka ay tegaan goobaha isu imaatinka.

Dalka Pakistaan, culimada waxay iska dhega tiraayaan xayiraadda dowladda ay kusoo rogtay masaajidda oo ah in halkaas aanan salaadda jamaacada lagu tukan si looga hortaggo coronavirus.

Wuxuu u muuqdaa in dalka uu dabcinayo xayiraadda , waxaa sidoo kale jiraa codsi kasoo baxayo culimada Pakistaan oo ah in muslimiinta loo ogolaado masaajidda xilliga bisha barakeysan ee Ramadaan.

Ra'iisul wasaaraha Pakistaan, Cimraan Khaan wuxuu sheegay in culimada uu kala tashan doono tallaabooyinka looga hortaggayo cudurka xilliga bisha Ramadaan.

Jamaacada Tabliiqa ee Pakistaan ayaa lagu eedeeyay inay faafiyeen cudurka Covid-19 kaddib markii kulan diimeed ay ku qabteen halkaas.

Sidoo kale, jamaacada tabliiqa waxaa lala xiriiyay in cudurka ay ku faafiyeen India, Indonesia iyo Malaysia.

Dhinaca kale, Kuuriyada Koonfureed kumanaan qof oo uu ku dhacay coronavirus waxaa la xiriiriyay kaniisadda Shincheonji kaddib markii kulan diimeed lagu qabtay halkaas, kooxdii kulankaas soo qabanqaabisay waxay raalli gelin ka bixiyeen in cudurka uu ku faafo halkaas, waxay bilaabeen inay dowladda ay kala shaqeeyaan la dagaalanak cudurka, inkasta oo ay saraakiisha sheegeen in xubno ka tirsan kaniisaddaas ay diideen in la baaro.

Seynisyahanada iyo dhakhaatiirta waxay ka digeen in kulanka kooxaha kala duwan ay kaalin weyn ka qaadan karto fiditaanka coronavirus.

Marka, muxuu yahay waxyaabaha dadka ku dhiirogelinayo kulanka inkasta oo looga digay?

Cibaadada waa arrin lagama maarmaan ah

Matthew Schmitz waa baadari ku sugan gobolka Pennsylvania ee dalka Mareykanka halkaas oo la mamnuucay goobaha isu imaatinka, balse wuxuu Matthew leeyahay kaniisadda waa lagama maarmaan isla markaana waa in kala fogaanshaha bulshada laga hirgeliyo goobaha cibaadada si lamid ah xarumaha ganacsiga.

Arrinta ku aadan aaminaadda

Bastiaan Rutjens oo ku takhasusay cilmu nefsiga gaar ahaan diimaha ayaa sheegaya in gobollada Mareykanka ay ku kala qeybsan yihiin arrintani.

"Dadka qaar ee ku nool gobollada waxay la daalaa dhacaayan dhaqan gelinta talooyinka ay u soo jeediyeen gobollada sababta oo ah ku aamin qabaan maamulada.."

Bastiaan Rutjens wuxuu rumeysan yahay in dadkaas aysan si buuxdo ugu aamin qabin khuburrada xiriirka la leh dowladda sida senisyahanada iyo dhakhaatiirta."

In aad u hogaansanto hogaamiyahaaga

Mararka qaar waxaa dhacdaa in madaxweyne uu dadkiisa ugu baaqo inay aadaan goobaha cibaadada.

Madaxweynaha Tanzania, John Magufuli oo climiga Kemistiriga ka heysta shahaadada PHD ayaa ugu baaqay shacabkiisa inay aadan misaajidda iyo kaniisadaha.

Isaga oo ka hadlayay kaniisad wuxuu yiri "coronavirus waa sheydaan, kuma noolaanayo jirka qofka kiristaanka ah, si deg deg ah ayuu u gubanaya , waxaa la joogaa xilligii aan xoojin laheyn imaankeenna"

Tanzania bandow loogama dhawaaqin balse waxaa la xiray iskuulada iyo goobo kale.

Sheekh Xasan Said Chizenga oo u hadlay muftiga diinta islaamka ee dalkaas ayaa ku waafaqay hadalka madaxweynaha, wuxuu yiri "in salaadaha lagu tukado masaajidda xilliga masiibada iyo in la dagaallamo safmarka waa arrimo muhiim ah balse waxaan Alle ka baryeeynaa in uu naga ilaaliyo feyraska"

Sheekh Chezinga wuxuu sheegay in haatan jamaacada lagu tukado masaajidda ay yihiin kuwo xaddidan balse dadka ay ka codsadeen in marka ay imaanayaan misaajidda ay saligooda ay horey u soo qaataan isla markaana ay ku dadaallaan gacmo dhaqidda.

Xoriyadda diimaha

In la xaadiro goobaha cibaadada waa arrin lagu tiriyo xoriyadda dhanka diimaha.

U qaabilsanaha Qaramada Midoobey arrimaha diinta Axmed Shahiid wuxuu sheegay xoriyadda diimaha ay tahay mid xaddidan.

Bastiaan Rutjens oo aqoon durugsan u leh cilmu nefsiga wuxuu sheegay in feyraska uu yahay mid cusub isla markaana loo baahan yahay tallaabooyin deg deg ah oo lagu xakameynayo.