Nin 'gabadh shan jir ah ku kufsaday safaaradda Mareykanka' oo la qabtay

Xigashada Sawirka, Getty Images
Nin 25 jir ah ayaa loo xidhay eedeymo la xidhiidha gabadh shan sanno jir ah oo lagu kufsaday dhismaha safaarada Mareykanku ku leeyahay magaalada Delhi ee caasimada waddanka Hindiya.
Ninka ayaa la xidhay maalintii Axadda kaddib markii waalidka gabadha yar ay dacwad u gudbiyeen booliska, sida uu sarkaal booliska ka tirsan u sheegay wakaalada wararka ee PTI.
Gabadhan oo waxyeello loo geystay subaxii Sabtida ayay hadda xaaladeedu wanaagsan tahay. Dhakhaatiirta ayaa xaqiijiyay in la kufsaday.
Qoyska gabadha ayaa deggan dhulka safaarada iyadoo uu aabeheed ka mid yahay shaqaalaha nadaafada ee safaarada.
Boolisku waxay sheegeen in eedeysanaha oo darawal ah uusan ka mid ahayn shaqaalaha safaarada. Hase ahaatee, wuxuu la nool yahay waalidkiis oo deggan qeybta shaqaalaha ee dhulka safaarada halkaas oo uu isagana aabehiis ka shaqeeyo.
Safaaraddu waxa ay ku taallaa deegaanka Chanakyapuri oo ah meel u gaar ah diblumaasiyiinta oo ku dhow bartamaha magaalada Delhi oo ay deggan yihiin safaarado dhowr ah. Dhismaha oo aad loo ilaaliyo ayaa ku fidsan dhul dhan 28 hektar. Waxaa ka shaqeeya howlwadeenno maxali ah.
Labada qoys ee ay kasoo kala jeedaan gabadha la kufsaday iyo ninka lagu eedeeyay inuu kufsaday ayaa isu yaqaanna si aad ah, sida ay baareyaashu u sheegeen Wargeyska Hindustan Times.
Baareyaashu waxay intaas ku dareen in eedeysanahu uu ugu yeeray gabadha oo ku ciyaareysa banaanka inay gurigiisa ugu timaado. Waalidkeed way maqnaayeen marka ay wax dhacayeen.
Laakiin gabadha ayaa u sheegtay wixii ku dhacay hooyadeed kaddib markii ay dib ugu soo noqotay gurigooda. Isla markiiba, waxaa loola cararay isbitaalka, halkaas oo ay boolisku sheegeen in dhakhaatiirtu u xajiiqiyeen in la kufsaday gabadha shan sanno jirka ah.

Xigashada Sawirka, Reuters
Boolisku waxay sheegeen inay baaritaan ku wadaan eedeysanaha oo lagu qaadi doono xeerka adag ee ilaalada carruurta.
Dowladda Hindiya ayaa 2018-kii soo saartay sharci dhigaya ciqaab dil ah oo lagu qaadayo kuwa kufsada carruurta kaddib markii ay dhaceen labo kiis oo aad u darnaa - Dilka iyo kufsiga gabadh sideed sanno jir ah, iyo dilka gabadh 16 sanno jir ah.
Tiro-koobkii ugu dambeeyay ee dembiyada Hindiya ka dhaca wuxuu muujinayaa in afartii kufsi ee dhacda uu mid carruur yahay. Tirokoobku wuxuu tilmaamayaa in 94% dhibbaneyaasha ay yaqaanaan dambiilaha.
Kufsiga xad-dhaafka ah ee Hindiya waxa uu banaanka usoo baxay sanadkii 2012-kii kaddib markii kufsi wadareed iyo dil loogu geystay gabadh ardayad ahayd gudaha mid ka mid ah gawaarida dadweynaha ee ka shaqeeyaha Delhi.
Dibadbaxyo waaweyn oo arrinkaa ka dhashay ayaa horseeday in isbeddel lagu sameeyo xeerarka kufsiga ee Hindiya. Bishii Nofeembar ee sanadkii hore, kufsi wadareed iyo dil ayaa loo geystay gabadh 27 sano jir ahay oo ku takhasustay dhakhtarka caafimaadka xoolaha.
Dilkaas oo ka dhacay magaalada koofurta Hindiya ku taalla ee Hyderabad ayaa qabsaday warbaahinta dunida oo dhan, waxaana ka dhashay dibadbaxyo waa weyn.










