“Kalluun biyaha kasoo booday ayaa qoorta iga duleeliyay”

Published

Wiil yar oo u dhashay dalka Indonesia ayaa markii ugu horeysay ka sheekeeyay sidii hanfariirka lahayd ee uu oga dabaashay biyaha badda kadib markii uu weerar xun kala kulmay kalluun.

Maxamed Idul ayaa sheegay in kalluunka uu biyaha kasoo booday, kadibna si xoog ah uu uga dusay qoortiisa xilli uu dul saarnaa doontiisa kalluumaysiga.

DIGNIIN : Sawirka hoose ku jira waa mid u daran dadka qalbiyada jilicsan.

Hadda Maxamed waa uu badqabaa kadib markii qaliin taxadar leh looga saaray kalluunkii, si dhaqso ahna loogula cararay goob caafimaad.

Balse weerarkan naadirka ah aya Maxamed ka dhigay qof caan ah kadib markii sawiradii laga qaaday ay baraha bulshada ku faafeen.

Waraysi gaar ah oo uu siiyay BBC-da shan maalmood kadib ayuu sheegay in xilli habeen ah ay kalluumaysi badda u aadeen isaga iyo saaxiibkiis Sardi.

"Doonta Sardi ayaa iga hor shiraacatay, ana waan ka dabo galay, 500 mitir markaan badda gudaha u galnay, ayuu Sardi shiday leerarka , kadibna kalluun ayaa si lama filaan ah biyaha oga soo booday, kadibna qoorteyda labada dhinac oga dusay" ayuu yiri.

Doonta ayuu ka dhacay, biyaha ayuu gunta u galay, waxaana taas kasii darnayd in kalluunka uu xarbinayay, wiilkana u jiidanayay dhanka badweynta, halka Maxamed uu isku dayayay in uu dhanka xeebta u dabaasho.

Sardi ayaa Maxamed ka reebay in uu kalluunka iska bixiyo si aysan u dhicin dhiig bax xoogan oo xitaa soo jiidan kala kalluunka kale ee waaweyn sida libaax badeedka.

Maxamed aabihiis Saharudiin ayaa ola cararay isbitaalka Bau-bau, kaas oo saacad iyo bar u jira tuulada Batuun ee Koonfur Bari Sulawesi.

Dhaqaatiirtii iyo shaqaalihii caafimaadka ayaa aad ula fajacay wixii ay arkeen, iyada oo agaasimaha isbitaalka Khaalid Saalax uu sheegay in ay tahay markii koowaad oo kiis caynkan ah loo keeno.

Maxamed hadda waa uu kasoo kabanayaa dhaawicii, balse qoorta ma jeedin karo.

Dhacdadan wiilka kama aysan niyad jabin jacaylka uu u qabo kalluumaysiga.

"Kaliya waa in aan tacadaraa, kalluunkan noocan ah uma dulqaato nalka, taas darteed ayuu iisoo weeraray" ayuu yiri Maxamed.