You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Maroodi hoteel daggan oo marti ahaan loo qaabilay
Dad badan marka ay dalxiis u aadayaan waddanka Sri Lanka, waxay jecel yihiin inay mar qura indhaha saaraan Maroodi, iyagoo duurka u aada si ay usoo arkaan.
Laakiin ma jiro qof ka fikira in haddii uu albaabka qolkiisa furo uu arki karo maroodi socda oo barxadda wareegaya.
Hase ahaatee, hoteelka lagu magacaabo Jetwing Yala, oo ku yaalla koonfurta-bari ee dalkaas, sidaas ayaa maalin walba ka dhacda.
Muuqaal laga soo duubay maroodigan lagu agacaabo Natta Kota, oo dhex wareegaya hoteelka, isagoo gacankiisa meelaha wax uga raadsanaya, ayaa si weyn u faafay dabayaaqadii Isbuuca.
Halka ay dadka qaarkood ka daawanayeen muuqaalka, kuwo kalena xiiseynayeen, shaqaalaha hoteelka Jetwing, ee u dhow xerada xayawaannada lagu xannaaneeyo ee Yala, waxay sheegeen in maroodigan uu halkaas dagganaa tan iyo sanadkii 2013-kii, uuna ahaa "macmiilka ugu daacadsan ee hoteelka"..
"Sannadihii hore, Natta Kota wuxuu booqasho ku imaan jiray xilliyo gaar ah, dhowrkii biloodba mar ayuu kasoo bixi jiray duurka si uu hoteelka u imaado. Intii mudadaas lagu guda jiray, wuxuu sidoo kale booqasho ku tagi jiray goobaha kale ee dalxiiska, ee ku teedsan xeebta", sidaas waxaa BBC-da u sheegay afhayeen u hadlay hoteelka Jetwing.
"Dhowr sano ka hor, wuxuu go'aansaday inuu si toos ah usoo dago hoteelka Jetwing, waxaana loo oggolaado inuu marti ka noqdo, nabadna ku joogo. Natta Kota wuxuu mararka qaar seexdaa geedaha hooskooda, halka mararka qaarna uu hoteelka luuqyadiisa iska wareego", ayuu yiri afhayeenka.
Maroodigan mar walba dhaqankiisa ma wanaagsana. Waxaa lagu yaqaannaa inuu khudaarta iyo raashinka ka xado gawaarida hoteelka dhex taalla iyo xitaa jikada gudaheeda.
Laakiin intii la ciqaabi lahaa, shaqaalaha hoteelka waxay u dhaafaan wax kasta oo uu dafo, iyagoo dhanka kalena macaamiishooda kula taliya inay raashinkooda ka ilaashadaan. Silig koronto lagu xiray ayaa hadda ka ilaaliya inuu u gudbo jikada iyo bakhaarrada hoteelka.
"Dabeecadda wanaagsan ee uu leeyahay Natta Kota ayuu kusoo jiitay macaamiisha soo daga hoteelka, waxaana laga duubtaa muuqaallo badan oo laga arkayo isagoo daaqaya geedaha ku yaalla hoteelka", ayey dhaheen mas'uuliyiinta Jetwing