You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Maxaa samafalahan ku kallifay inuu joogo magaalada laga qaxay?
Dad yar ayaa haatan ku haray Saraqeb, oo ah magaalo ku taalla gobolka ugu dambeeya ee ay ku sugan yihiin mucaaradka Suuriya ee Idlib. Waxay magaaladu hoy u ahayd in ka badan 60,000 oo qof, balse bilooyinkii ugu dambeeyay qoysaska badankood ayaa ka qaxay bambooyinka, gaajada iyo qabowga. Dadka weli ku mintidaya magaalada ee aan ka tegin waxaa ka mid ah samafale Laith al-Abdullah.
Kahor dagaalka 42-sano-jirkan Laith wuxuu ahaa xisaabiye ka shaqeeya shirkad lacagaha sarrifta. Maalmahan xisaabinta keliya ee uu sameeyo waa dadka uu ka soo badbaadiyo burburka dhismooyinka hoostooda. Dadkaas badankood marka ay usoo laabtaan guryahooda iyagoo doonaya inay ka qaataan alaabo muhiim ah waxay la kulmaanduqeymaha cirka ee ay fuliyaan ciidamada Suuriya iyo Ruushka,
Xaaska Laithiyo labadiisa carruurta ah ayaa ka mid ah dadka isaga tagay magalaada. Wuxuu sheegay inuu u oggolaan waayay inay joogaan maaddaama uu arkay dad badan oo ku geeriyooday duqeymaha.
"Hadda way iga fog yihiin mararka qaarna muuqaal ahaan ayaan telefoonka kula hadlaa. Waan u xiisay in badan balse waxaan ku faraxsanahay inaysan ku jirin khatarta aan ku jiro oo kale," ayuu yiri.
Laith wuxuu colaadaha Suuriya ku waayay walaalkiis ka yar, Mohammed, oo u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray duqeymo dhacay sanadkii 2012, inkastoo Laith uu aad ugu dadaalay inuu badbaadiyo. Markaas ayuuna ku biiray samafalayaasha u gargaara bulshada ee lagu magacaabo Koofiyadaha Cad.
"Waxaan walaalkey ka soo saaray burburka dhismaha isbitaal ayaana geeyay, balse saacado kaddib ayuu geeriyooday. Wuxuu ahaa 22 jir. Wuxuu ku dhaawacmay duqeymihii ugu horreeyay ee ka dhacay Saraqeb," ayuu yiri.
Waxaa laga yaabaa inaad is dhahdo dhacdadaas ayaa ku kalliftay Laith inuu la shaqeeyo kooxda Koofiyadaha Cad, hase yeeshee faa`iido kale ayuuba ka helay.
"Kaddib markii ay dhaceen duqeymo kale oo xooggan dad badan ayaa u baahday gargaar. Waxaan gartay in tani ay tahay sababta igu dhiirragelisay inaan dadkaas caawiyo. Waxay tani iga khafiifisay murugadii aan dareemay markii uu walaalkey dhintay," ayuu yiri.
Laith ayaa xusuusta howlgal samatabixin ah oo uu sameeyay sanadkii 2015, xilli xoogagga taabacsan madaxweyne Assad ay bilaabeen inay bambooyin ku tuuraan gudaha magaalada, bambooyinkaas oo ay ka buuxaan walxaha haraaga birta. Waxay burbur xooggan ku yeesheen magaalada iyagoo digada ka dhigay guryaha dadka, isla markaana biraha ka firxaday bambada ayaa waxyeello ba`an u geysanayay dadka.
"Waxaan xusuustaa inaan muddo saacado ah gacmahayga ku qodayay godka dhismo burburay si aan uga soo saaro haweeney da` ah oo halkaas ku jirtay. Waxaan maqli karay ooyinteeda balse iyada uma jeedin markii hore. Balse ugu dambeyn waan ka soo saaray halkaas," ayuu yiri.
Wuxuu sidoo kale xusuustaa dhacdo uu ku guuleystay.
"Waxaan aniga iyo kooxdeyda ku guuleysannay inaan burbur dhisme ka soo dhex saarno gabar sagaal jir ahayd oo lagu magacaabo Islam," Laith ayaa sidaas yiri. "Aad bey ugu adkeyd inay neefsato, balse waxaan ku faraxsanahay inay badbaadday."
Duqeymihii bambada ee ugu dambeeyay, sawir la qaaday ayaa lagu arkayay Laith oo ka soo baxay burburka sheybaar jaamacdeed isagoo sida meydka ardayad da` yar ahayd oo sayniska ka baraneysay jaamacadda. Balse sheekadan si wanaagsan kuma dhammaan.
"Dhacdadan waxay ahayd mid xusuus fog igu leh umana maleynayo inaan weligey illoobi doono," Laith ayaa sidaas yiri.
"Magaceeda wuxuu ahaa Abir. Weli way nooleyd markii aan gacmahayga ku siday anoo ka soo cararaya sheybaarka. Way qalin jebin rabtay waxaadna i arki kartaa anigoo qeylinaya oo ku sugan bannaanka dhismaha dalbanayana caawinaad.
"Waxaan dhammaan hareerahayga ka maqlayay dhawaqa ambalaasyada caawinaya dadka iyo cabaadka dadka dhaawaca ah, balse dhammaantood wya buuxeen oo ma aysan qaadi karin gabadha. Halkaas ayay ku geeriyootay aniga oo gacmaha ku sida."
Kahor inta uusan dagaalku bilaaban sanadkii 2011, Saraqeb waxay ahayd magaalo beereed qurux badan, oo isku xirta xaafadaha ku yaalla koofurta Idlib.
"Dhammaan dadka suuqyadeenna ayay imaan jireen amaba Saraqeb ayay marin ka dhigan jireen. Dalxiisayaal tiro yar ayaa imaan jiray sidoo kale," ayuu yiri Laith. "Magaalada waxay mar walba ahayd mid qurux badan. Waxay ahayd meel mashquul badan oo faraxsan. Haatan magaaladu waa qolof aamusan oo maran."
Shidaalka gaadiidka waa gabaabsi waxaa sidoo kale jirta koronto yaraan iyo qoryaha dabka lagu shito oo ay dadku kaga kulaalaan qabowga.
"Dadku waxay raadiyaan wax walba oo ay dabka ku shidan karaan. Waxay xitaan shidanayaan alaabaha qaaliga ah ee ay haystaan sida alaabta guriga u taalla iyo dharka iyo sidoo kale waxyaabaha aysan awoodin inay qaataan haddii lagu qasbo inay magaalada ka qaxaan," ayuu yiri Laith.
Maaddaama ay Saraqeb ku taallo furinta hore ee koofurta Idlib waxay u muuqataa inay ka mid noqon doonto magaalooyinka ugu horreeya ee uu burburku saameyn doono haddii uu guuleysto howlgalka cusub ee duqeymaha cirka ee xoogagga taageersan dowladda Suuriya.